HomeNatiijadii Kulamadii Maanta ee Ciyaaraha Gobollada JSL iyo Shaxda Kala horeynta Dhibcaha...

Natiijadii Kulamadii Maanta ee Ciyaaraha Gobollada JSL iyo Shaxda Kala horeynta Dhibcaha Xulalka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta garoonka Kubadda Cagta ee Hargeisa Stadium ka dhacay Kulamo xiiso leh oo ka tirsan is-aragga labaad ee kooxaha ku jira Group-ka B ee tartanka Kubadda Cagta ee Gobollada Somaliland. 

Xulalka gobollada Daadmadheedh, Xaysimo, Sanaag iyo Saaxil oo ka wada-tirsan Group B, ayaa Isku haleelay laba ciyaarood oo u muuqda inay go’aamiyeen labada kooxood ee kasoo baxaysa Groupka oo maanta ciyaaray kulankii labaad, iyadoo uu u hadhsan yahay kulanka saddexaad ee kama-dambaysta ah. 

Ciyaarta Hore waxa isku haleelay xulalka gobollada Saaxil iyo Daadmadheedh oo ciyaar cajiib ahi maanta dhexmartay, waxaanay ciyaartu ku soo gebo-gabowday barbar-dhac ay ciyaartoyga labada gobol kala keensadeen 2-2 gool.

Kulanka labaad ayaa dhexmartay xulalka gobollada Xaysimo iyo Sanaag, waxaanay guushu raacday xulka gobolka Xaysimo oo keensaday 3 gool halka xulka Sanaag ka keensadeen 2 gool.

Xulka gobolka Sanaag ayaa hore uga soo badiyey xulka Saaxil, halka xulka Daadmadheedh hore uga soo badiyey xulka Xaysimo, waxaana group-ka hoggaaminaya xulka gobolka Daadmadheedh oo 4 dhibcood leh, halka xulalka Sanaag iyo Xaysimo leeyihiin min 3 dhibcood. Xulka Saaxil ayaa ilaa immika leh 1 dhibic oo ay ka keensadeen barbarraha ay maanta la galeen xulka Daadmadheedh.

blank
Kulamada Jimcaha ee Afarta Xul

Kulanka dambe ee Group B, ayaa qabsoomi doona maalinta Jimcaha oo bishu ku beegan tahay 6-da November. Saaxil ayaa la ciyaari doonta Xaysimo, halka Daadmadheedh iyo Sanaag ay foodda isdari doonaan.

Shaxda kala sarreynta Dhibcaha Xulalka ee Group B

blank

 

Kulamada maanta Berri qabsoomi doona waxa isku haleeli doona Xulalka Gobollada SALAL vs AWDAL oo kuwada jira Group C iyo Xulalka gobollada Togdheer iyo Gabiley oo ka wada-tirsan Group D.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories