Home"Ninka Fulayga Ah Ayaa Ku Meeraysta, Malaha Doorasho Qaban-maayaan" Wasiir Cukuse

“Ninka Fulayga Ah Ayaa Ku Meeraysta, Malaha Doorasho Qaban-maayaan” Wasiir Cukuse

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay waxyaabo la taaban karo ka qabatay dalka.

img_c64d76-39c5c3-43eaab-ef6519-3bc6e8-ad0af1

Wasiir Cukuse oo warbaahinta la hadlay ka dib markii Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigii uu hoggaaminayo waxa kale oo uu sheegay in xisbiyada WADDANI iyo UCID uu ka dhexeeyo tartan siyaasadeed, waxaanu tilmaamay in Xukuumadd ahaan ay wakhtigeeda ku qabanayaan doorashada.

“Qaranka Somaliland Xukuumaddani waxay gacanta ku haysay 7 sanno oo wax dhiman, Waxanau doonaynaa inaanu u sheegno Ummadda annagu waxaanu qaban waa wax Cadeecda hoos-yaala weeyaan, wax qarsoona maaha. Waxaad ogtahay Boorama, Laasacaanood iyo ilaa Ceerigaabo waxay dawladdu ka qabatay inuu yahay wax maalin welba Afhayeenka Madaxtooyadu idiin akhriyo.” ayuu yidhi Wasiirka xanaanada Xoolaha Somaliland Md. Cukuse

Wasiir Cukuse oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Xisbiyada UCID iyo WADDANI waa xisbiyo aanu tartan kula jirno, xisbiga KULMIYE hawshiisu dhismaha qaranka waa ka mid, waa xisbi qaran oo dalka ka jira weliba dalka ka talinayey. Xisbiyada ugu waaweyn ee dalka ka jirana ah.” ayuu yidhi Wasiir Cukuse

Wasiirka xanaanada Xoolaha Somaliland Cabdilaahi Cukuse waxa uu sheegay in Xukuumadda ahaan ay hore u balan-qaadeen in doorashadu wakhtigeeda ku dhacayso, waxaanu yidhi “Doorashadii Madaxtooyadu wakhtigii loogu tallo-galay bay dhacaysaa, mid kalena Adeer waan ku sheegayaa doorashadu inay dhacayso markhaati cad baanu haynaa, Diiwaangelinta oo ahayd inaanu bixino 25% , waxay dawladdu bixisay 60%  kharashka ku baxay si aanay Diiwaangelintu u baaqan. Doorashadaasu markay xeerarkii ay dhamaan-waayeen oo qolada Baraalamaanku ay soo dhamayn-waayeen ee xisbiyaduna ay tallo keeni waayeen.” ayuu yidhi Md. Cukuse

Wasiir Cukuse waxa uu intaas ku daray “Madaxweynunu wuxuu go’aansaday doorashadiisu in aanay maali dib u dhicin, ta kalena dalku iyadoo loo dhan yahay  in tallo laga yeesho, markaa doorashada Madaxtooyadu wey dhacaysaa oo haddii qaadhaankii ay bixin-jireen qolooyinka qaadhaan-bixiyeyaasha qaarkood hadday wax yari is dhimaan, balan baanu kugu qaadnay inay dawladdu bixiso, laakiin Ninka fulayga ah ayaa ku meeraysta malaha doorasho qaban-maayaan.”

 

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories