HomeNoocyada Kala Duwan ee loo Qorshayn Karo Shaqaalaha Kharashaadkooda. Q.1aad

Noocyada Kala Duwan ee loo Qorshayn Karo Shaqaalaha Kharashaadkooda. Q.1aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Waxa in badan aad maqashaa aad maqashaa waa maamulida xooga awoodeed ama aqooneed ee shirkad la geliyo si looga helo midho dhal, ama waxa afka ingiriisiga loo yaqaan (Human resource management), laakiin habkani waa nidaam loo raaco dajinta kharashaadka shaqada iyo shaqaalaha, oo loo yaqaan (Human resource accounting)

Sida la ogsoonyahay shaqaaluhu waa laf dhabarta shaqada, la aantoodna lama qaban karo shaqo.

Si hadaba loo darso ama loo ogaado kharash ka boos kasta ku haboon waa in la helaa dariiqooyin loo maro, hadaan soo qaato dariiqooyinkaas kuwa ugu muhiimsan waxa loo eegaa nooca shaqada ama nooca guud ahaaneed  ee shaqadu tahay; ma adeeg baa mise waa wax soo saar, sababtoo ah waxa muhiim ah shaqada la qabanayo oo marka wax soo saar tahay loo eego dhawr nooc oo ay ka mid yihiin hadba inta uu wax soo saarayo shaqaaluhu oo lagu qiimaynayo ama wax lagu siinayo (piece rate system)ama inta saacadood ee uu wax soo saarayo oo ah (time rate system),hadaba  iyada oo ay ka duwan tahay shaqada ah adeegu badanaa ma dhacdo inta uu wax soo saaray oo aan ka ahay haddii uu yahay iibiye (sales person) oo ah nin badanaa lagu siiyo hadba inta uu iibsho boqolkiiba (sales commission). Waxa iyadana la isla waafaqsan yahay haddii qofka iibiyaha ah la siiyo hadba intuu iibsho boqolkiiba ay ka faaiido badan tahay iyadoo mushahar go’an la siiyo, ayna tahay mid dhiirigalin u ah (motivation) waxaana la yidhaa meesha ugu saraysa ee qofka iibiyaha ah dhiiri gelin u ahi inay tahay sidan aan kor ku xusnay oo loo yaqaan ba (profit sharing)oo ah iyadoo la gaadhsiiyay qayb kulahaansho faa’iidada wax soosaarka.Magacan sababta loo siiyayna ay tahay iyadii oo uu noqday qof faa iidadii iibka ku yeeshay qayb, loona cadeeyey inuu leeyahay isagu qaybtaas intay doonto ha gaadho‘e.

 

 

 

Qaababka Qiimeynta kharashka

Waa ay kala duwan yihiin laakiin waxa loo eegaa dhaqaalaha loo hayo ama u qorshaysan, marna waxa la tix geliyaa  sida shaqada shaqaaluhu ay u kala muhiimsan tahay.

Noocyada ugu muhiimsan ee loo eegayaa waa sidan hoos ku xusan:

  1. Kharash ku salaysan xog hore (historical costs):noocan waxa loo yaqaan kharashka ku salaysan dejinta qorshaha hore ee shaqaalaha (human resource planning) gaar ahaan qaadashadiisa, xulashadiisa iyo tobabarkiisa marka la qaato, si kale hadii aan u dhigo waa kharashka hadda loo hayo  ama u qorshaysan hadda,shaqaalaha inta aan la qaadana  Waxa loo kala saaraa laba nooc .
  1. a)      Kharashka raadinta/helida/ ama qaadashada shaqaalaha (acquisition cost):waa kharashka ku baxa raadinta xulashada, qaadashada shaqalaha cusub. kharashkani waa inuu yahay mid loo hayo intaan la qaadan una diyaar ah, hadii kale suuro gal maaha in la helo ciddii ugu habooneyd .
  2. b)      Kharashka barashada (Learning cost): kharashkanina waa kharashka loogu talo galayo shaqaalaha cusub marka la qaato si uu ula jaanqaado shaqada una dardargaliyo hawshiisa, si loo kobciyo aqoontiisa iyo xirfadiisa waa in la tababaraa, kharashka ku baxaya tababarkiisa ayaa isna ah kan kale ee muhiimka ah.
  3. Kharashka isku badalka (replacement costs):kharashkani waa mid muhiim ah in laga fiirsado, balse kaynu kor ku xusnay waa ka duwan yahay, sababta oo ah wuxuu baxayaa hadiiba loo baahdo in qof hore u shaqada ugu jirey la doono in mid cusub lagu badalo. Si taas u dhacdo waxa loo bahan yahay in labadii hab ee loo marey kii hore ee ahaa kharashka qadashada iyo ka tababarka halkana la adeegsado laakiin si sidii hore ka duwan ayaa loo marayaa, waayo habkan dambe waxa loogu talo galayaa marka koobaad kharashkii hore ka badan, waa marka labaade qofka qofkii hore lagu badalayaa la kharash noqon mayo kii hore intii gashay waayo wax ka badal baa la rabaa.
  1. Kharashka sugan (standard cost):kharashkani wuxuu yahay ka aan inta badan naqaan ee ah ka ku baxa shaqaalaha dhamaan. Qorshaha kala sarayneed ee Shaqaalaha ayaa loo eegaya shaqaalaha kharashka ku baxaya, waana mid sugan.
  2. Kharashka faaiidada shaqaalaha ee mustaqbal:kharashkan waxa looga jeedaa faaiidada shaqaalaha ee ah mustaqbalka oo ah kan keenaya in shaqaaluhu yeesho hiigsi, una sameeyo dadaal si uu u helo dalacsiin una kordho mushaharkiisa, masuuliyadiisa iyo darajadiisuba. Waxa la qiimaynayaa shaqaalaha dabadeed waa in la sameeyaa qiyaas mustaqbal hadii uu hawl gab noqdo iyo haddii uu si kaleba u gaadho meel sare.
  3.  Kharashka faaiidada shaqaalaha ee la rajaynayo:waa kharash ka duwan kuwan aan kor ku xusney. Kuwaan hore u soo xusney dhamaan waxa ahmiyada la siinayay kharashaadka shaqaalaha, kanse waxa la siinayaa faaiidada waxqabad ee uu leeyahay

 

Kharashka Gaarka ah ee aan ku cayinayn xeer laakiin ku suntan hawsha kadis ku soo korodha.

Kharashkan waxaa loo bixin karaa inuu yahay  taageero shaqaalaha xilliga hawsha siyaadada ah ay qabtaan kuna siyaado noqonaya mushaharkiisa.

 

 Qalinkii Abdiqani Abdilahi Mohamoud (waafi)

Hargeisa Somaliland.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories