HomeNIGER: Madaxweynaha oo Sheegay in ay Fashiliyeen Afgambi Xilka Lagaga Tuuri Lahaa

NIGER: Madaxweynaha oo Sheegay in ay Fashiliyeen Afgambi Xilka Lagaga Tuuri Lahaa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

SLpost-Madaxweynaha dalka Niger, Mahamadou Issoufou ayaa sheegay in la fashiliyay afgambi la doonayay in xukuumadda uu hogaamiyo xukunka lagaga tuuro, kaasoo dhacay Khamiistii shalay ahayd.

 

 

Issoufou oo xukunka loo doortay sannadkii 2011-kii, kaddib hal sano markii uu ka dhacay dalkaas af-gambi, isagoo ku guuleystay doorashooyinkii dalkaas laga qabtay 21-kii bishii Feberaayo ee sannadkan 2015-ka, inkastoo xisbiyada mucaaradka ahi ay ka soo horjeesteen guushiisa.

 

 

Sidoo kale, madaxweynaha Niger ayaa hadal uu ka jeediyay telefishinka dalkiisa wuxuu ku sheegay in isku-dayga afgambi ee fashilmay uu ahaa mid qorsheysan, balse laga hortagay, gacantana lagu dhigay mid ka mid ah xubnihii hormuudka u ahaa.

 

 

“Xukuumaddu waxay fashilisay isku-day afgambi oo la doonayay in dalka lagu burburiyo. Ma garanayno ujeedka ay lahaayeen shaqsiyaadkii afgambigaan ka dambeeyay iyo dhiirri-gelinaysay. Balse waxay doonayeen inay af-gambiyaan xukuumad si dimuqraaddi ah lagu soo doortay,” ayuu yiri Mahamadou Issoufou.

 

 

Isagoo sii hadlaya ayuu intaa ku daray. “Waxay ahaayeen kuwo doonaya inay dhabarka ku dhuftaan howlgalka ka dhanka ah kooxda Boko Haram, iyadoo qorsheynayeen afgambiga fashilmay muddo toddobaadyo ah, iyagoo doonayay inay qabsadaan idaacadda iyo Tv-ga xukuumadda iyo weliba saldhigyada ugu waaweyn ciidamada ee magaalada caasimadda ah ee Niamey iyo deegaannada ku hareeraysan.”

 

Dalka Niger oo ku yaalla Galbeedka Afrika ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka ka midka ah howlgalka ka dhanka ah Kooxda Islaamiga ah ee Boko Haram oo ka dagaalanta Nigeria oo ay daris yihiin Niger.

Dhanka kale, Xukuumadda Niger ayaa waxay xaalad deg-deg ah gelisay gobolka ku yaalla Koonfur-bari ee Diffa, kaddib markii Boko Haram ay ka geysateen weerarro xudduud-ka-taallaabid ah sannadkan.

 

Ciidamada Jerdarmaariiga ee waddanka Niger ayaa xabsiga dhigay afar sarkaal oo ka tirsan millateriga dalkaas Talaadadii lasoo dhaafay, kuwaasoo xukuumadda Niger ay ku eedeysay inay wadeen qalalaase.

Saraakiisha la xiray ayaa waxaa ku jira taliyihii hore ee millateriga Niger, Jen. Souleymane Salou iyo Col. Dan Haoua oo ahaa taliyhii saldhigga ciidanka cirka ee magaalada Niamey ee xarunta dalka Niger.

 

 

Ugu dambeyn, madaxweynaha Niger Mahamadou Issoufou ayaa sheegay inay xasillinooni ka jirto dalka Niger, gaar ahaan magaalada xarunta ah ee Niamey, ayna ciidanka dowladdu gacanta ku hayaan dhamaan xarumaha xukuumadda.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories