HomeNoodhadhka Lacagteena ee 100 iyo 50 shillin oo suuqa ka baxay iyo...

Noodhadhka Lacagteena ee 100 iyo 50 shillin oo suuqa ka baxay iyo 500 shillin oo qarka u saaran inay ka baxdo, Waa maxay sababtu?‏

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxa nasiib-darro weyn ah in maanta lacagta ugu yar ee wax lagu iibsadaa Somaliland inay tahay 500 (shanta boqol) shillin Somaliland taasi oo culays dhaqaale iyo mid nololeed oo adag ku keentay dadka danyarta ah, iyada oo ay meesha ka baxday isticmaalka noodhadhka 100 shillin iyo 50 shillin oo ahayd lacag aad ugu muhiim ahayd nolosha dadka dan yarta ah iyo guud ahaan ganacsiga dalka. Maanta hadii qof is yidhaa wax iibso wax ka qiima hooseeya 500 oo shilin ma iibsan karaysid, ama waxa lagu odhanayaa kuwada iibso ama iska dhaaf sarif kuuma haynee.   sababaha ugu weyn ee lacagtani suuqa uga baxday ama loo joojiyay waxa ugu weynaa in markii Xukumada Kulmiye dalka qabsatay ay soo daabacday noodhah lacageed oo ka kooban 5000 iyo 1000 shillin oo si indho la’aana ay u soo daabaceen iyada oo aan wax cilmi baadhis ah lagu samaynin baahida loo qaabo lacagtan iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee ay keeni karto. Xukumada uu hogaamiyo Xisbiga Kulmiye iyo Gudoomiyaha Bangiguba dhexeba umay fikirin si caqli iyo cilmi ku jiro balse malaha waxay ka fikireen lacag fudud oo ay jeebabkooda si fudud uqu qaadan karaan.

Waxa taasi ka sii daran in Golihii Wakiilada ee matalayay shacabka u ansixiyeen Gudoomiyaha Bangiga dhexe mashrucaas indho la’aanta ahaa ee lagu soo daabacayay Noodhadhka 5000 iyo 1000 shillin. kamay fikirin dhibaatooyinka dhaqaale ee ay la iman karaan lacagtan cusub ee la soo daabacayaa iyo baahida loo qabo midka weyn. maanta sixir barar aad u sareeya ayaa la degay bulshadeena oo ay sabab u tahay intiisa badan lacagahaas indho la’aanta lagu soo daabacay ee aan danta umada u adeegayn balse jeebabka siyaasiyiinta oo qudha u adeegaysay.

Hadii madaxda Bangiga dhexe umada u tudhayaan waxay soo daabicii lahayeen xiitaa noodhadh cusub oo ka kooban 100 iyo 50 shillin si ay u badelaan lacagtii hore ee ka koobnayd noodhadhka 100 iyo 50 shillin oo duugowday intii sii shaqaynaysay. waa qasaare weyn oo soo wajahay lacagtii dalkeena ee aynu ku faanaynay ee laf dhabarka u ahayd dhaqaalaha dalkeena.

Waxan u soo jeedinayaa Madaxda Bangiga dhexe iyo Wasaarada Maaliyadu inay si dhakhso ah uga hadlaan duruufaha ku gedaaman Lacagta Somaliland oo imika sii cagacagaynaysa in 500 ee shilin suuqa ka baxdo hadii aan si dhakhso ah looga yeelan talo muhiima oo lagu waarinayo lacagta Somaliland ee ka kooban 500, 100 iyo 50 shillin oo ku sii daba yar dalka. Waa in la joojiyaa daacaaada faraha badan ee 5000 shillin halka ay ahayd in aad loo yareeyo daabacaada noodhadhka 5000 iyo 1000 shillin, xoogana laga saaro in suuqa lagu sii hayo noodhadhka 500, 100 iyo 50 shillin ee Somaliland.

Marlabaad waxan kula talinayaa Xukumada iyo Madaxda Bangiga dhexe ee Somaliland inay si dhakhso ah looga hadlo xaalada Noodhadhka Lacagta Somaliland ee 500, 100 iyo 50 shillin ka dib markii Bangiga dhexe joojiyay inuu dib u soo daabacaan noodhadhkan taasina ay keentay inay suuqa ku yaraadaan qaarkoodna la joojiyo in la qaato madaama Noodhadhka 5000 iyo 1000 shillin oo suuqyada soo buux dhaafiyayay meeshana ka saaray noodhadhkii ka hooseeyay.

Hadii ay jiraan Hayado wadaniya oo daraaseeya dhaqaalaha dalka, way inay si madaxbanaan u soo abaabulaan kulano lagaga doodayo dhibaatooyinka la soo darsaya Lacagta Somaliland ee ka kooban 500, 100 iyo 50 shillin iyo siyaabihii suuqa loogu sii hayn lahaa Noodhadhkan.

ALLAA MAHAD LEH

Yuusuf S. Wacays

muwaadin2000@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories