HomeMadaxweyne Siilaanyo oo maayarrada Caasimadaha ku booriyey Sii Adkeynta Nabad-gelyada Dalka

Madaxweyne Siilaanyo oo maayarrada Caasimadaha ku booriyey Sii Adkeynta Nabad-gelyada Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[H]argeysa (SLpost)- Madaxweynaha Axmed-Siilaanyo ayaa maanta Xafiiskiisa kulan xog-waraysi ah oo ku saabsan nabad-gelyada dalka kala yeeshay maayarrada Caasimadaha Derajadoodu tahay A, waxaanay maayarradu madaxweynaha uga war-bixiyeen hawlaha qaran ee ay bulshada u hayaan iyaga oo madaxweynaha uga mahad-celiyey taageerada uu ku kabo hawlahooda.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynaha ayaa lagu sheegay in kulankan maayarradu dabo-socdo kulan uu madaxweynuhu hore ula yeeshay guddoomiyeyaasha gobollada.

blankWarsaxaafadeedkaas oo dhammeystiran ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta xafiiskiisa  ku qaabilay 7-da Maayer ee Magaalooyinka ay darajadoodu tahay A-da.

Kulankan oo daba socday kulan u Madaxweynuhu hore ula yeeshay Badhasaabada Dalka 05/06/2012.

waxa uu Madaxweynuhu maayerada ka dhegaystay warbixin la xidhiidha hawlaha ay qaranka u hayaan iyo xidhiidhka wada shaqaynayd ee Hay’adaha Dawladda.

blankWarbixintaa dheer waxay Maayiradu kaga warameen wax-qabadkooda labadii sanno ee ugu dambeeyey oo ay sheegeen inuu aad iyo aad uga badan yahay Sannadihii ka horeeyey waxaanay taa ku amaaneen Xukuumada Cusub ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay sheegeen in ay ka helaan Gacan qabasho u suurto gelisay dedaalka ay sameeyeen.

Maayeradu waxay soo jeediyeen talooyin badan oo wax ku ool ah gaar ahaana khuseeya dhinaca nabad-gelyada iyo cadaalada.

blankGebegabadii Warbixintaa ka dib Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa maayerada uga mahad-celiyey talooyinka ay soo jeediyeen iyo wax-qabadkoodaba.

Waxaanu kula dardaarmay inay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda isla markaana ay indho gaara ku hayaan nabad-gelyada iyo cadaalada oo uu sheegay inay yihiin Aas-aaska Nolosha iyo Dawladnimadaba.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories