Home“November cidda soo jeedisay waa WADDANI, waa nasiib-darro inuu saxeexii ka baxay,...

“November cidda soo jeedisay waa WADDANI, waa nasiib-darro inuu saxeexii ka baxay, Mudaharaadkana kulama socono” UCID

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (Slpost)- Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa ka hadlay mawqifkooda muddo kordhinta xukuumadda, go’aankii ay shalay guurtida u wada u gudbiyeen iyo wacad-furkii xisbiga WADDANI.

?????????????
?????????????

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo guddoomiye ku-xigeenka 3-aad ee xisbigaas Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskooda ayaa si wada-jir ah u sheegay inaanay xisbiga WADDANI oo ku baaqay mudaharaad aanay ku raacsanayn. Sidoo kalena waxay tilmaameen inay go’aankii ay KULMIYE u wada gudbiyeen guurtida ay ka filayaan inay ku raacdo.

Ugu horeyn Faysal Cali oo shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi. “Salaasaddii hore ayaanu isku nimi anagoo saddexda xisbi ah, waxaananu is-nidhi yaynaan guurtida u garbo-duubnaane aynu ka hortagno oo waxaa la yidhi kaadi badane waa loo badiyaaye aynu inagu dhexdeena heshiis ka gaadhno, waxay yidhaahdeen qolada Kulmiye laba sanno iyo afar bilood, waxaanu nidhi taasi socon maysee anagu UCID ahaan laba bilood ayaanu soo jeedinaynaa, haddana Kulmiye waxay yidhaahdeen December, WADDANI-na wuxuu yidhi anagu 1-da November ayaanu soo jeedinaynaa, waxaananu nidhi haddaba meel dhexe hala isugu yimaado December waa ciiddii masiixiga oo beesha caalamku inoo iman maayaan, markaa 15-ka November ayaanu ku heshiinay, markaa guurtida horteeda marayno ee aanu doonayno inaanu ka khudbadayno oo aanu ku saxeexno ayaanu Cabdiraxmaan Cirro waynay. Haddaba halkaa aanu u gudbinay guurtida ee WADDANI ka biyo diiday oo la filayo inay bari go’aan ka gaadhaan, haddii wax ka badan ay ku daraan anagu waxaanu ku noqonaynaa halkii hore ee komishanku cayimay.”

Guddoomiye ku-xigeenka 3-aad ee xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) ayaa isaguna ka warbixiyay go’aankii ay saddexda xisbi wada gaadheen ee WADDANI kaga baxay iyo hanaankii uu ku yimi.

Sidoo kale waxa uu Cali Gurey tilmaamay inaanay xisbiga WADDANI kula socon mudaharaad lagaga soo horjeedo muddo kordhinta oo uu ku baaqay, waxaanu yidhi. “Waxaanu isla garanay oo aanu nidhi haddii ay nimankani wax kordhinayaan waa inaanu wax caalamka iyo taageeradii dunida aan saamayn oo go’aankaa labada sanno iyo afarta bilood ah maka hortagi karnaa? ama sax ha noqoto ama qalade saddexda xisbi way ku heshiiyeen arrintaas, weliba bisha November cidda soo jeedisay waa xisbiga WADDANI, nasiib-darro markii la saxeexayay waa la waayay guddoomiyihii, mana aha markii ugu horeysay ee uu Faysal khiyaameeyo, mudaharaadkay ku baaqayaana lama qabn.”

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories