HomeNoocyada Mashaariic Xukuumadda Somaliland ka hirgelisay Laascaanood iyo Masuuliyiin Kormeer ku sameeyey

Noocyada Mashaariic Xukuumadda Somaliland ka hirgelisay Laascaanood iyo Masuuliyiin Kormeer ku sameeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Laascaanood (SLpost)- Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud iyo Xubno ka tirsan Guddigaas, ayaa maanta gaadhay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

blankWeftiga Guddoomiyaha oo maalmihii u dambeeyey ku gudo-jiray kormeer ay ugu kuur-galayaan mashaariic kala duwan oo ka xukuumaddu ka hirgelisay gobollada dalka, waxa ay kormeer ku tageen dhowr mashruuc oo xukuumaddu ka hirgelisay magaalada Laascaanood, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha Xarunta Dab-demiska ee Laascaanood iyo Dib-u-habayn lagu sameeyey Garoonka kubadda Cagta ee magaaladaas.

Ujeeddada kormeerka weftigan ayaa masuuliyiintu ku sheegeen mid ay ugu kuur-galayaan isla markaana ku xaqiijiyeen habsami-u-socodka iyo tayada mashaariicdan oo laga maal-gelinayo miisaaniyadda dowladda, kuwaas oo ay fulinayaan shirkado waddani ah oo laga dhex-xushay tartan ay Guddiga Qandaraasyadu qabteen.

Warkan oo Faahfaahsan kaga bogo muuqaalka Hoose 

Weftiga Guddiga Qandaraasyada Qaranka ayaa kormeerkooda guud ka bilaabay gobolka Sanaag oo ay ka socdaan ama laga fuliyey mashaariic tiro badan oo xukuumaddu maalgelisay kuwaas oo intooda ugu badan laga hirgeliyey magaalada Ceerigaabo.

Weftiga ayaa Isniintii todobaadkan kormeer ku tagay Dhismaha Xarunta Jaamacadda degmada Garadag oo inteeda badan la dhammeystiray, waxaanay halkaas warbixin kaga dhegaysteen maamulka degmada oo xog-warran ka siiyey habsami-u-socodka dhismaha jaamacadda.

Sidoo kale, waxa ay weftiga Guddiga Qandaraasyada Qaranku Salaasadii Shalay gaadheen degmada Ceerigaabo, waxaanay si gooni-gooni ah kormeer ugu sameeyeen dhowr mashruuc oo xukuumaddu ka hirgelisay magaalada. Mashaariicda oo dhismeyaal u badan waxa ka mid ah Dhismaha Aqalka Madaxtooyada ee Ceerigaabo, Dhismaha Xarunta Xeer-ilaalinta Gobolka, Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta, Dhismaha Deyrka Jaamacadda Sanaag University ee magaalada Ceerigaabo, Xarunta Ciidanka Birmadka iyo Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Ceerigaabo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories