HomeNin kaligii ka badbaaday Xasuuqii Xeebta Jasiira oo ka xog-warramay xannuunkii...

Nin kaligii ka badbaaday Xasuuqii Xeebta Jasiira oo ka xog-warramay xannuunkii Dhacdadaas

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 24 January, 2012 (SLpost)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa caawa xaflad ballaadhan u sameeyey wiilkii 48-aad ee uu nasiibkiisu ka badbaadiyey xasuuqii ka dhacay Xeebta Jasiira ee magaalada Muqshisho.

Xafaddan oo loogu sameeyay Hoteel Sumar Time Ee Magaaladda Hargeysa ayaa ka sokow Wasiirka Arrimaha Gudaha waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), Wasiirka Kaluumaysiga iyo khayraadka Badda Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), Mudanayaal ka tirsan labadda gole, guddoomiyaha hay´adda NDC Jamaal Caydiid Ibraahim, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Ibraahim Siyaad Yoonis, Boobe Yuusuf Ducaale, Sulaadiin iyo waliba dadweyne kale.

blankXafladan ayuu ugu horren ka hadlay aqoonyahan Boobe Yuusuf Ducaale oo ka sheegayay qisadii ninkan ka badbaaday xasuuqi Jasiir isagoo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaynu munaasibadan caawa isugu yimi waxay tahay inankii ka soo hadhay xasuuqii jasiira oo ay tisii dhamaan oo inta 46 nin la ka xeeyay lagu dilay Jasiira oo maanta ka nool yahay. “Arrintani waa mid ina xasuusinaysa dhacdo naxdin leh”Sidaa ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale oo munaasibada ka hadlay

Isna waxa munaasibada ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ahaa shaqsigii soo qabqabiyey munaasibadan ayaa sheegay in shaqsi ahaan ahayeen laba nin oo noloshu matanaysay “Runtii anagu waxaanu nahay saaxiib si gaara ah ay noloshu u matanaysay oo aanu wakhti dheer aannu soo wada qaadanay.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md Maxamed Nuur Carraale (Duur) waxaanu inta sii raaciyey hadalkiisii“Laakiin Cumar waxa uu dalka ka maqnaa wakhti dheer oo mar qudha fursad umu helin in Saxaafaddu ay la kulanto, laakiin  in telefoon lagu waraysto mooyee. Runtii Cumar waa ninkii ka badbaaday xasuuqii Jasiira oo wakhtigaas waxaanu wada joognay magaalada Muqdisho oo waxaanu isku ahayn galas mitt oo nolosha ayaa na mataanaysay.”

Dhinaca kale waxa isna munaasibada hadal kooban ka soo jeediyey Suldaan Ahmed Nuur oo sheegay inay dhibaatada uu ninkani ka soo badbaaday ay la tagtay ragg fara-badan oo maanta loo baahanyahay in taariikhada la xuso “Dhibaatadii na soo martay waxay ahayd mid in badan la tagtay ragg uu ka soo hadhay ninkan aynu munaasibada isugu nin si loo xasuusto dhacdooyinkii ku duugan xasuuqii jasiira ee dalka ka dhacay.”Ayuu si kooban u yidh Suldaan Ahmed Nuur

blankSidoo kale waxa isaguna munaasibada ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inay taariikhu tahay laba waji mid nool iyo mid tagtay“Dadku markay taariikhda ka sheekaynayaan, waxay ka sheekeeyaan taariikhda wixii tagay. Laakiin maanta waxaynu hayna laba taariikhdii oo tagtay iyo taariikhdiyo nolol.” Sidaa ayuu yidhi Gudoomiyaha

Waxa munaasibada gebagabadeedii ka hadlay Cumar Muuse Mire oo ka mid ahaa ninkii kaliya ee ka badbaaday xasuuqii ka dhacay jasiira oo ka sheegay sidii uu uga badbaaday dhacdada naxdinta leh “Caawa waxay ii tahay farxad wayn aniga oo jooga dhulkaygii Hooyo, waxan jecelahay inaan caawa aan ka waramo xasuuqii ka dhacay Jasiira waxay ahayd 17kii Julay 1989kii. Markii ay askartu ay noogu soo dhacday gurigii oo waxay ahaayeen shan askari oo ku hubaysanaa qoryaha Akayga ah sita oo waxay ahayd 1:00 habeenimo oo waanu hurudnay, markii ay guriga noogu soo daateen waxay nagu khasbeen inaanu guriga furno.”Ayuu yidhi Cumar Muuse Mire waxaanu inta sii raaciyey “Anigu markaan maqlay hadalkoodii waan cararay oo waxan galay meel xamaama oo waxa yalay alaab guriga lagu rijiyeeyo oo waxay soo galeen gudihii dabadeed waxay badheen gurigii oo dadkii oo dhan ayey hurdadii ka kiciyeen markaas ayaan is idhi bal eeg aniga oo xamaamkii ku jira dabadeed waxaan lugta ku dhuftay alaabadii rijigu ku jirtay, waxay maqleen saqadhi oo halkii ayay iigu yimadeen oo anigana waxay igu yidhaahdeen dabada u soo bax, markii aan dabada u soo baxay ku ligayo waxay isugu kaayo keeneen guriga daradisii oo waxanu ka koobnayn shan nin iyo afar dumar ah.”

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories