HomeNuxurka ay xambaarsan yihiin Wareegtooyin is-huwan oo uu soo saaray Madaxweyne Muuse...

Nuxurka ay xambaarsan yihiin Wareegtooyin is-huwan oo uu soo saaray Madaxweyne Muuse Biixi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegtooyin uu maanta soo saaray, waxa uu ku shaaciyey dhaqan-galka Afar Xeer oo kala ah Xeerarka Kufsiga/Xad-gudubyada Jinsiga, Maarayenta Deegaanka, Shirkadaha Somaliland iyo Waxbarashada Qaranka.

Sidoo kale, wareegto kale oo madaxweynuhu soo saaray, waxa uu ku shaaciyey Isku-beddel iyo Dib-u-qaabayn lagu samaynayo Ciidanka Ilaalada Cashuuraha oo madaxweynuhu si toos ah u hoos keenay Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland.

muuse biixi khudbad abu dhabi (47)Wareegtada Madaxweynuhu ku shaaciyey dhaqanka Afarta Xeer, ayaa u qornayd Sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-191/082018, ku dhaqan-geliyey afar Xeer.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

 

  1. Dhaqan-galka Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018.
  2. Dhaqan-galka Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeer Lr. 79/2018.
  3. Dhaqan-galka Xeerka Shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018.
  4. Dhaqan-galka Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeer Lr. 77/2018.

 

Markaan Arkay:                   Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

 

Markaan Arkay:                   Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-37/804/2018, summaddiisuna tahay Ref: GW/9/26/166/2018, kuna taariikhaysan 05/08/2018, ujeeddadiisuna tahay soo gudbin go’aanka ansixinta Xeerarka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018;

Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeer Lr. 79/2018;

Xeerka Shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018; iyo

Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeer Lr. 77/2018;

 

Markaan Arkay:                   Qodobada 75aad iyo 76aad, ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Waxaan soo-saaray;

 

  1. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018.
  2. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeer Lr. 79/2018.
  3. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018.
  4. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeer Lr. 77/2018.

 

Sidoo kale, wareegtada madaxweynuhu Dib-u-habaynta ku sameeyey Ciidanka Illaalada Cashuuraha ayaa u dhigneyd sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-184/082018, uu dib-u-habayn ku sameeyey Ciidanka Ilaalada Cashuuraha ee loo yaqaan (Turbataariyada)

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

Dib-u-habaynta Ciidanka Ilaalada Cashuuraha (Turbataariyada)

 

Markaan Arkay:               Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay:                Ahmiyadda Ciidanka Ilaalada Cashuuruhu u Leeyihiin Kobcinta Dhaqaalaha iyo Dar-dar-galinta Dakhli Uruurinta Dalka;

Markaan Xaqiiqsaday: Muhiimadda Dib-u-habaynta Ciidanka Ilaalada Cashuuruhu u leeyihiin Qaranka;

Markaan Helay:          Talo-soo-jeedinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda ee ay khusayso;

Waxaan Go’aamiyey;

  • In laga bilaabo taariikhda maanta dib u habayn lagu sameeyo Ciidanka Ilaalada Cashuuraha (Turbataariyada), kuwaas oo noqon doona qayb ka tirsan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana hoos tagi doona Taliska Guud ee Ciidanka Booliska.

 

  • In Taliyaha Ciidanka Boolisku isku-beddel ku sameeyo Ciidanka Ilaalada Cashuuraha lixdii biloodba hal mar, isla markaana la siiyo tababar ku saabsan nidaamka ilaalinta cashuuraha, tacriifadaha badeecadaha, wada-shaqaynta maamulka goobta cashuur-qabashada iyo asluubta la-dhaqanka cashuur bixiyaha.

 

  • In Ciidanka Ilaalada Cashuuraha laga dhigo kuwo leh ugu yaraan aqoon dugsi sare iyo ammaano dhab ah, laguna soo xulo karti iyo hufnaan.

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories