HomeNatiijada socdaal dhowr todobaad qaatay oo Guddoomiye Cirro ku maray Waddamo reer...

Natiijada socdaal dhowr todobaad qaatay oo Guddoomiye Cirro ku maray Waddamo reer Galbeed ah iyo soo-dhaweyntii maanta + SAWIRRO

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayey guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo muddooyinkii dambe socdaalo qaran ugu maqnaa dalalka Mareykanka iyo Kanada, ayaa maanta si ballaadhan looggu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa.

13Waxaana weftigan uu hoggaaminaayo guddoomiye Cirro ee dalka dib ugu soo laabtay si weyn uga qeyb-qaatay soo dhaweyntooda guddoomiye ku xigeenka xisbiga WADDANI Md.Axmed Muumin Seed, hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, taageerayaasha xisbiga WADDANI iyo sida oo kale shacbi weyne aad u tira badan, lu laayey caleemo qoyan, calanka astaanta u ah qaranka Somaliland iyo calanka liimiga ah ee xisbiga WADDANI, sida oo kalena ku dhawaaqayey erayo ay ku muujinaayeen sida ay u la dhacsan yihiin guulahii diblomaasiyaddeed ee guddoomiye Cirro iyo weftigiisu ay ka soo hooyeen dalalka Mareykanka iyo Kanada iyo weliba sida oo kale sida suuban ee ay dib ugu soo unkeen una nooleeyeen siyaasaddii arrimaha dibadda iyo xidhiidho wax ku ool ah oo dhex mara Somaliland iyo sida oo kale dalalka Mareykanka iyo Kanada.

11Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigiisa oo ugu horreyn laga soo galbiyey gudaha Madaarka Hargeysa, ayaa warbaahinta kula hadlay barxadda hore ee afaafka Madaarka Hargeysa, waxaana uu guddoomiye Cirro si weyn uu uga mahad-celiyey siddii diiranayd ee ay soo dhaweeyeen shacabka Somaliland iyo weliba guud ahaan taageeryaasha iyo mas’uuliyiinta xisbiga WADDANI, waxaana uu tilmaamay in safarkii ay dalka dibaddiisa ugu maqnaayeen uu ahaa mid qaran isla mar ahaantaana ay soo qabteen hawlo khuseeya qaranka Somaliland.

“Dhammaan shacbiga reer Somaliland ee maanta halkan(Madaarka Hargeysa), nagu soo dhaweeyey ee isagu jira mas’uuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiga WADDANI  aad ayey u mahadsan yihiin, waxaana aan uga mahadnaqeynaa soo dhaweynta diiran ee ay na soo dhaweeyeen, waxaana aan lee nahay mar kale aad ayaad u mahadsan tihiin. Illaahay ayaana aanu ugu mahadnaqeynaa in aanu dalka si nabad-galyo ah ugu soo noqonay.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Cirro

15Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyey u jeedka socdaalkoodii dibadda iyo waxyaabahii u soo qabsoomay muddadii ay socdaalka qaran ku maraayeen dalalka Mareykanka iyo Kanada.

“Waxa aanu ku maqneyn safar illaa muddo bil ah qaatay, oo runtii ahaa safar shaqo qarana, waxaanu tagnay dalalka Mareykanka iyo Kanada, waxaana aanu dawladda Mareykanka kala kulanay wasaaraddeeda arrimaha dibadda, Kongeraska iyo Senatka labadaba, waxa kale oo aanu la kulanay mas’uuliyiin iyo diblomaasiyiin ba, ana oo kulano la qaadanay mas’uuliyiinta goballada(State’s) aanu maraynay, haday yihiin Kongaras iyo haddii ay Senatkooda yihiin ba. Sida oo kale isna dalka Keneda waxa aanu la kulanay Mas’uuliyiinta iyo Senatka. Intaa waxa noo weheliyey in aanu iyagana la kulmay guud ahaan jaaliyadaha reer Somaliland dhammaantood magaalooyinkii aanu tagnay, waxa kale oo aanu la kulmaynay madaxda Xisbiga iyo Laamahooda, ana oo shacabka reer Somaliland-na xuskii sannad guurada 25aad ee 18ka May, aanu kala qeyb-galnay shacabka reer Kanada ee ku dhaqan magaalada Toranto, waxaana aanu shacabka Somaliland ku hambalyeynaynaa maalinta qaranka, ciid wanaagsan ayaanu lee nahay.”Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories