HomeNatiijada Kulan lagu Naaqishay Shirar dhexmaray Guddiyo heer Qaran ah oo...

Natiijada Kulan lagu Naaqishay Shirar dhexmaray Guddiyo heer Qaran ah oo Somaliland iyo Itoobiya Metelaya

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Gudi heer Qaran ah oo Xukuumada Somaliland u xil saartay sii Xoojinta Xidhiidhka labada Wadan ee Somaliland iyo Ethiopia ayaa maanta kulan ku yeeshay Xarunta Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland .

Ujeeddada Kulankan ayaa salka ku hayay sidii faahfaahin looga bixin lahaa Shir laba Geesood ah oo ku dhex maray Magaalada Diridhaba Wefti ka socda Somaliland oo uu hogaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Dibada Faysal Cali Sheekh kana koobnaa Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Ganacsiga, Maaliyada,Hawlaha Guud,Duulista iyo Hawada,Agaasimaha Baanka Dhexe,Maareeye ku xigeenka Dekeda Berbera, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Amaanka,Labada Safiir ee Labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia iyo Xubno kale,iyadoo uu kulankaasi qaatay Mudo laba Cisho ah.

blankWasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo markii uu dhamaaday kulankani warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii laga wada hadlayay waxa uu wasiirku sheegay inay Gudi heer Qaran ah Xukuumadu u xilsaartay  sii xoojinta xidhiidhka labada wadan waxa uu Wasiirku tilmaamay in dawlad ahaan ay soo dhawaynayaan kulamada labada dhinac u qabsoomay oo uu ku sheegay inay yihiin kuwo bar bilow ah isla markaana ay dib ugu cusboonaysiinayaan heshiisyadii hore u dhex maray Somaliland iyo Ethiopia sida dhaqaalaha, Nabadgalyda, Dekadaha, Dalxiiska, Kastamada, Gaadiidka, Duulimaadyada iyo Iskaashiga dhinacyo badan leh ee u dhexeeyay labada Wadan,waxaanu intaas ku daray inay hada u qorshaysan tahay shirar kale oo lagu sii ambo qaadayo midhihii ka soo baxay kulankii diridhaba ku dhex maray labada wadan .

“Waxa saaka kulankoodii ugu horeeyay Wasaaradda arrimaha dibadda ku yeeshay Guddi heer qaran ah oo ka kooban Ha’yadaha Qaranka ka soo laabtay magaalada Diridhaba oo ay kula shireen dhiggooda Dalka Itoobiya kaas oo lagaga wada-hadlayey iskaashi iyo wax wada-qabsi lafilaayo in labada dal dhawaan dhexmaro oo heshiiskaas marka uu hirgal, waxa uu noqon donaa heshiis taarikhiya oo dhinacyo badan ka hadlaya hadday tahay xagga ganacsiga, hadday tahay Kastamada, Dakadaha iyo xagga nabad-galyada,”ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada arrimaha Dibadda Somaliland Dr.Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa uu xusay in marka ay soo dhamaadaan Kulamadani ay isu diyaarin doonaan heshiis buuxa  oo dhex mara labada Wadan isla markaana taariikhda baal dahab ah ka gala.

Waa markii u horaysay ee kulan noocan oo kale ahi uu dhex maro Somaliland iyo Ethiopia.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories