HomeNatiijada Tartan loo galay 10 Mashruuc oo Xukuumaddu ka hirgelinayso Gobollada Dalka

Natiijada Tartan loo galay 10 Mashruuc oo Xukuumaddu ka hirgelinayso Gobollada Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta shaaciyey shirkadaha ku guulaystay fulinta Toban Mashruuc oo xukuumaddu ka hirgelinayso dalka.

Guddiga Qandaraasyada Qaranka, ayaa hore u daah-furay tartanka loo galay Qandaraasyada 10-ka Mashruuc oo 132 shirkado muwaadiniin ahi ka qayb-galeen.

Mashaariicda xukuumaddu ka hirgelinayso gobollada dalka qaarkood, ayaa kala ah Dhismaha Deyrka Xafiiska Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee degmada Balligubadle, Dhismaha Xarun Caafimaad oo laga hirgelinayo Degmada Gar-adag, Doonyo iyo Laashash loo doonayo dowladda, Dhismaha Deyrka Xarunta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga ee Burco, Dhismaha Xarunta Hawl-gabka Shaqaalaha Dowladda iyo Mashaariic kale.

blankKulan maanta ku qabsoomay Xarunta Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo lagu shaaciyey natiijada Tartanka loo galay 10-ka Mashruuc, waxa goob-joog ka ahaa xubnaha Guddiga Qandaraasyada, Agaasimaha Fulinta Guddiga, Shirkadaha tartanka ka qayb-galay iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ugu horeyn ka hadlay kulanka, ayaa xaadiriyey magacyada Mashaariicda loo tartamay, tirada shirkadaha ku tartamay iyo shirkadaha ku guulaystay fulintooda.

Muuqaalka Hoose kaga bogo Hadallada ay kulanka ka jeediyeen Masuuliyiinta Guddiga Qandaraasyada Qaranka iyo Shirkadaha ku tartamay mashaariicda.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories