HomeNatiijada Kulan lagu gorfeeyey Eray-bixin loo Adeegsanayo Aafada Musuq-maasuqa iyo Dabar-goyntiisa

Natiijada Kulan lagu gorfeeyey Eray-bixin loo Adeegsanayo Aafada Musuq-maasuqa iyo Dabar-goyntiisa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankHargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha hay’ada Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq maasuqa ayaa maanta soo gebo gebeeyay kulan hawleed ay ka qayb qaadanayeen lixdan Xubnood oo lagaga hadlayay la dagaalanka Musuq maasuqa iyo Curinta Fariimaha .

Xubnaha ka qayb qaadanayay Kulan hawleedkan ayaa ka kala socday hay’adaha dawlada qaarkood, ururada bulshada, Saxaafada iyo qaar ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland.

Guddoomiyaha Komishanka Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq maasuqa Md Axmed Muxumed Madar oo madashaasi ka hadlay, ayaa ujeeddada ay kulan hawleedkan u soo qaban qaabiyeen ku sheegay mid la xidhiidha sidii la isula meel dhigi lahaa isla markaana loo curin lahaa erey bixinta loo adeegsanayo wacyigelinta iyo la-dagaalanka Musuqmaasuqa, isagoo tilmaamay ahmiyada ay leedahay in la toosiyo Maamulka.

Axmed Muxumed Madar waxa uu intaas ku daray inay tahay waajib ina wada saaran sidii jiilka soo kacaya loogu jeexi lahaa hab ku salaysan maamul hagaagsan oo ka madhan musuqmaasuq isla markaana leh barnaamij siyaasadeed oo cad.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Dibada Faysal Cali Sheekh oo ka qayb galayaasha afkooda ku hadlayay, ayaa tilmaamay in Musuq maasuqu yahay aafo bulshada ku dhex jirta,waxaanu sheegay in Komiishanka Maamul waaagu ay hawshiisu tahay mid bilow ah,balse ay ka rajaynayaan sida uu yidhi inuu awood adag yeesho .

Faysal Cali Sheekh waxaa kale oo uu sheegay inay waajib tahay sidii shacabka loogu gudbin lahaa farriin cad oo ku aadan dhibaatada uu Musuq maasuqu leeyahay iyo inuu cudur ku yahay dhismaha wadan jira,oo uu hoos u dhigo horumarkiisa.

Gudoomiye ku xigeenka Komiishanka Maamul wanaaga oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ururiyeen afkaarihii laga soo jeediyay kulan hawleedkan, waxaanu xusay inay ka qayb galayaashii kulankani ay soo bandhigeen talooyin dhaxal gal ah oo lagu camal fali karo.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay agaasimaha Guud ee Komiishanka Maamul wanaaga   iyo xubno kale oo dhamaantoodba caddeeyay ahmiyada uu kulankani lahaa.

SOMALILANDPOST.NET

Hargeysa, Somaliland

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories