HomeNuxurka ay xambaarsan tahay Warqad Cabdicasiis Samaale u Gudbiyey Madaxweyne Siilaanyo

Nuxurka ay xambaarsan tahay Warqad Cabdicasiis Samaale u Gudbiyey Madaxweyne Siilaanyo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa madaxweynaha Somaliland u gudbiyey warqad xambaarsan qoraal uu kaga cudur-daartay  xilka Wasaaradda Waxbarashada ee Madaxweynuhu u magacaabay, waxaanu wasiir Samaale ku sababeeyey diidmada xilka cusub ee loo magacaabay iyada oo aanu madaxweynuhu kala tashan waxna ka weydiinin Isbeddelka lagu sameeyey.

siilaanyo samaaleIsku-shaan-dheyn xambaarsan Xil-ka-qaadis, Isku-beddel iyo Magacaabis cusub oo Madaxweyne Siilaanyo ku sammeeyey Golihiisa Xukuumadda, ayaa lagu sheegay in Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Samaale loo beddelay inuu noqdo Wasiirka Wasaaraddda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, halka wasiirkii wasaaraddaas Samsam Cabdi Aadan lagu beddelay booska Wasiir Samaale.

Is-casilaadda Wasiir Samaale iyo Saluugga uu ka muujiyey Xilka Cusub ee loo magacaabay, ayaa soo baxay kaddib markii uu shalay gelinkii hore ka soo laanbtay kormeer uu maalmihii u dambeeyey ugu maqnaa gobollada Bari ee dalka, gaar ahaan Ilaha Dakhli-ururinta ee Wasaaradda Maaliyadda.

Warqad Wasiirkii hore Maaliyadda Somaliland kaga cudur-daartay inuu qabto xilka cusub ee wasaaradda Waxbarashada oo isla shalayba madaxweynaha loo gudbiyey, waxa uu sheegay Md Samaale inuu shacabka Somaliland iyo madaxweynahaba u caddeynayo inaanu aqbalayn Xilka loo magacaabay sababo la xidhiidha inaanu madaxweynuhu kala tashan go’aankaas.

Sida ay tibaaxeen ila-wareedyo aanu ka helay nuxurka ay xambaarsan tahay warqadda uu kaga tanaasulay aqbalaadda xilka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada, waxa uu wasiir Samaale madaxweynaha uga mahad-celiyey wada-shaqayntii u dhaxaysay muddadii uu hayey xilka Wasaaradda Maaliyadda. Haseyeeshee, ilo-wareedyadani ma sheegin in madaxweynuhu ka aqbalay iyo in kale.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Samaale oo xilka wasaaraddaas soo hayey tan iyo bishii March ee sannadkii 2012-kii, isaga oo xilkaas ka doorsaday mansabka Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada oo uu muddo todoba sanno ah soo hayey. Haseyeeshee, muddo saddex sanno ah oo uu soo hayey xilka Wasaaradda maaliyadda, waxa lagu tilmaamaa inuu si wax weyn ka qayb-qabtay isla markaana kor u qaaday miisaaniyadda dalka iyo ilaha dakhli-ururinta.

Md Samaale oo sidoo kale saamayn weyn ku dhex-leh xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo ololihiisii tartankii doorashada isla markaana hore u shaaciyey hankiisa siyaasadeed iyo inuu Xisbiga gudihiisa uga tartami doono loolanka hoggaanka dalka, ayaan la saadaalin karin saamaynta arrintani ku keeni karto hankiisa siyaasadeed iyo doorka siyaassadeed ee uu ku dhex-leeyahay Xisbiga Kulmiye.

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories