HomeNuxurka ay Xambaarsan yihiin Qoraallo ay is-dhaafsadeen Wasiir Waran-cadde iyo Guddoomiyaha WADDANI

Nuxurka ay Xambaarsan yihiin Qoraallo ay is-dhaafsadeen Wasiir Waran-cadde iyo Guddoomiyaha WADDANI

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa markale hor istaagtay isu-soo bax uu ku baaqay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, isagoo wasaaradda ku wargeliyay isu-soo baxaas oo ay sheegeen masuuliyiinta xisbigaasi inay kaga soo horjeedaan muddo-kordhintii ay golaha guurtidu u sameeyeen xukuumadda iyo golaha wakiillada, maalintii shalay.

Qoraal uu soo saaray xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, isla markaana uu ku saxeexan yahay guddoomiye ku-xigeenka xisbigaas oo ay u gudbiyeen wasaaradda daakhiliga ayaa u qornaa sidan:-

“Anaga oo ka duulayna xaqa dastuuriga ah ee u ogolaanaya muwaadiniintu inay sameeyaan isu-soo bax salmiya, kaasoo aanu ku cabirayno mawqifyaga iyo diidamada xisbiga WADDANI kaga soo horjeedo muddo-kordhinta ka baxsan wixii lagu heshiiyay ee kasoo baxay guddida doorashooyinka qaranka.

Sidaa darteed xisbiga WADDANI isaga oo ka duulaya dastuurka qaranka qodobkiisa 32-aad, faqradiisa 2-aad iyo 3-aad ee u ogolaanaya inay samayn karaan isu-s00 bax salmiya, waxaanu wasaaradda arrimaha gudaha ku wargelinaynaa inaanu samaynayno banana-bax ka dhici doona dhamaan gobollada jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu rajaynaynaa inaad ka gudan doontaa waajibaadkiina oo ah ilaalinta isu-soo baxayaasha iyo nabadgelyadooda.”

Dhinaca wasaaradda arrimaha gudaha ayaa qoraal diidmo kaga jawaabtay codsiga xisbiga WADDANI, isla markaana ku hortaagtay dalabkooda, waxaanay wasaaraddu qoraalkeeda diidamada ah ku sababaysay in waqtigan loo diyaar garoobayo xuska sannad guurada 24-aad ee maalinta qaranimada Somaliland.

Sidoo kale waxa warqadda oo uu ku saxaaxan yahay wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cade lagu sheegay inaanay xisbiga WADDANI qoraalkooda ku caddeyn inay damaanad qaadayaan wixii ka yimaada ee dhibaato isu-soo baxa ay dalbadeen.

Qoraalka wasaaradduna waxa uu u qornaa sidan:-Diidmada wasaaradda daakhiliga

UJEEDO:- WAGELIN

Tixraac warqadda ka soo baxday Xafiiska Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad ee Xisbiga Wadani ee Tirsigeedu yahay XIS/WAD/XDH kuna taariikheysan 14th/05/2015, ujeedadiisuna ahayd Mudaharaad Salmiya ah, isla markaana taariikhda aad soo gudbiseena ay khaldan tahay oo aan la gaadhin maantana ay bishu tahay 12thMay2015.

Tixraac warqadda ka soo baxday Xafiiska Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad ee Xisbiga Wadani eek u taariikheysan XIS/WAD/XDH ee 07th May 2015, ujeedadiisuna ahayd Mudaharaad Salmi ah taasi oo warqadaasi noo soo Gudbiseen 10/05/2015, sida ku cad Qabashada warqadda.

Haddaba Wasaaradda Arrimaha Guduhu markii ay u kuur gashay qoraalka warqadaasi, isla markaana daristay Qawaaniinta iyo xeerarka Dalka u yaala ee khuseeya arrintan, waxay diiday codsiga warqada xisbiga Wadani, kuna sababaysay sidan tan:

  1. Iyada oo la eegayo danta guud ee Qaranka iyo Ilaalinta Amniga
  2. Iyada oo la eegayo xaalada hada dalku ku jiro oo ah u diyaar garawga maalintii la soo noqoshada xoriyada 18 may.
  3. Iyada oo ay cadaw badani inoogu soo dhuuman karo oo khal khal galin kara xasiloonida Dalka.
  4. Iyada oo aanay xisbiga Wadani  qoraalkooda ku cadayn in ay mas’uul ka yihiin wixii ka yimaada .

Sidaas darteed, Wasaaradda Arrimaha Guduhu iyada oo cuskanaysa Qodobka 25aad faqradiisa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhigaya dhamaan xoriyaadka qofka waxaa shardi ah in aanay ka hor iman xeerka anshaxa guud xasiloonida dalka, ama xuquuqda qofka kale.

Iyada oo cuskanaysa qodobka 10aad faqradiisa 3aad ee xeerka anshaxa iyo Nabadgalyada guud xeer no: 51/2012, mar labaad waxay diiday Ogolaanshaha Mudaharaad dana gaara oo siyaasadeed lagaga fulinayo dalka”Ayaa lagu sheegay warqada diidmada ah ee ka soo baxday xafiiska wasiirka arimaha gudaha Somaliland.

Dalabka xisbiga WADDANI ayaa noqonaya kii labaad ee ay todobaadkan ku codsadaan inay dhigaan mudaharaad ay kaga soo horjeedaan muddo kordhinta sannadka iyo tobanka billood ee ay shalay u sameeyeen guurtidu xukuumadda iyo golaha wakiillada.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories