Home"Nin meel dheer telefoon kaga soo hadla oo aan dantaada eegaynin yaannu...

“Nin meel dheer telefoon kaga soo hadla oo aan dantaada eegaynin yaannu fidno ina gelinine nabadda hala xejiyo” – Madaxweyne Biixi

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa guud ahaanba bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay gacmaha isu qabsadaan sidii ay u ilaashan lahaayeen nabadgelyada iyo wada-jirka dhexdooda ah, islamarkaana ay meel ugu soo wada jeestaan wax kasta oo ammaanka qaranka khal-khal ku keeni kara.

blank

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa, ayaa si gaar ah diiradda u saaray qiimaha ay nabaddu leedahay, waxana uu hoosta ka xarriiqay in mar kasta oo ay dhibi dhacdo in ciidamada iyo shacabka waajib ka saaran yahay ilaalinta nabadgelyada, isaga  oo caddeeyey in ciidamada qaranka ee ku sugan degmooyinka Ceel-Afweyn, Ceerigaabo iyo Gar-adag ay tahay ilaalinta nafta iyo hantida bulshada halkaas deggen.

 

“Waxan idin xasuusinayaa walaalayaal inay nabadgelyadu tahay tiir-dhexaadka aynnu ku dhisannahay, qof walibana uu halkiisa uga guntado. Saddexda degmo ee imika dhibaatadu ka jirto oo dad badani si qaldan uga bixiyeen in nabadgelyada la sugo, waxan leeyahay marka ay dhibaato dhacdo waxa waajib saaran yahay qaranka, xukuumadda iyo shacabkaba in nabadgelyada gacmaha oo dhan la isugu geeyo, ciidamada halkaas loo dirayna waxa qudha ee ay qabanayaan waa inay ilaaliyaan nafta iyo hantida ummadda Somaliland iyo amniga guud, dalkana inay wax u taraan mooyaane wax hadimo ah ma wadaan,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

 

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku daray, “Ciidamadu waxa ay nabadgelyada sugayaan iyaga oo xorriyadda iyo xuquuqda qofka ilaalinaya, qofka dambiilaha ahna gacan adag ku dhigaya oo ka qabanaya ummadda inaanu fidnaynin, sidaas darteed shacabka waxan ka codsanayaa dhammaantii gaar ahaan degmooyinkaas inay si fiican ula hawlgalaan ciidamada qaranka ee ku hawllan sugidda amniga. Gobolladaas iyo degmooyinkaas dadka deggenna waxan leeyahay walaalayaal wax walba nabadda ka horraysee aynu nabadda u wada guntanno, nin meel dheer telefoon kaga soo hadla oo aan dantaada eegayninna yaannu fidno ina gelinine nabadda halla xejiyo.”

 

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu baaq u diray warbaahinta kala duwan ee dalka ka hawlgasha, waxana uu kula dardaarmay inay bulshada u tebiyaan warar xanaf tiran oo aan bulshada dhexdeeda fidno ka dhalinaynin, islamarkaana ay xil iska saaraan sidii ay isugu soo jiidi lahaayeen guud ahaanba shacabka Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories