HomeNatiijada Kulan Qarsoodi ah oo Nairobi ku Dhexmaray Wufuud ka socota Somaliland...

Natiijada Kulan Qarsoodi ah oo Nairobi ku Dhexmaray Wufuud ka socota Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland ee Somalia

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Somalilandpost NewsNairobi (SLpost)- Dawladda Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland ee Somalia, ayaa magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya Iskula Qaatay Heshiis Iskaashi oo dhanka Ammaanka ah, si loola dagaalamo argagixisada, budhcad-badeedda iyo fal-dambeedyada la soo maleego.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac, balse sida ay tibaaxayaan warar u dhuun-daloola kulankaas, saraakiil ka kala socota Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland ee Somalia, ayaa todobaadkan kulamo gaar ah ku yeeshay magaalada Nairobi. Masuuliyiinta Somaliland ee kulanka ka qayb-galay waxa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya. Halka Maamul-goboleedka Puntland ay goob-joog uga ahaayeen Wasiirka Amniga iyo xubno ka socday sirdoonka maamulkaas.

Shirka labada dhinac oo ay suurto-galiyeen dibloomaasiyiinta dallaka Ingiriiska, Sweden iyo Maraykanka ee Nairobi, ayaa nuxurkiisu ahaa sidii ay labada dhinac uga wada-hadli lahaayeen iskaashi ay ka yeeshaan la-dagaalanka Argagixisada, gaar ahaan ururka Al-Shabaab.

Sida ay tibaaxayaan wararka laga helayo shakhsiyaad ku sugan Nairobi, qodobbada kulankaas lagaga wada-hadley waxa ka mid ahaa in lays-waydaarsado xogaha ku saabsan argagixisada, budhcad-badeedka iyo Dadka dambiyada geysta ee xuduudka isaga gudba.

Waxa kale oo labada dhinaca isla qaateen inay si firfircoon isu dhaafssadaan xogaha ku saabsan wakiillada Kooxda Al-Shabaab ee ka hawl-gala Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland. Sidoo kale, waxa kale oo lagu heshiiyey in sirdoonka labada dhinacba ay si wada-jir ah su’aalo u weydiin karaan shakhsiyaadka loogu shakiyo inay ka tirsan yihiin Kooxda Al-Shabaab.

Kulanka qarsoodi ah ee dhex-maray labada dhinac oo aan si rasmi ah debedda ugu soo shaac bixin, ayaa haddana lagu sheegay in natiijada heshiiska labada dhinac uu caqabad ku noqon karo hawl-gallada kooxda Al-Shabaab ee Mandaqadda.

Sida La ogyahay, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland Md Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa bishan  horaanteedii socdaal ugu ambo-baxay dalka Kenya isaga oo aan wakhtigaas tafaasiil ka bixin ujeeddada socdaalkiisa.

Md Duur oo dalka ka amba-baxay maalintii weftiga madaxweyne Siilaanyo dalka Turkiga ka soo laabtay, ayaa magaalada Hargeysa ka raacay diyaaraddii sidday Weftiga Madaxweynaha.

SOMALILANDPOST.NET

COURTESY: allafrica

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories