HomeNuxurka Ay War-murtiyeed Soo Wada Saareen Wasiirada Ganacsiga Iyo Ganacsatada Dalka

Nuxurka Ay War-murtiyeed Soo Wada Saareen Wasiirada Ganacsiga Iyo Ganacsatada Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga  JSL ,Mudane Dr. Cumar Shucayb Maxamed  ayaa shir balaadhan layeeshay Ganacstada Dhexe ee dalka.

Wasiirka waxa  shirka kula wehelinayay Masuuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga  iyo Maalgashiga.

Shirkan  oo ay u jeedadiisu  ahayd sidii ay isula qaadan lahaayeen  hirgalinta Go’aankii Madaxwaynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo  uu ku dar dargalinayay  kor u qaadida  Shilling ka Somaliland ee soo baxday 24 /1/2017.

Intii lagu guda jiray Shirka oo socday sadex saacadood , waxa  uu Wasiirku kala hadlay muhiimmada ay leedahay  qiima u yeellidda  Shilling ka Somaliland.

Wasiirka Ayaa ugu horeyntii kala  hadlay ganacsatada  qodobadii uu soo saaray Madaxwaynaha JSL, isaga oo  u iftiimiyay in isbadal wanagsan laga gaadhay dhinaca sarrifka lacagaha illaa maalintii ay soo baxday Go’aanka Madaxwaynaha JSL.

Waxa uu sheegay Wasiirku inay tahay lagama maarmaan  xoojinta shilling keenna , dalkastana lacagtiisu qayb ay katahay  horumarka uu gaadho.

Waxa sidoo kale  Wasiirku uu daaha kaqaaday inuu diray Koox katirsan  Wasaaradda oo gaadhaya tiro ahaan 20 qof  oo  shaqadoodu tahay inay kashaqeeyaan  lasocoshada iyo warbixin  soo ururinta ku saabsan maciisashadda , si  loola socdo markasta  xaaladda sicirka  maciishadda dalka , sidoo kalena  waxa uu wasiirku sheegay inuu  qoray Qoraal lagu dar dargalinayo  fulinta go’aankii uu Soosaaray Madaxwaynuhu, isaga oo gaadhsiiyay qoraalkan  Ganacsatada dhexe ee dalka (Jumlad layasha).

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga JSL  Dr.Cumar Shucayb Maxmed  waxa uu tilmaamay inay tahay  muhiim  inay iskaashadaan Dawladda iyo Ganacsatada , isaga oo ganacsatada ugu baaqay inay u naxariistaan dadka  masaakiinta ee noloshodu ku xidhan tahay ee cuntada iyo maciishaddaba ka iibsada.

 

Dhinaca kale Waxa ka hadlay goobta  xubno  kamida Ganacsatadii kasoo qayb gashay shirka , isaga oo uu u hadlay guddoomiyaha Ururka Ganacsatada dhexe  Mr.Kayse Maxamed Ismail.

Dhinaca kale xubnihii ganacsatada ahaa  waxa ay soo dhaweeyeen go’aankii Madaxwaynaha JSL uu  ku  dardar galinayay kor ukaca shilling ka Somaliland, iyaga oo uga mahad celiyay Wasiirka tallaabadan uu qaaday ee uu taladii ka qayb galiyay.

Gudoomiyuhu waxa uu sidoo kale  xaqiijiyay inay aqbaleen go’aankii Madaxwaynaha  ayna diyaar u yihiin inay fuliyaan , wakhtiga dawladdu ay cayintay.

Gaba gabadii labada dhinac waxa ay isku waa faqeen inay soo saaraan War-Murtiyeedkan Hoos ku xusan.Inay aqblaan oo ay fuliyaan Ganacsatadu go’aankii Madaxwaynaha JSL .

Inay Wasaaradda Ganacsiga iyo Ganacsatadu xidhiidh joogta ah yeeshaan  oo  lagaga tashado  xaaladda Ganacsi ee dalka iyo Sicirka Maciishadda. Inay Dawladdu tixgaliso  talooyinka ay soo jeediyaan  Ganacsatadu.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories