HomeNatiijada Kulan Dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo Wefti uu hoggaaminayo Dibloomaasi u Dhashay...

Natiijada Kulan Dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo Wefti uu hoggaaminayo Dibloomaasi u Dhashay dalka Holland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

IMG_1043Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo weheliyaan xubno ka tirsan Xukuumaddiisa, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka dawlada Holland u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Joust Strangers iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayay oo maanta socdaal ku yimi dalka.

Kulanka dhex maray madaxwaynaha Somaliland iyo weftiga ka socday dalka Holland oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen, ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa saxaafadda uga warramay waxyaabihii laga wada-hadlay Wasiirka Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis iyo Danire Joust Strangers oo si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabtay xarunta madaxtooyada.

Maxamed Biixi Yoonis waxa uu sheegay in shirkaasi ay kaga wadahadleen waxyaabo badan oo ay ka mid ahaayeen sidii ay dawlada Holland wax ula qaban lahayd Somaliland gaar ahaana dhinaca horumarka. “Aniga oo ku hadlaya afka madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaan halkan uga mahad naqayaa Safiirka dawlada Netherlands u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya iyo xubno la socday oo halkan maanta aanu ku shirnay, shirkaasi oo ahaa shir aad iyo aad u wanaagsan, waxyaabo badana waanu kaga wadahadalnay, waxaana ka mid ahaa waxyaabihii aan ka wadahadalnay sidii aanu wax u wada qabsan lahayn dawladda Holland, gaar ahaana xagga mucaawimada iyo horumarka, waxyaabaha ugu badan ee ay hore dawlada Holland inoogu qabatay waxaa ka mid ah labada dhisme ee goleyaasha guurtida iyo wakiilada oo ay ka qayb qaadatay dhismahooda iyo mashaariic kale oo yar-yar,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Debeddu.

IMG_1030Wasiirka Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland waxa kale oo uu sheegay in ay safiirka iyo weftigiisa u soo bandhigeen sidii ay dawlada Holland uga taageeri lahayd Somaliland dhinacyada maalgashiga iyo horumarka isla markaana ay dawladda Holland uga mid noqon lahayd dawladaha dhaqaalaha ku bixiya sanduuqa horumarinta Somaliland.Waxaa kale oo uu wasiir Biixi tilmaamay in ay safiirka iyo weftigiisa ay waydiisteen sidii ay dawladda Netherlands (Holland) deeqo waxbarasho u siin lahayd ardayda Somaliland taasi oo sida uu sheegay ay ka aqbaleen. “Imika waxaanu u soo qaddinay safiirka iyo weftigiisa la socotay sidii aanu wax u wada qabsan lahayn, una wada shaqayn lahayn, waxna noo tari lahayd dawlada Holland, gaar ahaana maalgelinta iyo horumarka sidii ay nooga caawin lahaayeen, kana soo qayb galaan sanduuqa horumarinta Somaliland, waxaanu safiirka waydiisanay deeqo waxbarasho, kuwaasi oo uu noo sheegay in ay na siin doonaan iyo in ay xagga biyaha iyo meelo kaleba wax nagala qabtaan, Wadahadaladiina imika weli way socdaan arrimo noocaasi ah ayaanu ka doodnay, waxaa kale oo aanu ka wadahadalnay sidii aanu u sii xoojin lahayn xidhiidhka iyo is-kaashiga naga dhexeeya,” ayuu yidhi wasiir Biixi.

IMG_1017Dhinaca kale, Danjire Joust Strangers oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay imaatinkiisa Somaliland, isaga oo tilmaamay in kulankaasi uu la qaatay madaxwaynaha Somaliland iyo wasiirka arrimaha dibada ay iskula soo qaadeen arrimo ku saabsan siyaasadda, iskaashiga labada dal u dhexeeya oo la sii xoojiyo iyo sidoo kale dhinaca horumarinta.

IMG_1044Mr. Joust Strangers, waxa kale oo uu sheegay in ay kaga wadahadleen in ay shirkadaha dalka Holland ay maalgashi ka samayn karaan Somaliland. Isaga oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan Somaliland imaaddo, shirkani aanu ku yeelanay xarunta madaxtooyada, madaxweynaha iyo wasiirkiisa arrimaha dibada oo ay xubno kale oo wasiiro ahina goob jog ka ahaayeen, waxaanu ka wadahadalnay arrimo ay ka mid ahaayeen waxyaabo la xidhiidhay siyaasada, iskaashiga dhinaca horumarinta, iyo sida ay ugu fududaanayso ama ay ugu suurto gelasyo in shirkadaha Holland ay maalgashi ka samayn karaan Somaliland.”

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories