HomeNigeria Oo Abid Markii Ugu Horeysay Taariikhda Isbedel Aan Hore Uga Dhicini...

Nigeria Oo Abid Markii Ugu Horeysay Taariikhda Isbedel Aan Hore Uga Dhicini Ka Hirgalay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Lagos, (SLpost)- Mohmadu Buhari, oo hore u ahaan jiray hogaamiye milateri oo xukun adkaa ayaa waxa uu doorashadii la qabtay bishii March kaga guulaystay madaxweynaha xilka ka sii degaya ee dalkaasi Goodluck Jonathan.Buhari

Waa markii ugu horeysay taariikhda dalka Nigeria ay dawladi si nabadi ah xilka ugu wareejiso mucaaradka.

Mohamadu Buhari oo ah nin dhuuban oo askari soo ahaan jiray, kuna dhashay magaalada Daura ee woqooyiga Nigeria muddo haatan laga joogo 72 sano ayaa caan noqday sanadkii 1983-dii, xilligaasi oo uu inqilaab milateri xukunka kaga tuuray dawlad si dimuquraadi ah loo soo doortay.

Hogaamiyahan milateriga ah ee xukunka adkaa ayaa caan ku ahaa dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa, oo wuxuu xabsiga dhigay siyaasiin badan.

Balse wixii xilligaasi ka dambeeyay waxa uu sheegay inuu qaatay hannaanka dimuquraadiyadda.

Waxa uu ku guuleystay doorasho ay kormeerayaashu ay ku tilmaameen tii ugu xor iyo xaq sanayd ee abid ka dhacda dalkaasi Nigeria oo ah dalka ugu dhaqaalaha roon qaaradda Afrika.

Guusha Mohamadu Buhari uu ka soo hooyay doorashadaasi ayaa timi, ka dib markii uu guul-darro kala kulmay saddex doorasho oo hore, waxa aanu khibraddiisa dhanka maamulka ah ku soo kordhin doonaa dalkaasi Nigeria oo uu hore xilal badan ka soo qabtay.

Inkastoo uu xilal badan hore u soo qabtay, Mohamedu Buhari, waxa uu aad uga duwan yahay inta badan hogaamiyeyaasha kale ee dalkaasi Nigeria oo muddadii uu xilka hayay muu urursan dhaqaale badan.

Waxa uu xilka la wareegayaa, iyadoo dalkaasi ay ka jiraan tallaabooyin lagu badhitaarayo dhaqaalaha dalkaasi oo ay horseedeen sicirka saliidda ee sii dhacaya iyo musuqmaasuqa.

Caqabadaha ugu weyn ee uu la kulmi doono ayaa waxaa ka mid ah kacdoonka kooxda Boko Xaraam oo galaafatay nolosha 13,000 oo qof, isla markaana ay ku barakeceen in ka badan 1.5 milyan oo qof.

Waa markii labaad ee hogaamiye xukun adag oo milateriga ka tirsanaan jiray xilka madaxweynaha loo dhaariyo isaga oo rayid ah, balse waa markii ugu horeysay ee si nabad ah xilka loogu wareejiyo madaxweyne la doortay oo mucaarad ah.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories