HomeNidaamka shaqo ee xafiiska Hantidhowrka guud ma la jiifiyaana banaan-la joojiyaana banaan...

Nidaamka shaqo ee xafiiska Hantidhowrka guud ma la jiifiyaana banaan-la joojiyaana banaan baa? – W/Q: Sahra Cali

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
KU-xigeenka Xabsiga ku jira
KU-xigeenka Xabsiga ku jira

Xafiiska Hantidhowrka Somaliland ayuu muddo gaadhaysa bil xabsiga dhexe ee Hargeysa ugu jiraan rumaan Cabdi Jaamac Cali, oo ahaa ku-xigeenka xafiiska cashuuraha Berriga Berbera, ee  gobolka Saaxil oo sifo sharci daro ah loo maray qaabka xadhigiisa, welina maxkamad dembi ku cadeysa aan la soo taagin.

Waxay ahayd bishii hore markii badhtamaha Hargeysa isagoo maraya Hantidhowraha Guud ee Somaliland, Maxamud Dheere, oo la socdo maamulaha xafiiska cashuuraha Berriga Berbera iyo ciidan, kala degeen gaadhigii uu watay, oo inta labaatan daqiiqadood ku hayeen xafiiska Hantidhowrka, ka dib ku soo xidheen saldhiga  Ibraahim Koodbuur.

Isweydiintu waxay tahay, waa side qaabka hantidhowrku ku xidho ama u marro masuul dembi ku eedaysan, qoormaase, qofka dembiile noqon karaa, oo rumaan maxkamadu uga codsan karaan? Taasoo noqonaysa xaalad baadhitaan Hantidhowrku waday oo natiijadii uga soo baxday ku qanceen in shaqsigaasi loo hayo eedo caddeymo leh oo maxkamad lagu taagi karo, balse nasiib daro iyo qaabka sharci daradda ee masuulka sare ku xusan loo maray  wanjalaada eedahiisa waa nooc ugu ku ah Somaliland iyo taariikhda baadhitaanada hantidhowrka?

2717
Hanti-dhowraha

Ugu horeyn, eedaha la odhan karo wanjal kooxaysan ayey ahayd waxa soo gudbiyey maamulaha xafiiska C/Berriga Berbera, C/Xakiin M. Guuleed oo ku-xigeen Cabdi Jaamac u ahaa, ta xigta, waxa muuqata sida qaabka loo maray tilmaamayo inuu jiray xidhiidh hoose oo dhinacyo badan saamaynay ku lahaayeen wanjalaadan, maadama, aan loo marin eedeynta nidaamkii kala sareynta maamul, oo halkii ay ahayd in maamulaha eedaha watay uu dacwadiisa u gudbiyo agaasimaha C/Berriga wasaaradda Maaliyadda, oo isaguna Agaasimaha Guud, ilaa wasiirka Maaliyadda, eedahaasi markuu ku qanco, isagu, awood u lahaa, u gudbinta hantidhowrka Guud, keliya Agaasimaha C/Berriga Somaliland iyo maamulaha C/Berriga Saaxil sifo sharci daro ugu gudbiyeen hantidhowrka Guud, taasoo, xafiiska Hantidhowrka Guudna, isagoo aan marin nidaamkii baadhitaanka suuqa dhexdiisa shaqsi aan dembi maxkamad ku cadeyn xabsiga u taxaabay?

 

Maxaa hore uga dhexeeyey maamulaha C/Berriga Berbera iyo Ku-xigeenkiisa \

2/4/2013, waxuu qoraal ciwaan uga dhigay Aar-goosi Maamule iyo Hiil, Cabdi Jaamac Cali, ku socodsiiyey Agaasimaha C/Berriga, Isu-duwanaha W.Maaliyadda G.Saaxil, Agaasimaha Guud, W. Maaliyadda, Wasiir-xigeenka Maaliyadda iyo Wasiirka Maaliyadda.

Waxuu qoraalkaa ku sheegay in maamulaha C/Berriga Berbera, C/Xakiim M. Guuleed oo muddo fasax uga maqnaa markuu soo laabtay shaqadii ku soo celiyey, weliba shaqadii aan u xilsaarnaa ku wareejiyey nin la yidhaahdo Xuseen Rashiid Xirsi, oo annigu shaqo joojin ku sameeyey, amar-diido shaqada uu sameeyey xilli olole-cashuureed xafiiska aan ka bilaabay muddadii aan masuuliyadda hayey.

Balse, qoraalkii jawaabta Agaasimaha C/Berriga, W. Maaliyadda waxuu noqday inuu warqadii cabashada Cabdi Jaamac ku dul qoro,ereyadan “Xalkii iyo Waxqabashadii AGC/Berriga: waar ninka ilaali kana daa culeyska iyo deel-qaafka iyo Haye”

 

Hantidhowrka Guud xaalkiisu ma la joojiyaana banana-la jiifiyaana banana baa?

Waa nasiib daro in Hantidhowraha guud ee Somaliland Maxamuud Dheere uu isagoo aan xog dhamaystiran hayn shir jaraa’id ku shaaciyo maalintii xadhiga wanjalaada Cabdi Jaamac cali inay qabteen silsilad dhalinyaro qaab foojari ah u lunsan jiray hantida ummada, xilli bil ka dib, weli aanu jirin qof ay u qabteen eedaha hantida la lunsan jiray marka laga reebo xadhiga wanjalaada Cabdi Jaamac.

 

Maxaa keenay degdegsiiyaha xadhiga Cabdi Jamaac ee wanjalaada ahaa, wakhti xubno dacwadoodu oo caddeymo leh maxkamada Hargeysa ka socotay damiin ugu siidaayey hantidhowraha guud shaqsiyan?

Waxa jiray kiis shaqaale maaliyadda ee madaarka Cigaal ku saabsanaa oo muddo ka socday maxkamada Hargeysa, bilaabmayna xilligii Maxamed Xaashi wasiirka Maaliyadda ahaa, oo eedaha qeyb ku yeelanayeen Hantidhowrka Guud iyo Xisaabiyaha Guud, maadama, hantidhowrkuna baadhis ku cadeeyey inaanu khalad jirin ka hor intaan xafiiska baadhista gudaha ee wasaaradda maaliyaddu soo saarin lunsiga hantida ummada, oo buugaag foojari ah lagu qaadi jiray, taasoo markii arrinku soo baxay xafiiska Xisaabiyaha guud sheegay in buugaagtaasi ka luntay, isagaa aan hore u sheegin xilligii la adeegsan jiray, ee xafiiskooda marka lacagta lagu xereynayo la soo marin jiray?

Nasiib daro, kiiskii oo weli maxkamadaha ku jira ayuu hantidhowraha Guud, shaqsiyan damiin uga soo daayey eedeysanayaashii xabsiga, xilligana shaqaale wasaarada Maaliyaddu waxbarasho hay’ada Shaqaalahu siiso ka bixiso ayey ku jiraan?

Ugu dambayn, goorma ayuu saxsan yahay xafiiska Hantidhowrku, wakhtigii uu indho la’aan xabsiga ugu dirayey masuul aan eedo maxkamadi caddeysay lagu heyn, xilliga uu saxaafada mariyey qabashada silsilad dhalinyaro xidhiidhsan oo lunsan jiray hantida ummada, ilaa wakhtigana qof lagu heyn dembigaa, iyo marka uu damiin ku soo deynayo dad dembiyo caddeymo lo ohayo dacwadoodu maxkamada Hargeysa ka socotay,, xilli aanu damaanad lahayn dembiga lunsiga hanta umadeed, mise nidaamka shaqada xafiiska Hanti-dhowrka Guud ayaa ah la jiifiyaana banana-la joojiyaana banaan.

Waxaan hay’adaha arrinkani khusayso ka codsanayaa inay degdeg wax uga qabtaan cadaalad-darada ka muuqata xadhiga Cabdi Jaamac cali oo qaabka loo maray cadeynayso inuu wanjalaad kooxaysan yahay.

Sahra Cali

sahra7lucky@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories