HomeNatiijada Kulan Dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo Wefti Miisaan leh oo ka socda...

Natiijada Kulan Dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo Wefti Miisaan leh oo ka socda dalka Turkiga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 29 March, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud iyo xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirrada ayaa caawa kulan kula qaatay Aqalka Madaxtooyada wefti ballaadhan oo ka socda Dalka Turkiga kaas oo uu hor-kacayo Dibloosi sare oo Arrimaha Soomaalida u qaabilsan dalkaas.blank

Warsaxaafadeed ka soo baxay Aqalka madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Daahir ayaa lagu xusay in Weftiga iyo Madaxweynuhu ay ka wada hadleen sidii dalka Turkigu kaalin muhiim ah uga qaybsan lahaa taageero uu ka geysto baahiyaha aasaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Warsaxaafadeedkaas oo dhammeystiran ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu caawa fiid kii hore Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti Balaadhan oo ka Socda Dawladda Turkiga oo uu hogaaminaayo Safiirka Somaliland iyo Somaliya u qaabilsan Dalkaasi, AMBASSADOR Mr. KANI TORUN, Weftigaas oo ka kooban 6 xubnood oo shalay gelinkii danbe Booqasho ku yimid Somaliland.

Weftigan oo noqonaya kii labaad ee ka socda dawlada turkiga ee muddo laba todobaad ku siman gudeheeda Dalka yimaada.

blankWaxa ay madaxweynaha uga warameen ujeedada socdaalkooda oo ay sheegeen inay tahay sii xoojinta xidhiidhka siyaasadeed iyo wax-wada qabsiga labada Waddan, iyaga oo xusay inay booqashadoodani ku xidhiidhsan tahay Booqasahdii ay dhawaan halkan ku yimaadeen Madaxdii Hay’ada TIKA SOMALI PROGRAM COORDINATOR.

Safiirka Dawladda Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Mr. Kani isagoo ka hadlaaya sida ay dawladda turkigu diyaarka ugu tahay inay xoojiso xidhiidhka ay la leedahay Somaliland iyo waxyaabaha ay doonayan inay ka caawiyaan dalka, Waxa uu sheegay in ay dawladiisu doonayso inay Somaliland wax kala qabato oo ay gacan weyn ka geysato dhinacyada wax-barashada, Deeqaha Wax-barashada, Caafimaadka, Biyaha iyo Adeegyada kale ee Aas-aasiga intaba.

Waxa kale oo uu xusay inay dhawan dalka iman doonan Khubaro Turki ah oo qiimayn ku samayn doonta Meelaha u baahan in ay dawladiisu ka caawiso Somaliland iyo mugga baahidu intay tahay.

Waxa kale oo uu xusay inay dib u dhis ku samayn doonan goobaha taariikhiga ah ee ay turkigu hore uga sameeyeen dalka Somaliland.

Safiirku waxa uu intaasi ku daray in uu cisbitaalka guud ka mid yahay meelaha ay Khubaradaasi qiimayn doonto isla markaana ay dawlada Turkigu dhakhso gacan buuxda uga geysan-doonto baahida qalab iyo wixii la mid ah ee uu qabo.

Waxa kale oo uu sheegay in ay qorshahooda ku jirto dhismaha laba Dugsi-sare oo Turki ah oo ay Somaliland ka fulinayaan, iyo in ay Somaliland iyo Turkigu is waydaarsadaan macalimiinta Dugsiyada iyo kor u qaadida aqoontooda, dhinaca kale waxa uu safiirku sheegay inay Somaliland iman-doonaan shirkado iyo ganacsato waa weyn oo turki ah maal-gashina ku samayn doonaan Somaliland.

Ugu danbayna waxa uu safiirku madaxweynaha u muujiyey xiisaha ay dawladiisu u hayso wax la qabsiga Somaliland, isagoo sheegay in uu ku rajo weyn yahay inay dawladiisu dhawaan martiqaad u fidin doonto madaxweynaha Somaliland, oo ay kulmi doonan ra’iisal wasaaraha Turkiga iyo madax kaleba.

Waxa intaa dheeraa amaan balaadhan oo uu safiirku u soo jeediyey hanaanka dawladnimada ka hana qaaday Somaliland iyo sida ay wax u qabsatay intaba.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Siilaanyo oo weftiga dalka ku soo dhaweeyey ayaa waxa uu dawladda Turiga, safiirka, iyo xubnaha weftiga ee booqashada ku weheliya uga mahad naqay booqashada ay ku yimaadeen Somaliland iyo niyadsamida ay la yimaadeen.

Madaxweynuhu waxa uu ka waramay xaalada guud ee dalka iyo inay hanaanka dawladnimada somaliland ka hana qaaday, ku dhisan tahay rabitaanka shacbiga Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu tafaasiil ka bixiyey sida ay shacbiga iyo Dawlada Somalilandba uga go’antahay dhismaha iyo horu-marka dalku, iyo baahida ay Somaliland u qabto gacan qabashada iyo taageerada beesha caalamka.

Ugu danbayna madaxweynuhu waxa uu xubnaha weftiga uga waramay xidhiidhka taariikhigaa ee u dhaxeeya Somaliland iyo turkiga, waxaanu sheegay in uu aad u soo dhaweynaayo xidhiidhka, wax-wada qabsiga iyo isu soo dhawaanshaha labada wadan.

Intaa waxa dheer oo ay labada dhinacba (Xukuumada Somaliland iyo weftiga turkiga) soo dhaweyeen in ay shirkada diyaaraha ee turkigu duulimaadyo ka bilowdo somaliland, lagana wada hawl-galo suurta galnimadeeda.

Dhinaca Xukuumada waxa madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey

1.            Wasiirka Macdanta, Tamarta iyo biyaha, Eng: Xuseen Cabdi Ducaale

2.            Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta, Dr.Sacad Cali Shire

3.            Wasiirka Madaxtooyada, Xirsi Cali Xaaji Xasan

4.            Wasiirku ku-Xigeenka W/Arrimaha Dibadda , Mawliid Maxamuud Ibraahim

Xubnaha Weftiga:-

1.            Ambassador Mr. Kani Torun

2.            Dursun Erman Birdal, Deputy Head of Mission

3.            Kamil Kolabas, Advisor, Istanbul Metropolitan Municipality iyo 3 xubnood oo kale”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories