HomeNin Dhiiggiisa ku Bad-baadiyey Nolosha 2 Milyan Oo Ubad ah

Nin Dhiiggiisa ku Bad-baadiyey Nolosha 2 Milyan Oo Ubad ah

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

(Australia)-James Harrison waa shakhsi caadi ah, sida aabbayaasha dunida ku nool waxa uu jecel yahay xannaanaynta gabadh uu dhalay iyo carruur uu awoow u yahay, inta badana waxa uu ku shaqeeya inuu xashiishka ururiyo. Aadna waxa uu u xiiseeya inuu guriiga oo ku yaala Badhtanka Xeebta Australia u lugeeyo, balse waxa caalamka soo jiitay oo ka dhigay qof aad u muhiima dhiigga xidiidadiisa dhex socda oo uu uga faa’iideeyo ubad u baahan.

 

Waxa lagu naanaysa Ninka Gacanta Dahabka ah lahaa (The Man with the Golden Arm) ku dhawaad toddobaad kasta 60 sanno ee u dambeeyey waxa uu dhiig, gaar ahaan Balaasmada (Plasma) gacantiisa midig ugu deeqaayey cid kasta oo u baahan.

Waxa arrintan ku kalifay xaaladdo caafimaad iyo qalliino uu galay yaraantiisii oo ku abuuray in uu tallaabadan qaado.

“Sannadkii 1951kii, waxa qalliin la igaga sameeyey laabta, waxaanay iga saareen sambab, waxa aan ahaa 14 jir,” ayuu yidhi Harrison oo hadda 78 jir ah oo Maankaab soo xigtay, waxaannu intaa ku daray; “Markii aan qalliinka ka soo baxay, maalmo yar kadib aabbahay ayaa ii sharraxay wax kasta oo dhacay. Waxa uu ii sheegay in la iigu deeqay 13 litir oo dhiig ah, noloshaydana ay badbaadiyeen dad aan waxba naga dhaxayn. Aabbahay laf ahaantiisu wuxuu ahaa dadka dhiigga iigu deeqay, sidaa darteed waxa aan idhi marka aan weynaado waxa aan noqon doona mid dhiigga ku deeqa.”

Markii Harrison tallaabadan go’aansaday waxa u yeedhay dhakhaatiir, una sheegay in ay ku keeni karto xaalad halis ah, balse go’aankiisa kama noqon.

“Dalka Australia ilaa 1967kii, waxa jiray kumanaan carruur ah oo sannad kasta ku dhimanaayey, dhakhaatiirtu sababta ma ay garanayn. Dumarka waxa ku dhacaysay in ay ubadka caloosha ay ku qadaan ku qaloocdaan, ubadkuna ku dhalanaayeen maskaxda oo dhaawac ka soo gaadho,” ayuu yidhi Jemma Falkenmire oo ka mid ah masuuliyiinta Laanqayrta Cas ee Australia, gaar ahaan adeega dhiigga (Australian Red Cross Blood Service).

Inkastoo Ilaahay awood u leeyahay badbaadinta bani’aadamka, haddana ninkan waxa sabab looga dhigay in ubadkaas uu dhiiggiisa ku badbaadiyo.

Dalka Australia waxa inta badan ubadku u dhintaan xannuun la yidhaa Rhesus oo ka dhasha marka hooyada uurka leh dhiiggeedu uu bilaabo inuu weeraro ilmaha ay caloosha ku sido unugyadiisa dhiigga, waxyaabaha ugu darran ee ka dhashaana yahay in maskaxda dhaawac ka soo gaadho oo ilmuhu u dhinto amma khatar badan galo.

Waxa dhakhaatiirtu ka war heleen in Harrison dhiiggiisu leeyahay walxo(antibody) cajiib ah oo ka hortagi kara walxaha dibada jidhka ka soo gala . sannadkii 1960aadkii waxa uu la shaqayn jiray dhakhaatiirta si ay dhiiggiisa ugu isticmalaan in haweenka lagu muddo si cudurkan Rhesus loogaga hortago.

“Australia waa dalkii ugu horreeyey ee ogaada in dhiigga qofka loo isticmaali karo in difaac ahaan qofka loo siiyo,” ayuu yidhi Falkenmire.

Dhiigga Harrison oo loo yaqaan inuu yahay Anti D, waxa uu badbaadiyey 2 milyan oo carruur ah sida ay sheegtay haya’adda Laanqayrta Cas ee adeega dhiigga ee dalka Australia, waliba 2 milyan ee carruur ah dhiigga ninkan oo kaliya Alle sabab uga dhigay in lagu badbaadiyo.

“Dhiig kastaa qiimu leeyahay, balse James waa mid ka gaar ah oo ka sii qiimo badan. Dhiigga dhab ahaantii waxa loo isticmaala in lagu badbaadiyo nolol, hooyooyinka dhiiggoodu khatar ku yahay ubadka ay caloosha ku sidaan baa la siiyaa. Dhab ahaantii James wuxuu sabab u yahay badbaadinta nolol badan,” ayuu yidhi Falkenmire.

Dhakhaatiirta ayaan ilaa hadda hubin dhiigga Harrison sababta uu faa’iidadan u yeeshay, balse waxa ay aaminsan yihiin in ay sabab u noqotay dhiiggii 14kiisii lagu shubay, waxaanay sheegtay n 50 qof oo Australiya laga helo ay dhiiggan oo kale leeyihiin.

Harrison waxa loo aqoonsaday halyey qaran, waxaannu ku guulaystay bilado badan. Waqtigan waxa uu dhiiggiisa, gaar ahaan balaasmada (Plasma) ku deeqay in ka badan 1,000 jeer. “Macno ma laha dhiigga aan bixinaya, balse waxa aanan eegi karin irbada gacanta la igaga mudaayo. Waxa aan eega kalkaalaiya, waan la hadla oo aan ku yaraa aayar;, balse marka aan arko irbada oo gacantayda galaysa, ma adkaysan karo inaan arko dhiiggayga, xannuunkana uma dulqaadan karo,” ayuu yidhi Harrison.

Xigasho: Maankaab.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories