HomeNoloshaada Wax Ma Ka Bedeli Kartaa 2016 ka?

Noloshaada Wax Ma Ka Bedeli Kartaa 2016 ka?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Waxa albaabka kuu taagan sannadkii cusbaa ee 2016 oo kuu soo gelaya maalmaha soo socda. Waxa uu kuu wadaa codsi. Waxa uu rabaa inu ogaado waxa ad isaga ka rabto! Codsigiisa jawaabo ma u diyaarisey? mise diyaar uuma tihid la hadalkiisa?
.
Anigu iminkaan ka fikirayaa wixii an sanadkaa cusub isku qaabili laheyn. Waa muhiim inad adna ka fikirto. Kolley sanadkan cusubi daf ayuu ku soo odhanayaa haddaad albaabka ka furto iyo haddii kaleba. Dhowr maalmood ka dib waxa ad arkeysaa isaga oo ku dultaagan. Hadaba yuu dagnaan kugu qaban. Sannaadkii ina dhaafay ee 2015 haddii uu si yar inta uu kugu soo galay, haddana si yar kaaga baxay, kan cusub ee 2016 si fiican isu wareysta.
.
Ayamaha Ilaahey Eed Male Midkoodna. Waa isku wada mid maalmuhu. Balse hadana tirsiga sanadku wuxu kuu sheegayaa in wakhti kugu socdo oo aanad dayicin. Wadkii maanta ayaad uuga dhawdahay kal hore. 355 maalmood ayaad xabaashaadii ku soo durugtey. 355 maalmood oo wakhti ah ayaad heysatey oo aaney maalina kaa habsaamin. Waa muhiim inad xisaabtanto oo ad isweydiiso wixii kuu hirgalay 2015 iyo arimaha kuu sahlay. Waxa iyana muhiim ah inad isweydiiso waxyaabaha aan kuu hirgelin iyo waxa iskaa hortaagey. Haddii aanad qorsheba sameysan sannadkii ina dhaafay oo ad iska dhex socotey uun, ogow iney wax kaa qaldanyihiin. Balse, 2016 ku yuu isna ku dhaafin. Maalmaha ha iska dhex socon uun ee qasdi ku soo toos oo qorshe ku seexo.
.
Ha is odhan waxa qorshe sameysta dadka lacagta heysta ama shaqada heysta. Waa qasab inu qof kastaa qorshe leeyahay haddii uu shaqeeyo iyo haddii uu ardey yahay iyo haddii uu maxbuus yahayba.
.
Qodobadan ayaa kaa caawin kara inad sameysato qorshe ku anfaca 2016 ka:
.
1. Ha isku taarin arimo waaweyn oo ay dhici karto inad ka gun gaadhi weydo. Ha odhan waxan rabaa in aan jaadka iyo sigaarka iska daayo sanadkan adiga oo aan si fiican isugu diyaarin. Ku bilow hadaf yar oo ad dhakhso u hirgelin karto. Hadafka yar marka ad gaadho niyadda ayaa kuu dhismeysa oo waad ku dhiiraneysaa inad sameysato qorshayaal kale.
.
2. Hadafka ad sameysatey ka hadal oo yuu noqon wax adiga uun qalbiga kuugu jira. U sheeg asxaabtaada iyo xaafaddaada. Taasi waxa ay kugu qasbeysaa inad ku dedaasho inad gaadho waayo waa arin dad kale kula ogyihiin oo aanad rabin inad fashilanto.
.
3. Ha is dabrin adiga oo isku deyeya inad wixii ad rabtey 100% gaadho ama ad hesho. Hadii aad in woxoogaa ah gaadho hadafkaagii, ha niyad jabin oo haka fikirin maxaad u wada gaadhi weydey, balse nafta ka farxi oo u sheeg iney wax wanaagsan qabatey.
.
4. Dadka kale ee ad ku tuhmeyso iney kaa caawin karaan ama talo kaa siin karaan arinka ad rabto inad gaadho waxweydii. Waxa dhici karta iney fikir ama talo wanaagsan ku siiyaan.
.
5. Hadaf guud oo malaasan haddaad sameysato, waxa ay u badantahay inaanad gaadhin. Masalan hadaad tidhaa “waa inaan wax akhriska badiyaa” ama ad tidhaa “waa inaan caloosha iska ridaa” waxay u badantahay inaanad sidii ad rabtey u gaadhin hadafkaaga haddii aanad sii qeexin tallaabooyinka ad rabto inad qaaddo si ad hadafkaa u gaadhho. Masalan waxad odhan kartaa bishiiba waa inaan akhriyaa hal buug. Ka bacdi isweydii halka ad ka keeneyso 12 ka buug ee ad rabto inad akhrido. Ama isweydii waxa ad dooneyso inad sameyso si ad caloosha iskaga riddo. Diyaar ma u tahay inad wax ka bedesho waxa ad cunto? Ama diyaar ma u tahay inaad aroor kasta saacad oroddo ama gucleyso ama lugeysaba? Hadaanad diyaar u ahayn, iska ilow in calooli kaa dhacdo.
.
6. Hadafka ad sameysataa ha noqdo wax ad qiyaasi karto oo marka ad muddo joogtaba odhan karto intaana waan qabtey intaasina wey ii hadhsantahay. Ha odhan uun waa inaan guri dhistaa sannadkan. Haddii ad jeceshahay inad guri dhisato isweydii inad jago leedahay. Haddii aanad jago laheyn isweydii sida ad ku yeelan karto. Markad sidaa u fikirto waxa dhici karta inad hadafkaagii bedesho oo ad tidgaa sanadka 2016 hal jago yeelo. Oo sideed ku yeelan kartaa? Laga yaabee inad tidhaa lacag intaa leeg ururso sanadkan. Taa lafteeda sii kala jejebi oo waxa ad tidhaa mushaharkeyga ayaan bil kasta intaa iska goynayaa oo an meel dhiganayaa. Markuu sannadku dhammaado ee an intaa isku keeno ayaan dawladda hoose la kaashan in la i siiyo dhul jaban.
.
7. Samee siyabo badan oo ad ku xusuusato hadafkaaga. Masalan codka tiifoonkaaga ka dhugo cod ama hees ama dhawaaq ku saabsan qorshahaaga si marka tilifoon kuu soo dhacaba ad u xusuusato. Sawir wey ama qoraal weyn oo qorshahaaga ku sabsan ku dheji gudaha albaabka ad ka soo baxdo guriga si mar kasta oo ad soo baxeyso ay ishaadu uugu dhacdo oo ad u xusuusato.
.
Niyad wanaag iyo qiiro iney ku gashaa waa muhiim. Balse haddaanad niyad wanaaggii ku darin qorshe xaqiiqda ku dhisan, waxa ad noqoneysaa qof cidlo ka qooqey.
.
Qalin iyo buug qaado maanta oo hal hadaf sameyso ama laba oo ka soo dhalaal 2016 ka. Naftaada Aamin, Ilaaheyna La Kaasho.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories