HomeNatiijada Shirar Hargeysa ku dhexmaray Wasaaradda Maalgeshiga Somaliland iyo Wufuud ka Socda...

Natiijada Shirar Hargeysa ku dhexmaray Wasaaradda Maalgeshiga Somaliland iyo Wufuud ka Socda Caalamka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Wershadaha ee Somaliland, Maxamed Cismaan Siciid, ayaa maanta kulamo kala duwan la qaatay wufuud kala duwan ka kala socday dalka Sweden iyo hay’adda caalamiga ah ee IFC oo hoos timaadda Baanka Adduunka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maalgeshiga oo uu waheliyo Agaasime-waaxeedka Cilmi-baadhista ee wasaaradda, waxa uu xafiiskiisa maanta ku qaabilay Saraakiil sare-sare oo ka socda hay’adda Swedfund oo Dowlada Sweden u qaabilsan maalgalinta dalalka soo koraya, sida lagu sheegay war kooban oo ka baxay wasaaradda.

Warku waxa uu intaas ku daray in kulanka ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka socday shirkadda Shuraako oo fududaysa arrimaha maalgashi iyo helitaanka Maaliyadeed ee maalgelinta ganacsiga muwaadiniiinta.

“Arrimaha lagu gorfeeyay kulankan waxaa ka mid ah sidii kor loogu qaadi lahaa helitaanka maaliyadeed ee muwaadiniinta, fursadaha maalgashi ee dalka iyo waliba sidii cilmi-baadhis loogu sameeyn lahaa fursadahaas,” sidaas ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay wasaaradda Maalgeshiga.

blankDhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maalgeshiga Somaliland waxa uu isla maanta kulan kula qaatay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa wefti ka socda Hay’adda caalamiga ah ee IFC (International Finance Corporation) oo ah waax ka tirsan Bangiga Adduunka oo qaabilsan maaliyadda ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Sida lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay wasaaradda Maalgeshiga iyo wershadaha ee Somaliland, Ujeeddada kulanka ayaa ahayd bilowga xidhiidh wada-shaqayneed oo wasaaradda la yeelato hay’adda IFC.

blank“Waxa la isla gartay in si wada jir ah loo dadaalo loona diyaariyo jewi ku haboon maalgashiga mustaqbalka ee Somaliland sida samaynta xeerar ku haboon maalgashiga, waxaanu shirku ku soo dhamaaday guul iyo is-afgarad,” sidaas ayaa lagu sheegay war kooban oo wasaaraddu ka soo saartay kulanka dhexmaray weftiga ka socday hay’adda Caalamiga ah ee IFC.

blankKulammadan wasaaraddu maanta la yeelatay labada wefti, ayaa qayb ka ah dedaallada wasaaraddu ugu jirto kor u qaadista fursado maalgeshi oo Somaliland ka hesho caalamka iyo sidii xukuumaddu u hirgelin lahayd siyaasad qeexan iyo xeerarka Maalgeshiga dalka oo suurta-gelinaya in maalgeshadayaashu ku soo dhiirradaan dalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories