Home"Ninka Xoolaha Ummadda Imika Haysta Haysku Dooran - Waa Waraabe Aad Ku...

“Ninka Xoolaha Ummadda Imika Haysta Haysku Dooran – Waa Waraabe Aad Ku Tidhi Adhiga Ii Raac NIMAAN KUU TUDHEYN YAANU KUU TALIN.” Musharax Jamaal

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Weligay Maan Arag Nin Madaxtinimo U Tartamaya Oo Xoolahii Ummadda Xoog Ku Haysta Dhul, Beero, Iyo Guriyo ah Hanti Ummaddeed oo haddana Ku leh waxaan ahay Murashax Madaxweyne ee i dooro Barwaaqo ayaan ku gaadhsiinayaaye – Somaliland ayuunbay tani ka suurta gashaa. Caalamka tani kama dhacdo. Waa indho adkaantii ugu weynayd. Indho adkaantiina kolba way sii durkaysaa oo darajo hor leh ayeey sii qaadanaysaa. Shacabka Somaliland indho sarcaad ayaa lagu soo waday. Waxaa muhiim ah in qof kasta oo weliba kursiga ugu sareeya u tartamaaya in ay shacabka Somaliland ee codka siinayaa ay ku qiimeeyaan sidan soo socota:

1. Horta xoolaha dadweynahu ma ka nabad galeen; mise waxan uu urursadayba waa taayaddii oo haddii kursiga loo dhiibana kiishad kale ayuu naga sii buuxsanayaa hadaanu nahay shacabkii;

2. Sharciga Ma dhawri yaqaan; mise nin isaguba qardajeex ku soo caano maalay ayaa ku leh anigaa sharciga dhawraya oo hogaamiye kuu noqonaya; waa Waraabe aad ku tidhi adhiga ii raac.

3. Qawl iyo balan ma leeyahay oo balamihii hore ma ka soo baxay. Haddaanu kuwii yaryaraa ka soo bixi waayey; ma waxaad filaysaa inuu balamaha waaweyn iyagana ka soo baxo.

4. Beenta iyo runta ma kala saari karaa. Ninka wax cad oo ay ummaddoo dhan wada arkayso aan imika runta kaaga sheegaynin; Ilaahay baan kugu dhaarshee ma masiirkaagii baad ku aaminaysaa. Qofku haddaanu ku dhac lahayn in uu ummadda xaqiiqda jirta u iftiimiyo; ma wax weyn baad ka sugeysaa?

5. Muxuu soo qabtay 25kii sanadood ee u danbeeyey; waa maxay waayo aragnimadiisu; hadda buhuu-baahada siyaasaddu ma waaya aragnimo dhab ah oo aan u xisaabin karnaa? muxuu xirfad gaara ah leeyahay?

6. Muxuu ka qaban karaa; dhaqaalaha, nabad-gelyadda, Caafimaadka, Waxbarashadda, Beeraha, Biyaha, Ictiraafka, iyo nolosha dhabta ah ee ummaddan sicir-bararku ragaadiyey..

Su’aalahaasi iyo qaar kaloo aad u tiro badan ayeey u baahan tahay inay doorkan shacabka Somaliland fiiro gaara siiyaan si ay aayahooda uga tashadaan;

Wa Bilaahi tawfiiq iyo Jimce Wanaagsan
Jamaal Cali Xuseen

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories