HomeNinka Caynkaa yeelaa, Cali maaha - Prof Idiris Daaud Ali

Ninka Caynkaa yeelaa, Cali maaha – Prof Idiris Daaud Ali

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Maalmahan aan soo dhaafnay waxaa si isdabajooga loo weerarayay oo waliba loogu cagajugleynayaa xildhibaan Cali sh.Ibrahim Aareye isagoo lagu eedaynayo inuu nabadgalyada waxyeellaynayo oo uu dad iska hor keenayo taas oo been abuura,  Arrinkaa waxaa lugu faafiyay saxaafadda.

Waxaa la yidhi “Biddo intaanad biddo ku odhan ayay biddo ku tidhaa”.

Halkan waxaan cadeynayaa in canbaareyntaasi waxba kama jiraan tahay iyo been abuur la doonayey in fidmo qabaailka dhexdiisa laga abuuro loona kala fogeeyo beesha Gobolka salal.

Ma waxaanay ogayn dadkaasi in Jamhuuriyadda Soomaliland tahay Qaran jirra oo Xildhibaan Cali Aareeye cabbiri karo ra’yigiisa si xoriyad ah oo distuuriya kaasoo  Dastuurka dalkuna  qeexayo in qofkastaa xorriyadd u lee yahay inuu waxna naqdiyi karro waxna cabiri karro.

Waxay ahayd in  madax-weyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland haddii aanu jilib yar ama reer kaliya aanu u ahayn masuul,  balse uu u yahay umadda reer Somaliland  madax-weyne ku xigeen, waxay ahayd inuu u dhabar adeego  hadal yar oo la soo naqdiyey, muxuu reerkiisa ula fadhiyi waayay oo uu kasoo doonay xilkan qaranka? Xil qaran ninkii haya waa la naqdiyi ceeb iyo amaanba kolba tii uu mutaysto.

Ninka dadka kala soocaya ee haddii nin Ciissa ah shaqo la siiyo ka daba qaylinay ee ha la baddello  yidhaahda Cali maaha.

Nina doorashookii Sailac iyo Lughaya faragaliyay ee sanaadiiqda codbixinta degta ku qaatayna Cali maahayn.

Ninka hadhaaga Ciissaha u yeedhanaya ee idaacadaha ka ciya leh ee aflagaadada baahinaya waxay difaacayaana la garanayn Cali maaha.

Ninka nin adhi aan soo hoyn karayn geel qaba in uu soo hoynayana ee la mida gabadhii carooskeega ka ciyaartayna Cali maaha.

Ninka degaanada isku laaqay in la saxana diidaya ee jecel in dastuurka iyo shuruucdu sidaa waligood ku jabnaadaan maaha Cali.

Ninka qabiilo dekada ha dhisata leh ee dadka fitnaynaya Cali maaha. Ninka kolba meel mitirka la duljooga dhul daaqeedkana xidh xidhanaya, iyo ka ku dhiirrinaya midnaba Cali maaha.

Waxaan sheegaynnaa ninka nabadda burburinaya ee dadka iska horkeenaya waa ninka ku sifoobay sida kor ku xusan waana la wada yaqaan waana ninka istaahila in golayaashu maxkamadeeyaan.

Cali waa nin nabada jecel, cadaalada jecel, run sheegna ah. Cali waa nin u dooda xuquuqda dadkiisa. Cali wuxuu ka mid ahaa raggii hirgaliyay in, si kastaba ha jirtee, labada gole ee Sailac iyo lughaya sidaa ku hawl galaan.

Waxaan markhaati ka nahay in qabyaaladda dhiddig ee Cali ummadda u sheegay ay jirto waxaanan raacinaynaa in ay waliba tahay qabyaalad ma dhalays ah.

Waxaanu shaki ku jirrin oo aan murran lahayn in xil-dhibaan Aareeye ku suntan yahay Raga faro-ku tiriska ah ee nabadeynta iyo wanaaga Somaliland ku can baxay.

laakiin ninka Somaliland ku cusub ee dowladnimana u soo shaqeyn wacyigii la soo mareyna aan ogeyni cali maaha

 

Idris Daahir Cali

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories