HomeNatiijadda Imtixaanka iyo Mustaqbalka Ardayda Qallinkii Weriye: Khadar jaamac Dirir

Natiijadda Imtixaanka iyo Mustaqbalka Ardayda Qallinkii Weriye: Khadar jaamac Dirir

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Waxaa maalintii shalay si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaanbaa dalka Imtixaankii shahaadiga ah ee fasaladda 8-aad ee dugsiyadda dhexe iyo afraad ee dugsiyadda sarre.

Imtixaankan oo sannadkan ay u fadhiisanayaan guud ahaan dalka 17531 arday (toban iyo todoba shan boqol sodon iyo kow), dugsiyada sare waxa ka baxaya 5846 arday (shan kun sided boqol afartan iyo lix), 4169 (afar kun boqol lixdan iyo sagaal) waa wiilal, 1695 (kun lix boqol sagaashan iyos shan) waa hablo.Dugsiyada dhexena waxa ka qaybagalaya 11667 (tabaniyo kaw, lix boqol lixdan iyo todoba), 4086 waa hablo.

Imtixaanka ayaa noqonay mid aad uga badan imtixaanadkii hore oo ardayda ka qaybgalaysa ay aad uga badan tahay kuwii hore, laakiin ardayda intaas le’eeg ee u fadhisanaysa imtixaanka shaahadiga ah ayaa laga yaaba meelaha ay shaqo ha dhow ka heli karaan. Taasoo ardaydii ka horreysay ay weli la’yihiin shaqooyin ay fooda la galaan.

Haddaba xukuumadda Siilaanyo oo markii ay loolanka ugu jirtay doorashooyinka madaxtinimadda ee aqalka madaxtooyadda dhalinyaradda ku beerlaxawsan jirtay waxaanu abuuraynaa shaqooyin ayaan taa ka dhab-sheegin iyadoo ay ku mashquushay waxyaabo kale oo aan dhalinyaradda dhiiri-gelinin oo aad arkayso dhalinyaradda oo leh isbedelkii waxba muu soo kordhin oo qofkastaba xiddigaha kor u tirinayo. Iyadoo waliba aad looga sii niyadd jabay hadalkii komishanka doorashooyinka ee ahaa xeerka No 20 ee uu celiyey golaha wakiiladda in wax laga bedelo qaabkaasi oo ay markii hore soo dhaweeyeen dhalinyaraddu oo u ogolaanayey inay ka qaybgali karaan doorashadda dalka, waxaan aad uga yaabanahay dhalinyaradda inta le’eeg ee imtixaanka u fadhiisanaysa halka shaqo looga heli karo. Maadaama oo ay wali meel walba tuman yihiin dhalinyaraddii ka soo baxday jaamacaddaha dalka oo aan meela uga dhaqaanin inay cilmigoodii ku anfacan dalkooda hooyo oo ay in badan ugu soo jireen sidii ay mustaqbalka u noqon lahayeen kuwo isbedel ku keena dalka.

Sidaa darteed, waxa fiican in dhalinyaradu noqdaan kuwa u fikira qaabkii ay umaddooda iyo iyagu wax u noqon karaan, isla markaana noqdaan kuwa ka dooda ama u fikira mabaadi, balse aan ku meereeraysan waxyaalo aan u dan ahayn oo wakhti badan kaga lumayo, waxaana loo baahan yahay dhalinyaro hiigsi iyo himilo fog inay yeeshaan maadaam ay mustaqbalka meel un kagali doonan, kuwaas umaddooda aragtidda laga qabi karo wax ka bedeli kara, waayo haddii la qiimeeyo oo la arko inay dhalinyaradooddu u fkirayaan qaabkii lagu qiimeyn jiray wadamadda dib u dhaca ku yimi, waxay inagu noqonaysaa dadnimo la’aan, dhalinyaro ka fog inaad noqoto qof inta badan ka hadla ama noqda mid u fikira nolol ka fiican noloshan uu ku jirto oo alle talo saaro oo ilaali qiimaha ay leedahay dawladnimo waayo bari ayaad noqon doonta mustaqbalka dalka insha Alle.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories