HomeNin aad dhashay kuma dhalin!

Nin aad dhashay kuma dhalin!

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

muslimwoman

Hooyo ku nool dalalka carabta ayaa qisadan inooga warramaysa, waxay tidhi:

‘Waxaan uurka ku qaaday sagaal bilood. Aabbihii waxa uu dhintay isaga oo dhawr bilood jira. Hooyo iyo Aabbaba aniga ayaa u noqday isaga iyo walaashiis oo ka yarayd saddex sanno.

Naaska kama joojin illaa uu gaadhayay saddex sanno oo uu iskii uga tagay. Da’dii guurka markii uu gaadhay waxa aan u dhisay gabadh diin iyo dhaqan wanaagsan leh isla markaana ka dhalatay reer wanaagsan. Shan sanno kadib gabadhii wuu furay isagoo leh ‘Aqoon ma leh’ Wiil iyo gabadh ayay u dhashay oo aan korriinkoodii dhabarka u ritay. Muddo kadib waxa uu guursaday gabadh ku shaqaysa macallinimo. Ciyaalkiisii horena waan korin jiray gabadhiisa cusubna guriga ayaan uga shaqayn jiray maadaama ay shaqo tagto.

Muddo markii aan u shaqaynayay gabadhii inankaygu waxa ay bilawday in ay nacdo cuntadii aan u karin jiray kadib gabadh shaqaale ah bay u yeedhatay. Gabadhii baa timid oo hawlihii guriga oo dhan qabatay. Waxa ii muuqatay in adeegaygii oo dhan laga maarmay. Waxa aan noqday qof marti ah oo culays ku haysa gurigii inankayga.

Gabadhii inankaygu waxa ay bilawday in ay iga cabato oo igu eedayso in aan fara galiyo wax aan shaqadayda ahayn iyo hawlaha guriga kadib inankaygii hadalkii ayuu iga joojiyay muddo kadibna waxa la iga saaray qolkii guriga gudihisa ku yaalay ee aan degganaa oo waxa la ii raray qol dibadda ku yaalla, qolkaygiina gabadhii shaqaalaha ahayd ayaa la dejiyay.

Waan samray oo samray waayo inankayga waan jeclaa. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaan booqday inantaydii, markii aan soo noqday waxa aan imi alaabtaydii oo qolkii bannaankiisa la ii dhigay. Gurigii ayaan garaacay waxa iga furtay gabadhii inankayga waxa ayna igu tidhi: ‘Qolka waanu u baahanahay oo alaabaha ayaanu dhiganaynaa’ marka ay sidaa igu lahayd wiilkaygiina iyada dhabarkeeda ayuu taagnaa isaga oo aan hadlaynin.

Waxa aan su’aalay halkee ayaan tagaa. Waxay iigu jawaabtay ‘Dhulka Ilaahay wuu badan yahay’. Waan soo dhaqaaqay kadib jaarka ayaan ku garaacay oo aan ku idhi ‘Caawa aan idinla seexdo, subaxana inantaydii ayaa ii imanaysa oo i kaxaynaysa’ Gabadhii way iga ogolaatay iyadoo leh ‘Hooyo soo soco, gurigu waa gurigaagii e’

subaxnimadii ayaan wacay inantaydii oo aan u sheegay wixii dhacay. Waxaan ku idhi ‘Ii kaalay oo i kaxee hooyo’
Inantaydii way iga cudur daaratay waxayna ii sheegtay in aanu ninkeedu raalli ka ahayn in aan la joogo kadib telfoonkii way igu dhigtay.

Waxa aan bilaabay oohin oo ooyay illaa ay ilmadii iga dhammaatay. Gabadhii aan gurigeea degganaa way ii timid oo aad uga xumaatay waxa igu dhacay. Waxay igu tidhi ‘Halkani waa gurigaagii, joog oo ku nooloow hooyo’ Maalmo kadib guri ayaa la ii sameeyay, jaarka oo dhamina way i soo booqdaan illaa inankaygii iyo inantaydii mooyee. Waan bukooday, gabadhii dhaqtarka ayay ii qaadday. Maanta dhaqtar ayaan ku jiraa, Jaarkii iyo qaraabadii oo dhami way ii yimaaddaan illaa ubadkaygii mooyee!!

Xigasho:
https://www.youtube.com/watch?v=mtWLEthknu8

Turjumiddii:
Muna Axmed Cumar
Bahda Hiil Qalin

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories