HomeNin Si Khalad Ah 13 Sannadood Ugu Xidhnaa Xabsiga Guantanamo

Nin Si Khalad Ah 13 Sannadood Ugu Xidhnaa Xabsiga Guantanamo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

US(SLpost)-Dawlada Maraykanka ayaa khamiistii sii daysay nin si khalad ah ugu xidhnaa Xabsiga ku yaal Jasiirada CUBA ee Guwantanamo, kadib markii la ogaaday in maxbuuskaasi xogta lagu soo xidhay ay ahayd mid khaldan.

Ninkan oo u dhashay dalka Yemen ayaa lagu magacaabaa Mustafa al-Shamiri ahna 37 sano jir ayaa la sheegay in loo maleeyey nin kale oo lagu tuhunsanaa inuu kamid yahay kooxda Al Qacida, wuxuuna sidaa si khaldan ugu xidhnaa Xabsiga Guwantanamo muddo 13 sano ah.

Sirdoonka Maraykanka ayaa ugu danbeyntii bishii September ee sanadkii hore (2015) xaqiijiyey in xog khaldan lagu soo xidhay ninkaasi oo wakhti dheer noloshiisa kamid ah lagu hayey xabsiga dadka lagu jidhdilo ee Guwantanamo.

Sanadkan cusub ee 2016 ayaa 16 kamid ah maxaabiistii lagu hayey xabsiga Guwantanamo la sii daayey, raggaasi oo loo musaafuriyey dhowr wadan oo ogolaaday inay qaabilaan, walow hal maxbuus oo kasoo jeeda dalka Yemen uu diiday in la geeyo wadan kale oo aanu rabin, sida lagu sheegay warbixin khamiistii kasoo baxday Wasaarada Gaanshaadhiga Maraykanka (Pentagon).

Waxaa weli xabsiga Guwantanamo xiligan ku xidhan 91 maxbuus, xabsigaasi ayuu marar badan sheegay Madaxweyne Barack Obama inuu xidhi doono balse waxaa si weyn u hortaagan Kongreeska Maraykanka. Wuxuuna dhawaan sheegay inuu doonayo inuu xabsigaasi xidho inta uga dhiman xilkiisa oo ku eg sanadkan

Xabsiga Guwantanamo Bay ayaa intii u dhaxeysay 2001 illaa 2009 lagu xidhayey rag muslimiin ah oo ay dowlada Maraykanka ku eedaysay inay xidhiidh la leeyihiin kooxda Al Qacida ee ka danbeysay weeraradii 11 September 2001.

Dawladii xiligaasi ee Madaxweyne George W Bush ayaa xabsigan ka sameeyey saldhiga Militariga Maraykanka uu ku leeyahay Jasiirada CUBA, halkaasi oo jidhdil xoogleh loogu geystay dadka halkaasi lagu xidho oo intooda badan aan wax cadeyn ah lagu heyn, xukuumada Maraykanka ayaa diidaneyd dadkaasi in lagu xidho gudaha wadankeeda taasi oo ay isaga xijaabeysay in lagu qabsado dhowrista iyo shuruucda caalamiga ah ee u yaal illaalinta xaquuqda maxaabiista.

Inta badan maxaabiista laga siidaayey xabsiga ayaan eheladooda weli arag maadaama ay qaar badan oo kamid ah dalalkii ay kasoo jeedeen ay diideen inay qaabilaan ama dib loogu soo celiyo, taasi oo ku khasabtay dowlada Maraykanka inay wadamo kale ka codsato qaabilaada maxaabiista laga siidaayo Guwantanamo.

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories