HomeNinkii Ikhtiraacay E-Mailka Oo Geeriyooday: Raymond Tomlinson Waxa Uu Beddelay Qaabkii Xidhiidh...

Ninkii Ikhtiraacay E-Mailka Oo Geeriyooday: Raymond Tomlinson Waxa Uu Beddelay Qaabkii Xidhiidh Ee Dunida

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Washington (SLpost)- Subaxnimadii sabtida ee toddobaadkan waxaa dalka Maraykanka ku geeriyooday curiyihii adeegga e-mail ee farriimaha la isugu diro internet ka oo da’diisu ay ahayd 74 sano jir. Afhayeen u hadlay shirkadda Raytheon oo lagu magacaabo Mike Doble ayaa shaaciyey in Ray Tomlinson oo shirkaddan u shaqaynayey uu geeriyooday sabtidii, laakiin ma’ uu sheegin sababta dhimashada in kasta oo ay warbaahinta qaar sheegayso in ay wadne istaag ahayd. “Waxa uu ahaa horumuud dhinaca tiknoolajiyadda ah oo run ah, waxa uu ahaa ninkii inoo keenay E-mailka internet xilligii uu bilowga ahaa kombiyuutarka ku shaqeeya shabakadda” ayaa uu yidhi Doble.

Ray Tomlinson ayaa sannadkii 1971kii oo ay da’diisu 30 jir ahayd waxa uu ikhtiraacay habka isgaadhsiineed ee E-mailkaka, iyada oo ikhtiraaciisan ka hor uu jiro hab farriimaha la isugu diro balse ku kooban kombiyuutarro gaar ah oo isku xidhan (Network). Tomlinson waxa uu sidoo kale ikhtiraacay in calaamadda astaanta u ah E-mailku ay noqoto @ oo illaa maanta si rasmi ah loogu yaqaanno. Tomlinson waxa uu dhashay sannadkii 1941kii, waxa aanu ka qalinjabiyey maxadka Tiknoolajiyadda ee Massachusetts oo caan ka ah dalka Maraykanka, sannadkii 19971kii oo uu ka shaqaynayey shirkad Tiknoolajiyadda ka shaqaysa oo xarunteedu tahay magaalada Boston, markaas oo uu go’aansaday in uu raadiyo hab dadka u suurtogelinaya in ay farriimaha isugu diraan Kombiyuutarka. Mar uu ka hadlay sababta uu u doortay calaamadda @ waxa uu sheegay in calaamaddan oo aan shaqo gaar ah lahayn wax ay qabatana la aqoonin ay iskaga oolli jirtay batamada Kombiyuutarka (Keyboard) sidaa awgeed uu doortay in uu calaamaddaas shaqo geliyo oo uu u adeegsado ikhtiraaciisa e-mail ka. Waxa aanay gaadhay heer maanta aanay suurtogal ahayn in ay ka maqnaato Kombiyuutarka, talefanka gacanta iyo aalad kasta oo wax lagu qori karo.

Ray Tomlinson waxaa lagu tilmaamaa nin aan kibirka aqoonin oo ikhtiraacan caalamiga ah ee uu keenay iyo aqoontiisa Tiknoolajiyadda ee aadka looga dambayn jiray aanay ku abuurin qab, dadka yaqaannay waxa ay ku sheegeen nin dhibirsan, oo deeqsi ku ah in uu waqtigiisa, iyo xirfaddiisaba dadka ugu deeqo. Hadallada dhaxalgalka noqday ee laga reebayna waxaa ka mid ahaa, “Ha rumaysan wax kasta oo aad Website ka akhrido, waxa aad mar kasta xasuusnaataa in uu qof qoray bogga aad akhriyeyso, qofkuna sida caadiga ah qalad geli karo”

Geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories