HomeNINKII U HALGAMAY HADAAN LOO HOYN YAA KALOO HANAN

NINKII U HALGAMAY HADAAN LOO HOYN YAA KALOO HANAN

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Aniga Oo Ah Suldaan Siciid Aadan Xirsi (Suldaan Cigale) Kana Mid Ah Saladiinta Gobolka Togdheer Waxaan Halkan Umada Reer Somaaliland Ugu Hanbalyeynayaa Sida Wadaniyada Leh Ee Ay Isu Barbartaageen Musharaxa Madaxeynha Xisbiga Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi Gaar Ahaan Waxaan Si Xeeldheer Ugu Mahadnaqayaa Xubnaha Bahweynta Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Ee Sida Gobonimada Leh Ku Taageeray Codkooda Iyo Cududoodaba Mujaahidka Weyn Muuse Biixi Cabdi Oo Maanta Ah Shaqsiyada Keliya Hanankara Dhammaan Bulshada Somaliland Daraf Ilaa Daraf Ee Kamid Ah Musharixiinta U Ordaaya Hogaanka Dalka Wakhti Xaadirkan Waana Mujaahid Xisbiga Cod Balaadhan U Keenikara Oo Xisbigu Kusii Haysto Hogaaminta Dalka.

 

 

Waxa Aan Halkan Ka Xasuusinayaa Suldaanka Guud Suldaan Maxamed Cabdiqadir (Ina Dhabeeye) Hadaladii Dhawaan Afkiisa Kasoo Yeedhay In Uu Ahaa Hadal Shaydaan Ka Keenay Isla Markaana Meel Ka Dhac Weyn Ku Ahaa Mujahidka Muuse Iyo Dhammaan Ciidamada Geesiyaasha Qarankeena Hadh Iyo Habeenba Heeganka U Ah Badbaadinta Sharafta Qarankan Kana Difaaca Cadawkasta.

 

Waxaan Suldaanka Xasuusinayaa Askariga Aad Maanta Leedahay Uma Baahnin Iyo Siyaad Bare Ayaa Askari Inoogu Danbeeyey , Goblan Talo Adduunyoy. Ma Maantaad Suldaan Halgamaagii Naftiisa U Huray Xoraynta Sharafta Iyo Xoriyada Ummada Reer Somaliland Muuse Biixii Aad Kala Meeqaam Dhigtay Hororkii Dhiigya Cabka Ahaa Siyaad Bare Oo Aad Sintay, Waxaan Kuleyahay Suldaan Ka Istaaqfuralayso Arintaas,

 

Horta Qiimaha Iyo Wanaaga Askari Leeyahay Suldaan Ma Yiqiinsantahay, Waxan Odhan Karaa Ma Aqoonsanid Qiimaha Uu Qaranka Iyo Ummada Ugu Fadhiyo Askari Waayo Sidan Jeesjeeska Ah Kalmadahaasi Afkaaga Kama Soo Bexeen, Waxaan Kuu Sheegayaa Askari Waa Ruuxa Habeenka Markaad Hurudo Nabadgelyadaada Ilaasha, Waa Ka Cumaadaas Aad Sidato Kusaay Kuguna Ilaasha Reer Kaagu Kuuma Qabsoomeen Kii Khaldamaa Hadii Aanad Askari Iyo Xooga Sharica Ku Dhisan Ee Ciidankeenu Ku Barbar Taagneyn , Wax Wadaniyadu 100% Ay Tahay Askari Ayaa Lahubaa.

 

Muj. Muuse Biixi Cabdi Dalkan Naftiisa Iyo Dhiigiisa Dhaqashadiisiba Wuu U Huray Oo Wuxuu Usoo Maray Halgan Dheer Oo Qadhaadh Oo Qadoodi, Haraad, Darxumo, Daryeel La’aan Buu Usoo Maray, Markaa Cidkasta Isagaa Uga Lexejeclo Badan Oo Looga Biqimaayo Wax Uu Taro Iyo Wax Uu Toosiyo Maahe Inuu Dhib Iyo Dagaaltoona Ka Rido Waayo Ninka Xaaladaas Qadhaadh Usoomaray Dhismaha Dalkani, Caqliga Shaqaynayaa Wuu Garanayaa In Aanu Dhib Ka Ridayn.

 

 

Waxaan Xasuustaa Muuse Biixi Oo Hawdka Sare Ee G/Togdheer Wakhtigii Halganka Ka Hawlga Meelo Badana Cashar Qadhaadh Dhadhansiiyey Faqash Waxaan Ka Xasuustaa, Dagaalkii Bali-Dhiig, Coodanle, Dagaalkii Gubad Xariir Iyo Hawl Galo Badan Oo Uu Ka Qaybgalay Sida Dagaalkii Uu Hogamiyey Genral C/Casiis Cali Barre Ee Kadhacay Haye Weyne Oo Mujaahidiin Badani Kuledeen, Waxaan Xasuustaa Dagaaladii Galbeedka Somaliland Iyo Aagagiisii Uu Caanka Ahaa, Mudadii Halganka Lama Soo Sheegin Saacad Uu Halganka Kabaxay Ama Ka Nastay.

Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye Waxaan Leeyahay Ku Niyad Samaada Oo U Haneeya Halyeyga Noloshiisa U Huray Dalkan Idinkana Taariikhda Ayey Idiin Gelaysaa In Aad Hogaaminta Dalkaeena Hadba Ku Ixtiraamtaan Cidii Lagu Ha;Ayn Karo Ee Inaga Mudan In Aynu Taladana Isudabataagno Kuna Gelbo Isna Garabtaagno,

Muuse Waxaan Xasuustaa Wakhtiyo Badan Oo Uu Halyey Badan Uu U Tanaasulay Isla Markaana Dhisay Markaa Maanta Waa Maalintiisiye Utanaasula Oo Haka Hadhina Uune Dhisa ,

W/Q: Suldan Siciid Aadan Xirsi (Suldan Cigale)

         Burco-Somaliland

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories