HomeNatiijada kulan noociisu ugub ku yahey Awdal oo dhexmarey wasiirka Boosaha iyo...

Natiijada kulan noociisu ugub ku yahey Awdal oo dhexmarey wasiirka Boosaha iyo Madaxdhaqmeedka gobolka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Boorama (SLpost)- Wasiirka Wasaarda Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Maxamed Jaamac Abgaal ayaa maanta kulan balaadhan la yeeshay odayaasha dhaqanka ee gobolka Awdal, kulankan oo ahaa kii u horeeyay ee noociisa ah ee Wasiir ka soo jeeda Gobolka Awdal uu la yeesho odayaasha dhaqanka isaga oo kaligii ah ayaa waxa lagaga wada hadlay amuuro dhawr ah oo ay ka mid yihiin iskaashiga iyo hormarka gobolka Awdal, waxana goob joog ka ahaa Badhasaab ku xigeenka Awdal Cabdi Nuur Sugaal iyo Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xadi.

Wasiir Maxamed Jaamac Abgaal oo la hadlay odayaasha ayaa waxa uu carabka ku dhuftay sida uu u arko xilka loo magacaabay waxana uu yidhi “Xilka la ii magacaabay waa mid ka yimid dhinaca beesha aan ka soo jeedo waxaan dareensan nahay inaan u taagan nahay danahooda, waxana aan balan qaadayaa inaan fursad idiin siiyo wax walba oo tabasho ah oo aad barigii hore saxaafad marin jirteen in laga baxo oo aan afkiina iyo Madaxwaynaha isku dhaweeyo.”

Wasiir Abgaal waxa kale oo uu sheegay in xukuumadu ay dhinacyo badan dadaal ka hasyo waxana uu si gaar ah u xusay arinta xiisada Xariirad, waxana uu yidhi “Waxa aan idiin sheegayaa in xukuumada ay ka go’an tahay in SHUWAAL marka uu dhamaado la soo afjaro arinta yar ee ka aloosan Xariirad, waxana aan idinka codsanayaa inaad la shaqaysaan xukuumada.

Wasiir-Abgaal

Wasiir Abgaal, waxa kale oo uu ka jawaabay halka uu kala taagan yahay mawqifkiisii hore iyo kan maanta ee xukuumada waxana uu yidhi ” waxa aan aaminsanahay in hore waa markii aan banaanka taagnaaye aan ka hadli jiray danaha gobolka, sidaasi oo kalena maanta oo xil i saaran yahay aan u taaganahay inaan ka hadlo danahii gobolka”.
Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ka hadlay halkaasi ayaa Wasiirka ku amaanay inuu qaaday talaabo dhiiran oo ku aadan inuu odayaasha dhaqanka la shiro, waxana uu yidhi “Waa wasiirkii u horeeyay ee gobolka ka soo jeeda ee nala shira isaga oo Boorama yimid, waanan ku amaanaynaa, mida kale waxa aan u sheegaynaa wasiirka in derejooyinka ciidanka ee la bixiyay ay ku dhex jiraan tabashooyin badan, waxna xukuumada anaga oo ku boorinayna hawsha ay qabatay aan leenahay hoos ha loo eego khaladaadka yaryar ee jira.

Sidan oo kale ayaa isaguna waxa qabay Sul. Saleebaan Cali Ismaaciil, waxana isaga oo si adag u hadalaya uu yidhi “Waxa aan maqlayno ee la leeyahay derajooyin ayaa la bixiyay wax aan qaadan karno ma aha, waxana aan sheegaynaa in aanaan fiirsan karin inamadayadaii oo suuqa is jiijiidanaya oo godob la kala dhex dhigay, waxa aan leenahay Wasiir, waxa aad madaxwaynaha u sheegtaa in aanaan ku qanacsanayn sida wax loo qaybiyay oo loo baahan yahay in lagu noqdo.

Sul. Abiibakar Cilmi Wabar oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu soo dhaweeyay kulanka uu wasiir Abgaal la yeeshay waxana isaga oo la hadlay wasiirada kale ee gobolka ka soo jeeda uu yidhi “Wada dhaliili mayno wasiirada kale ee gobolka ka soo jeeda, waxanse leenahay oo aan aad ugu boorinaynaa in talaabadaas haboon ee la bilaabay ay halkaasi ka sii amba qaadaan.

Sul. Ibraahim Dacar , Sul. Abshir Muxumed iyo Caaqil Guray oo ka hadlay halkaasi ayaa iyaguna soo dhaweeyay talaabadan uu qaaday Wasiirka Boosaha oo ay ku tilmaameen inay tahay mid taariikhda gashay.

Somalilandpost.net

Boorama

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories