HomeNin Ka Warramay Dooni Degtay Oo Uu Ka Badbaaday

Nin Ka Warramay Dooni Degtay Oo Uu Ka Badbaaday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Maxame-Gurey oo ka mid ah 9 Qof oo ka badbaaday Dooni 19-kii bishan ku degtay Badda u dhexeysa Cumaan Iyo Puntland, ayaa ka warramay sidii Doontu ula degtay, Dadkii la socday ee Badda ku dhintay iyo sida isaga iyo 8 Qof ee kale ku badbaadeen.

warka-doonta-degtay

Maxamed-gurey oo ka mid ah Dadka la shaqeeya Ganacsatada Alaabooyinka kala soo dega Dekedda Berbera, ayaa sheegay inuu Safar shaqo ku tagay Dalka Cumaan isla-markaana uu 12-kii bishan soo raacay Dooni Alaab u sidday Dekedda Boosaaso, laakiin 7 Maalmood oo ay Badda ku soo jireen ka dib Doonto degtay markii Dabaylo ku kaceen.

Mr. Guray oo u warramay Telefiishanka Star, ayaa sheegay inay Doonta kula socdeen 12 Qof oo isaga iyo Nin kale Soomaali ka ahaayeen, laakiin markii Doonto degtay ay ku dhinteen 3 Qof oo midkood Soomaali ahaa, waxaanu yidhi isagoo Shilkaa faahfaahinaya, “Doontu Dekedda Cumaan waxay ka soo dhaqaaqday 12-kii bishan 12-aad, 2016-ka, 19-kii bisha markay Mareyso meel 14 Mayl u jirta Dekedda Boosaaso ayaa waxa na qabsaday Roob, waxaana nagu kacay dabaylo, waxaana bilaabmay inay degto Doontu, waxayna noqotay in Qof walba naftiisa badbaadiyo, Xagga sare ee Doonta ayaanu u wada yaacnay oo waxaanu xidhanay Jaakeeddadii badbaadada, dabadeedna waxaanu Badda ku tuurnay Laash Doonta Saarnaa, Laashkii wuu degay, haddana waxaanu Biyaha ku tuurnay Taangi Doontu Biyaha ku shubato (oo Caag ah), dabadeedna 12-kayagii oo jaakeedadii xidhan ayaa ku boodnay intaanu xadhig ku xidhay, markaanu 24 Saacadood saarnayn Taangigii, ayaa waxa kala baxay Taangigii iyo Saabkiisii uu ku xidhnaa.”

Gurey uu sheegay in 24 Saacadood markii ay dhinacyada haysteen Taangiga Caagga ah ee ay ku dabbaalayeen Afar ka mid ah 12-koodii ay dhinac u dabbaasheen, “Raggii baa kala jabay, 4 Meel bay mareen, Lix Hindiya iyo Laba Soomaali ahina Taangigii Caagga ahaa ayaanu Cumaamad ku xidhanay, Cumaamadda ayaanu haysanay oo waanu is-jiidanay, Afartii Goonida u baxay markiibaa noogu dambaysay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Maalintii dambe markii Cadceeddu noo soo baxday ayaa waxa Xaaladdiisu adkaatay Inankii Soomaaliga ahaa oo nala socon kari waayay, dhowr jeer ayaan isku xidhay si aan u jiido, laakiin Maskaxdiisa ayaa isbeddeshay oo wuu iska kay fur-furayey, laakiin mar dambe Aniga oo sii jeeda ayuu iska kay furay oo Mawjaddu qaadday…. Markii dambe wuu ii yeedhayey oo wuxuu lahaa Maxamadoow Walaal ii kaalay, laakiin waan gaadhi kari waayay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Inankii Shan Saacadood markuu naga sii maqnaa oo ay Lixdii Makhribnimo tahay waxa na helay Laash arkay Alaabta Doonta ka daadatay. Laashkaa ayaa na qaaday waxaanu na geeyay Dekedda Boosaaso oo noo jirtay 20 Mayl. Markaa Badda waxa ku dhintay 3 uu midkood Soomaali ahaa, waxaana soo badbaaday 9.”

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories