HomeNatiijooyinka Codbixinta 18 Degmo-Doorasho ee Gobollada Dalka iyo Kala Horeynta Kuraasida

Natiijooyinka Codbixinta 18 Degmo-Doorasho ee Gobollada Dalka iyo Kala Horeynta Kuraasida

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Iyada oo ilaa wakhtigan lagu dhawaaqay natiijooyinka codbixinta 18 degmo-doorasho oo ka tirsan Lixda gobol ee waaweyn ee dalka, kuwaas oo ay ku kala calaf-qaadeen ururrada iyo Xisbiyada ku tartamay doorashadii Golaha deegaanka dhowaan Dalka ka qabstoontay.

Guddiyada Komishanka doorashada heer degmo oo tan iyo bilowgii todobaadkan Shaacinayey natiijooyinka kala duwan ee codbixinta Goleyaasha Deegaannada kala duwan ee dalka, waxa ay ururrada iyo axsaabta siyaasaddu ku kala calaf-qaadeen Kuraasida 18-ka degmo ee la shaaciyey oo tirada kuraasida loo tartamay ku kala duwanaa.

Degmooyinkan la shaaciyey natiijada doorashada laga dhiibtay ee lagu dhawaaqay oo heer ahaan derejooyinka ay u kala qaybsan yihiin A, B, C iyo D ayaa tirada kuraasida goleyaashooda deegaanku ka kala kooban yihiin ay tahay 21 kursi, 17 Kursi, 13 kursi iyo 7 Kursi, kuwaas oo marka Guud ahaan laysku geeyo, wadartoodu tahay 275, marka laga reebo 25-ka Caasimadda oo Maanta la filayo in natiijadooda lagu dhawaaqo.

blankTirada Kuraasida Degmooyinka ee ilaa wakhtigan natiijadooda la shaaciyey, waxa saamiga kuraasida ugu badan ka helay Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye oo guud ahaan haysta 90 ka mid ah, urur-siyaasadeedka Waddani oo haysta 58 kursi, Xisbiga UCID oo ku guuleystay 35 kursi, ururka Rays oo helay 29 Kursi, Ururka Umadda oo haysta 28 Kursi, ururka Xaqsoor ee helay 27 kursi halka ururka Dalsan uu ka haysto 14 Kursi oo ka mid ah Kuraasida Goleyaasha Deeganka Degmooyinka natiijadooda la shaaciyey.

Degmada Xuddun ee Gobolka Sool oo heer ahaan la mid ah Degmooyinka golahooda dawladda Hoose ka kooban yahay 13-ka Kursi, waxa kaliya oo loo tartamay 5 kursi oo tiradaas ka mid ah, iyada oo tirada kuraasida hadhay ururrada ku guulaystay loogu qiimaynayo tirada kuraasida ay kala heleen, sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Eng Ciise Yuusuf, “Degmada Xudun waxa lagu tartamay shan kursi, shantaas kursi sida Xisbiyadu u kala heleen ayey sideedda kursi u kala qaadanayaan oo Xudun siddeed kursi ayaa u hadhay. Waxa la iskugu gaynayaa codkii Degmada ka soo baxay oo dhan, dabadeed waxa loo qaybinayaa sideeddii Kursi, tootalkaas mid walba inta uu ku lahaa,” ayuu yidhi Guddoomiye Xamari oo bishan horraanteedii warbaahinta u warramyey.

GOBOLKA SANAAG

1.      Degmada Ceerigaabo.

Waxa lagu tartamaya 21 kursi oo golaha Deegaanka ee Degaamadaasi ah, waxaanay u kala heleen Ururradu.

blankWaddani  6 kursi

Kulmiye- 5 kursi

Ummada 4 Kursi

Rays 2  Kursi

UCID 2 Kursi

Xaqsoor 1

Dalsan 1

2.      Degmada Garadag

Waxa loo tartamayey  13 kursi waxaanay u kala heleen sidan:

Rays 8

Kulmiye 3

Waddani 2

Ummada 0

Xaqsoor 0

Dalsan 0

UCID 0.

3.      Degmada Ceel- Afweyn

Waxa loo tartamayey Degmada Ceel Afweyn 17 kursi, waxaanay Ururradu u kala heleen sidan:

Kulmiye 8

Rays 3

Waddani 3

Umada 1

Dalsan 1

UCID 1

Xaqsoor 0

GOBOLKA AWDAL

1.Degmada Boorama

Waxa lagu tartamayey  21 Xildhibaan oo uu ka kooban yahay Golaha Deegaanka ee Degmada Boorame, waxa loo kala helay

blankKulmiye 7

Waddani  4

Ummada 3

UCID  3

Rays 2

Dalsan 1

Xaqsoor 1

2.Degmada Lughaya

Waxa loo ordayey 13 Kursi, waxaanay Ururradu u kala heleen,

Kulmiye 6

Xaqsoor 3

Ucid 2

Waddani 2

Dalsan, Umadda iyo Rays ayaan waxba ka helin Degmada Lughaya

3.Degmada Saylac

Waxa loo tartamayey 17 kursi, waxa loo kala helay sidan;

Kulmiye 6

Waddani 4

UCID 3

Xaqsoor 2

Umada 1

Dalsan 1

Rays waxba

4.Degmada Baki

Waxa la baratemayey 13 kursi, waxaana look ala helay sidan:

Kulmiye 5 Kursi

Waddani 3 kursi

Ummada 2 Kursi

Dalsan 2 kursi

Xaqsoor 1

UCID 0

Rays 0

GOBOLKA SOOL

1.Degmada Laascaanood

Waxa lagu tartamayey 21 Kursi, waxa kala helay

blankKulmiye 7

Xaqsoor  5

Waddani 3

UCID 3

Ummada 2

Dalsan 1

Rays Waxba

2.Degmada Caynabo

Waxa loo tartamayey  13 kursi waxaanay u kala heleen sidan:

Kulmiye 6 xildhibaan

Rays 4 Xildhibaan

Wadani 2 Xildhibaan

Umada 1 Xildhibaan

Dalsan, UCID iyo Xaqsoor ayaan waxba ka helin.

3.Xuddun

Waxa loo tartamay 5 kursi oo ka mid ah 13 kursi ee degmada Xuddun, halka 8-da kursi ee kale Qiimaynta kala sarraynta codadka urrarada lagu xisaabinayo.

Waddani 3 kursi

Dalsan 1 kursi

Umadda 1 kursi

GOBOLKA SAAXIL

1.Degmada Sheekh

Waxa loo tartamayey  13 kursi waxaanay u kala heleen sidan:

blankWadani 4 Xildhibaan

Kulmiye 4 xildhibaan

UCID 3 Xildhibaan

Dalsan 1 xildhibaan

Xaqsoor 1 xildhibaan

Umada waxba

Rays waxba

2.Degmada Berbera

Waxa loo tartamay 21 Kursi waxaanay u kala heleen

Ummadda  1 Xildhibaan

Ucid  5 – Xildhibaan

Kulmiye – 9 Xildhibaan

Dalsan 680 Waxba

Rays –  2 Xildhibaan

Waddani  -3 Xildhibaan

Xaqsoor  – 1 Xildhibaan

GOBOLKA TOGDHEER

1.Degmada Burco

Waxa loo tartamay 21 Kursi

blankKulmiye 7 Kursi

Waddani  5 kursi

Rays 4 kursi

Umadda 3 kursi

Xaqsoor 1 kursi

UCID 1 kursi

Dalsan 0

2.Degmada Qorilugud

Waxa loo tartamayey Degmada Qorilugud 7 kursi, waxaanay Ururradu u kala heleen sidan:

Kulmiye 3

Rays 1

Waddani 1

UCID 1

Ummada 1

Xaqsoor iyo Dalsan waxba

3.Degmada Oodweyne

Waxa loo tartamayey 17 kursi oo golaha Deegaanka ee Degmada Oodweyne ka koobantahay, waxaana loo kala helay.

Ummadda 7

Waddani 6

Kulmiye 1

Xaqsoor, 1

Ucid 1

Dalsan 1 Kursi.

Ururka Rays Waxba

DEGMOOYINKA MAROODIJEEX QAARKOOD

1.Degmada Baligubadle

Degmada Balligubadle waxa loo tartamayey 13 Kursi, waxa loogu kala guuleystay sidan:

blankXaqsoor 7

Kulmiye 2

Waddani 2

UCID 1

Dalsan 1

Rays 0

Umada 0

2.Degmada Sallaxley

Waxa loo tartamayey 13 Kursi waxaanay Ururada iyo Xisbiyadu u kala heleen

UCID 5

Kulmiye 3

Xaqsoor 2

Waddani 2

Rays 1

Dalsan 0

Umadda 0

3.Degmada Gabiley

Waxa loo tartamay 21 Kursi

Kulmiye 7

Waddani 4

UCID 4

Rays 2

Dalsan 2

Xaqsoor 1

Umadda 1

Si kastaba ha ahaatee, in kasta oo guusha urrarada iyo Xisbiyada laga dheehan karo natiijda ka muuqata degmooyinka codbixintooda la shaaciyey, haddana waxa miisaanka guusha ugu weyni ku xidhan tahay shaacinta natiijada codbixinta degmada Hargeysa oo tirada codbixiyeyaasha dalka ugu badan ka qayb-qaateen doorashadii goleyaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay dabayaaqada bishii hore.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster[at]somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories