HomeNatiijada Somaliland uga soo baxday Shirkii London oo Caawa lagu soo bandhigay...

Natiijada Somaliland uga soo baxday Shirkii London oo Caawa lagu soo bandhigay Munaasibad ballaadhan oo loo dhan yahay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 16 March, 2012 (SLpost)- Munaasibad balaadhan oo lagu soo bandhigayay Natiijadii ka soo baxday Shirkii ka qabsoomay Magaalada London ee  Cariga Ingiriiska 23-kii  bishii hore  ee lagaga hadlayay Xaalada dalka aynu deriska nahay ee Somalia ayaa Caawa lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Caasimada Hargaysa.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ayaa ujeedadiisu la xidhiidhay  Guulaha Somaliland ay kala soo hoyatay Shirkii London oo ay ugu miisaan cuslayd in markii u horaysay uu caalamku isla qaatay in Somaliland iyo Somalia ay mustaqbalka ka wada hadlaan Nooca Xidhiidhkoodu isla markaana ay guul siyaasadeed ahayd in Labada dhinac ee Somaliland iyo Somalia uu wixii wada hadal ahi dhexmari doono iyo in Caalamku taageero wada hadalkaas,iyadoo aynu kala nahay laba dawladood.

Munaasibadan waxaa ka qayb galay Madaxda Sadexda Gole Qaran, Xisbiyada,Ururada Siyaasada,Ururada Bulshada,Aqoon yahano iyo marti sharaf kale oo aad u badan .

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr.Maxamed C.laahi Cumar ayaa hadal dheer oo uu madashaaasi ka jeediyay waxa uu kaga warbixiyay Horumarinta Siyaasada Arrimaha Dibada taas oo ka hor tagaysa arrimaha dhibaatada ku ah Qaranimada  Somaliland waxaanu wasiirku xusay inay fal gal aad u wanaagsan  la yeesheen caalamka una muujiyeen waxa ay Somaliland qabsatay mudadii ay madax banaanideeeda haysatay gaar ahaan dhinacyada nabadgalyada, dhismaha Haykalka dawladeed, iyo hanaanka dimuquraadiyadeed ee ay hirgalisay iyadoon wax taageero ah ka helin adduunka intiisa kale.

Wasiirku arrimaha dibadu waxa uu iftiimiyay in shirkan ka ku xiga waxa laga yeelayo ay talo qaran ka yeelan doonaan si ay u soo baxdo ayuu yidhi fikir lagu midaysan yahay oo wax weyn ka tara talaabada ku xigta shirkii London waxa uu  Dr Maxamed C,laahi Cumar soo dhaweeyay War Murtiyeedkii laga soo saaray shirkaas iyo ansixintii ay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ku aqbaleen go’aamadii shirkaas .

Geesta kale waxaa Munaasibadaas hadalo ka soo jeediyay Madaxda Xisbiyadda Qaranka ee Shirka London ku wehelinayay Weftigii uu hogaaminayay Madaxweynaha JSL oo cadeeyay in shirkaasi uu kor u qaaday maqaamkii ay Somaliland ku dhex lahayd adduunka intiisa kale iyagoo sheegay in Somaliland la siiyay hab maamuus u gaar ah si aanay ugu dhex milmin dhinacyadii ka socday dalka Somalia isla  markaana uu Madaxweynaha Somaliland uu madashii shirkaas oo ay isugu yimaadeen 54 dawladood uu ka jeediyay Khudbad taariikhi ah oo ka turjumaysa in masiirka iyo madax banaanida Somaliland ay tahay wax aan gorgortan geli Karin.

somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories