HomeNatiijada Kulan Dhexmaray Xubnaha Cusub ee Komishanka Doorashooyinka iyo Guddiga Arrimaha Gudaha...

Natiijada Kulan Dhexmaray Xubnaha Cusub ee Komishanka Doorashooyinka iyo Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiillada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddida Arrimaha Gudaha iyo Nabadgelyadda ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shaaciyey inay ku qanceen in xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka buuxin karaan xilka loo soo xulay kadib kulan ay maanta kula yeesheen xafiiska guddiga ee Aqalka Wakiillada.

Kulankan oo aan warbaahinta loo ogolaan inay goob-joog ka noqoto, ayaa Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiilladu xog-warran la xidhiidha waayo-aragnimadooda shaqo kaga dhagaysteen toddobada xubnood ee Komishanka cusub, iyaga oo mid mid u qiimeeyey taariikhdooda waxbarasho.

KulankaGuddoomiyaha Guddida Arrimaha Gudaha iyo Nabadgelyadda ee Golaha Wakiillada Md. Ibraahim Jaamac Rayte oo markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in guddigoodu ku qanacday xubnaha cusubi ay buuxin karaan shaqada Komishanka Doorashooyinka.

“Sidaad ka war qabtaan cidda ay tahay inay kala reebto, baadho, dabagasho, xaqiijiso oo kala shaandhayso waraaqahooda iyo macluumaadka ay xambaarsan yihiin xubnaha cusub ee Komishanku waa Guddida Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiillada,” sidaa ayuu yidhi Md Ibraahim Jaamac.

Isaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Annaga xilkayagu waxa uu ku eegyahay in aannu hubinno xubnahani inay u qalmaan sida sharcigu tilmaamayo inay ka mid noqdaan Guddiga Doorashooyinka, waanuna isla ogolaanay guddi ahaan inay u qalmaan ama buuxin karaan xilka Komishanka Doorashooyinka.”

KomishnkaMaalinta Sabtida ee bilowga todobaadka dambe oo qorshuhu ahaa in mudanayaasha Golahaasi yeeshaan fadhi aan caadi ahayn oo muddo laba maalmood ah ku eg si loo ansixiyo Guddiga Doorashooyinka, ayaa ku beegmay maalin fasax laga yahay hawlaha hay’adaha dawladda, iyada oo uu curanayo sannadka cusub ee Islaamka ee 1435-ka.

Sidaa Awgeed, Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha Md Rayte oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey xilliga goluhu ansixinayo xubnaha Komishanka Doorashooyinka, ayaa iftiimiyey is-maandhaaf mudaneyaasha ka dhexeeya oo ku wejahan ansixinta Guddiga Doorashooyinka.

“Sabtida ayaa la isugu yeedhay golaha si loo ansixiyo Komishanka, laakiin waxaan maqlayay xildhibaanno badan oo diiddan arrintaas, sababtoo ah waxay diiddan yihiin in Komishanka la ansixiyo, waxaanay u diiddanyihiin in diiwaangelinta iyo doorashadu dib-u-dhacdo, laakiin waxaan filayaa in aanay taasi u suurtogalayn, Komishanka waa la ansixinayaa oo hawshooda ayey bilaabayaan,” ayuu yidhi Xildhibaan Reyte oo ka tirsan Xildhibaannada Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ugu jira Golaha Wakiillada.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories