HomeNimanyahow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha! – W/Q: Mustafa Sh. Cumar Geeddi

Nimanyahow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha! – W/Q: Mustafa Sh. Cumar Geeddi

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Goblamooyin waxay sheegayaan Guul-darriyo ciil’ ayaa abwaan laga wariyay. Guul-darro ka weyn oo aan maqlay ama wax igaga culus dagaalka laga soo wariyay magaalada Raaso ma jirto. Sidaas oo ay tahay, maanta qalinka uma qaadin inaan sida bilista u baroorto Jiidhkayga wadhan ee haadku hiigayo. Hadba meel iyo dhiiga qubanaya ‘haa ‘kugu dhimay oo kaa dhimay waa huq’ haddana, talo-xumo kasta oo jirta.. Qaddarka Eebaha sareeya ee Hufan lama dhaafi karo. Ta kale, dagaalku waa wax si mawduuci ah (objective) uga dhasha geeddisocodka xidhiidhka wada-noolaanshaha ummadda oo ku fogaan maayo raadinta sababaha keenay mar hadduu dhacayba. Sidaas darteed, waxaynu leenahay oo marka koowaad ku baaqaynaa in inta nool laga talliyo oo la joojiyo dagaalka. Wuxuu yidhi abwaankii gabyay.

‘Duuggeeda belo waa helaa nin u dedaalaaye

Nimanyahow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha’

Odaygii Faarax Nuur la odhan jiray oo isna reero la isku salliday kala dhexgalay ayaa waxaa laga hayaa.

Isku madhannay miidhii Cabdiyo midhihii Daa’uude

Iyagana magoolkii ka dhimay magaca weynaaye

Annagana mankii naga idlaa miigganaan jiraye

Wax yaroo la maarayn karaa madhiyey Iiddoore

Nin mataanta low jaban tah’oo meel ka kici waayey

Magligii afaysnaa markuu kor u mildhaabaayo

Naftu way macaan tahay intaan lays mahoobbiyine

Waad magan gelaysaan haddaad Xaraf ka meertaane

Allow yaa rag waxa loo maldahay maanta garansiiye

Imminkaan wax baydiin maqnayn labadii meeloode

Koluun bay masiibadu dhacdaa maanta kala hoyda’

Ta kale, marka uu umalka colaadeed kar-jabo, caqliguna soo miiraabo ee codka walaalnimo loo dheg-nugul yahay ayay mudanaan doontaa in wixii xal ah ee lagaga gudbi karo dhibaatada kala irdheeyay dadkaas laga hadlo.

Dawladda dhexe ee Ethiopiana waxaan leenahay shacabka isku go’aya masuuliyad ayaa kaa saran amaankoodda mar haddaad u sheeganayso maamul?.

Ugu danbeyn qurba-joogga iyo inta dibadda ku dhaqan ama mareegaha bulshada ee Intanetka adeegsata waxaan ka codsanayaa inay joojiyaan afxumada oo ka mid ah qodobbada ugu waaweyn ee naca iyo colaadda dabka ku shida dadka ku dhaqan dhulalka Soomaalida meel la joogaba iyo inay umaddooda ka daayaan dhaqaalaha ay caydha ku qaadanayaan ee haddana caydha kale iyo qaxootiga ku abuurayaan.

FG: Maqaalkan xooggiisa suugaameed waxaan ka xigtay Qormo uu Rashiid X. Cabdillaahi ka diyaariyay colaadda iyo Nabadda.

Mustafa Sheekh Cumar Geeddi

ciwaankamustafa@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories