HomeNatiijada Kulan dhexmaray Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland iyo Guddiga Arrimaha Afrika...

Natiijada Kulan dhexmaray Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland iyo Guddiga Arrimaha Afrika ee Baarlamanka Ingiriiska (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, DR. Maxamed Cabdillahi Cumar, oo uu weheliyo Safiirka Somaliland ee dalka Ingiriiska, Mudane Cali Aadan Cawaale, ayaa shalay kulan xog-warran ah kula yeeshay mudanayaasha Guddiga Arrimaha Afrika ee Baarlamaanka Ingiriiska xarunta Baarlamanka ee magaalada London (House of Parliament). Wasiirka oo London soo gaadhay Dorraad ka dib markii uu soo dhamaystay booqosho hawleed oo ku tagay dalka Maraykanka ayaa kulankan oo ka dhacay aqalka baarlamaanka Ingiriiska dhexdiisa la qaatay mudanayaasha baarlamnaanka ee Guddiga Afrika, waxa kaloo goob jog ahaa masuuliin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ee Ingiriiska, xildhibaanada u dhaqadhaqaaqa qaddiayda Somaliland iyo dibloomaasiyiin ka socotay safarradaha reer galbeedka qaarkood ee fadhigoodu yahay dalka Ingiriirska. Arrimaha uu wasiirku shirka uga xog warramay waxa ka mid ahaa:

Xaaladda guud ee Somaliland (siyaasadda, nabadgalayada iyo hurumarka).

Wasiirka wuxu ugu horrayn u sheegay mudaneyaasha inay Somaliland samaysay horumar dhinacyo badan ah, mar uu wasiirku ka hadlayey xaaladda amaanka manadaqadda wuxu aad ugu nuuxnuuxsaday inay Somaliland ku taallo manadaqad colaado ba’ani saameeyeen oo loo baahan yahay inay beesha caalamku gacan ka siiso Somaliland dhinacyo badan si looga hortago dhibaatooyinka budhcad badeedda, arggagixisada iyo abaaro salka ku haya colaadaha sokeeye ee ka aloosan meelo kamid ah gobolka.

blankMar uu wasiirku ka hadlayey Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Somaliland iyo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay beesha caalamka, wasiirku wuxu hoosta ka xarriiqay inay Somaliland ku joogta tubtii ay ku hanan lahayd xaqiijinta himalada shacabkeeda oo ay saldhig u tahay inaanay ka daalin hanashada aqoonsi caalami ah, isagoo xusuusiyey inay Somaliland wax badan kala qaban karto beesha caalamka arrimaha Somalia ee ilaa hadda loo maaro waayey, sababtoo ah buu yidhi wasiirku waa tijaabo annaga hore noo soo martay oo aanu walaalahayo u gudbin karro marka ay munaasib noqoto.

Mucaawimada Somaliland uga baahan tahay dawladda Ingiririska iyo deeq bixiyayaasha kale.

Wasiirka oo ka hadlaya arrintani wuxu beesha caalamka oo ingiriisku hormood ka yahay uga mahad celiyey kaalamada joogtada ah ee ay Somaliland ka siiyaan dhinacyo kala duwan sida adkaynta dimuqraaddiyada iyo arrimaha doorashooyinka, isagoo tilmaamay inay dhowaan dawladda Somaliland ku talo jirto inay qabato doorashooyinka dawladaha hoose, kana filayso saaxiibbadeedda inay si weyn uga gacan qabtaan hawshaa culus. Waxa kale oo uu wasiirku tibaaxay inay Somaliland hawl wacan ka qabatay arrimaha budhcad badeedda gacantana ku hayso tiro badan oo budhcad badeed ah, isagoo sheegay inay dadka reer Somaliland ka midaysan yihiin la dagaallanka budhcad badeedda kana nadiif yihiin.

blank

Wadahadalka Somaliland iyo Somaliya.

Wasiirka oo ka hadlaya wada hadallada Somaliland iyo Somalia ayaa sheegay inay Somaliland dhinaceeda diyaar u tahay inay fuliso qodobkii lixaad ee shirkii London soona xushay xubnihii uga qayb geli lahaa diyaarinta wada hadallada, isla markaana ay sugayaan inay Somalia dhinaceeda soo dhammays tirto.

Kulankii wasaaradda horumarinta caalamka (DIFD)

Waxa kale oo ay galinkii dambe Wasiirka iyo Safirku shir la yeesheen musuuliyiin ka tirsan wasaaradda Horumarinta iyo kaalmada caalamiga ee ingiririska (Department of International Development) halkaas oo uu masuulka Africa u qaybsani faahfaahin ka siiyey kaalmada ay Dawladda ingiriisku u qorshaysay Somaliland oo ah 60% kaalmada ay ugu talo galeen dhulkii laysku odhan jiray Somalia.

SLpost News/Desk

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories