HomeNuxurka Bayaan ay Alshabaab Soo Saartay

Nuxurka Bayaan ay Alshabaab Soo Saartay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Muqdisho(Slpost) – Bayaan ku qornaa Luqadaha Carabiga iyo Ingiriisida oo kasoo baxay waaxda Warfaafinta ee Xarakada Alshabaab oo cinwaan looga dhigay ” U gar gaara halkii loo dheelmiyay Nabigiina” ayaa waxaa markii ugu horreysay lagaga hadlay howl-gallada xoog-ku-galka ah ee Yuhuuddu mudooyinkii lasoo dhaafay ku galayeen Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.

 

“Waxaan la wada soconay xoog ku galladii ugu dambeeyay ee ay Yuhuudu ku galayeen Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa, caalamkoo dhanna wuxuu wada arkayay sida kabahooda Nijaasta ah ay ugu wasakheeyeen barxadihiisa daahirka ah, iyo sidii ay u dileen, u garaaceen, una ihaaneysteen Ehelkeenna Muwaxidiinta ah ee ku nool goobtaas barakeysan, taas oo qeyb ka ah sil-siladaha soo noq noqday ee dembiyada ka dhanka ah Muslimiinta” ayaa lagu yidhi Bayaanka Al-shabaab.

 

Alshabaab waxay ugu baaqday dhammaan dadka Muslimiinta ah in qof kasta waxa uu awoodo uu ugu gar gaaro walaalihiisa Muslimiinta ah ee ku nool dhulka Filastiin : ” Qaddiyadda Masidka Al-Aqsa iyo dhulka Muslimiinta ee la gumeysto ee Beytul Maqdis waa Qaddiyad ay wada leeyihiin Umadda islaamka ah iyo guud ahaan Muslimiinta, ma aha Qaddiyad Wadaniyadeed ama mid Qowmiyadeed; sidaas darteed waxaa waajib ku ah Muslimiinta guud ahaan inay u gar gaaraan oo ay ku taageeraan walaalahooda ku sugan dhulkaas barakeysan wax kasta oo suuragal ah”. Ayaa lagu sheegay bayaanka.

 

Al-shabaab ayaa ku boorrisay Falastiiniyiinta beegsashada yuhuuda “waxaan ugu baaqaynaa Muslimiinta guud ahaan iyo gaar ahaan Ehelkeenna Beytul Maqdis inay meel walba ku beegsadaan Masaalixda Yuhuudda iyo danahooda, ayna adeegsadaan Waddo kasta oo suurtagal ah, kuna daysadaan walaalahooda haleeyada ah ee kaligii-duulayaasha ah, kuwaas oo banaanka soo dhigay wax tarka howl-galladaasi, iyo sida ay u naafeeyeen danaha Amni iyo midka dhaqaale ee Cadowga, u deg dega Janno ballaceedu uu la egyahay Samaawaatka iyo dhulka, halku dhiggiinuna ha noqdo : فقاتل في سبيل الله لاتكلف إلانفسك, waxaadna ogaataan in Yuhuudi kasta oo maanta dhulka dushiisa ku nool inuu bannaan yahay dhiiggiisa iyo Maalkiisa, bad baadana kuma helayo illaa Iimaan ama Ammaan mooyee, wuxuuna yahay hadaf Sharci ah, ha noqdo mid hub qaada ama mid aan qaadin, Muslim walba oo Yuhuudda kula dagaallama nooc walboo ka mid ah dagaalka, Aaladduu doono ha adeegsadee waa Mujaahid, haddii la dilana waa Shahiid Bi’idnillaah”.

 

Bayaanka oo la hadlaya Shacabka Muslimka ah ee reer Filastiin wuxuu intaas kusii daray : ” waxaad ogaataan inaysan jirin Waddo kale oo aad Yuhuuda kaga bad baadin kartaan halkii loo dheelmiyay Nabigiinna iyo dhulkiina la heysto illaa Jihaad hubeysan iyo Caqiido saxiix ah mooyee, kuna hoos dagaallantaan Raayo nadiif ka ah Shirki iyo Ilxaad”.

 

Ugu dambeyntii Xarakada Al-Shabaab waxay hamblayo u dirtay geesiyaashii maalmihii lasoo dhaafay howl-galllada kaligii-duulnimada ah ku qaadayay Askarta Yuhuudda iyo Muwaadiniintooda, waxayna sheegtay in geesiyaashaas ay muujiyeen wacdaraha ugu wanaagsan ee loogu nusreynayo Diinta Islaamka iyo Muqadasaatkeeda barakeysan.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories