HomeNatiijada Kulan Dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xildhibaannada Wakillada ee Gobolka Awdal

Natiijada Kulan Dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xildhibaannada Wakillada ee Gobolka Awdal

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa habeen hore kulan la yeeshay Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee ka soo jeeda Gobolka Awdal, kuwaasi oo muddo ka maqan Golaha.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Gobolka Awdal ayaa Muddo ka maqan fadhiyada Golahooda, iyagoo diiddan in doorashada Golaha lagu galo Saami-qaybsigii doorashadii 2005-tii.

Madaxweyne Biixi ayaa sida Warar Xog-ogaal ahi u sheegeen Wargeyska Geeska Afrika wuxuu Xildhibaannada ka codsaday inay ku soo noqdaan Fadhiyada Golaha Wakiillada ee ay ka dareereen kuna Gacan-siiyaan inay doorasho dalka ka qabsoonto, sidoo kalena ka hawl-galaan dejinta bulshada Gobolka Awdal.

Hase-yeeshee, Xildhibaannada oo aad ugu adag Go’aanka ay ka qaateen Qadiyadda Saami-qaybsiga ayaa sida Warku sheegay waxay Madaxweynaha u sheegeen in aanay Go’aan gaadhi karin, balse ay Talo kula noqonayaan Bulshada Gobolka Awdal oo ay sheegeen inay aamisan yihiin in aanay doorashadan ku geli karin Saami-qaybsigii doorashadii 2005-tii, xilligaas oo uu Madaxweyne ahaa Daahir Rayaale Kaahin oo ka soo jeeda Gobolka Awdal.

Xildhibaannadu ma sheegin wakhti go’an oo ay ku soo celinayaan jawaabta rasmiga ah ee ay ka bixinayaan Dalabka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayn, Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa dhawaan go’aamisay in doorashada Golaha Wakiillada ee dhawaan dalka ka qabsoomaysa lagu galo habkii lagu galay doorashadii 2005-tii, habkaasi oo ah ka ay diiddan yihiin Bulshada reer Awdal ee ay matalayaan Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Madaxweyne Biixi la kulmay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories