HomeNidaamka Caafimaadka Somaliland iyo Bulshada Danyarta ah - W/Q: Cabdiwahaab Tooxyare

Nidaamka Caafimaadka Somaliland iyo Bulshada Danyarta ah – W/Q: Cabdiwahaab Tooxyare

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

tooxyareGuud ahaan Somaliland ayaa waxaa ka jirta nabad balse dhanka kale waxaa iyaguna jira dhibaatooyin badan oo ay qabaan bulshada Somaliland taasoo ay ka mid yihiin baahiyaha Caafimaadka, waxbarashada iyo kaabayaasha aasaasiga ah oo badi dhamaantood aad u liita.

Hadaba hadaynu si gaara isu dul taagno baahiyaha caafimaadka iyo dhibaatooyinka ay ku qabaan bulshada Somaliland, ayaa ah mid soo jiitamaysay intii ay Somaliland jirtay iyadoo aan weli laga samayn horumar la taaban karo.

Bulshada Danyarta ah

Bulshada Somaliland ayaa ah 80% dad u badan danyar kuwaasi oo aan awood badan u lahayn inay iska bixiyaan adeegyada caafimaad ee ka jira waddanka, kaasi oo gabi ahaanba qiime aad u sareeya ku jooga bulshada danyarta ah oo aan awoodin inay iska bixiyaan qiimaha lacageed ee Goobaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay ay dadka ku qasbaan.

Muwaadiniinta Somaliland waxaa ay xaq u leeyihiin inay helaan caafimaad wanaagsan, Biyo Nadiifa, Waddooyin iyo dhamaan baahiyaha aasaasiga ah, hadaanay taasi jirina waa muhiima inay helaan adeeg caafimaad oo jaban.

 

Goobaha Caafimaad Ee Gaar ka loo leeyahay

Somaliland waxaa aad u xoogaystay muddooyinkii u dambeeyay cisbitaalada gaar ka loo leeyahay kuwaasoo gabi ahaanba noqday dhiig miirato aan ka naxay ummadda masaakiinta ah ee aan awoodin inay iska bixiyaan kharashka adeega caafimaad. Tusaale kooban Cisbitaalka Haldoor ee Magaalada Hargeysa oo ka mida Cisbitaalada gaar ka loo leeyahay oo badanaa u shaqeeya dadka ay haleelaan xauunada maskaxda ku dhacaa, waxaa uu qofkiiba ka qaadaa 50$ kaadhka marka qofku arkayo Dhakhtarka gaar ahaan marka uu deg deg u rabo, sidoo kale waxaa uu Iyana 30 $ ka qaadaa marka Qofku si caadi u Goosanayo tigidhka, taasoo muddo badan ku qaadata in adeegii loo qabto.

Hadaba marka taasi jirto dhaqaalihii waddankana aynu ka dheragnasahay waxaa masiibo ah in ummadda xaddiga intaa leeg loo dhiig miirto, iyadoo cisbitaalada gaar ka loo leeyahay na badankooda tusaalaha aynu kor ku soo xusnay ay kala simanyihiin.

Doorka Wasaarada Caafimaadka

Run ahaantii waxaa meesha ka baxay doorkii ay ku lahayd wasaarada Caafimadka Jamhuuriyada Somaliland xakamaynta Cisbitaalada gaarka loo leeyahay iyo tayaynta Cisbitaalada Dawliga ah oo runtii adeega tayada caafimaad ee ay bixiyaan yahay mid aad u liita.

Hadaba Wasarada Caafimaadku waxay ku leedahay door muhiima inay ummadda ka qabato Cisbitaalada gaarka loo leeyahay ee noqday dhiig miiratada aan dadka danyarta ah ka naxayn, maadaama wasaaradu u dhaxayso Bulshada Somaliland iyo cisbitaalada Gaarka loo leeyahay, waxaana muhiima in lagu dhaqo xeerka u yaalla caafimaaka Somaliland.

Cabdiwahaab Cismaan Jaamac ( Tooxyare)

Abdiwahaab888@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories