HomeNatiijada Kulan Dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Madax-dhaqameedka Beesha Bariga Burco

Natiijada Kulan Dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Madax-dhaqameedka Beesha Bariga Burco

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Wasiirrada Loollanka ugu jira Hoggaaminta Xisbiga Kulmiye oo Goob-joog ka ahaa Kulanka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Shalay qaabilay Suldaanka guud ee Beesha Bariga Burco Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse oo ay wehelinayeen Madax-dhaqameed kale oo tiro badan.

Kulankan oo noqonaya kii koowaad ee inta la ogyahay dhex mara Madaxweynaha iyo Madax-dhaqameedka waaweyn ee Beesha Bariga Burco intii ka dambaysey doorashadii Madaxtooyada ee sannadkii 2017-kii, ayaan si rasmi ah loo shaacinin waxyaabaha lagaga Wada-hadlay, laakiin ilo-wareedyo muhiim ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Madaxweynaha iyo Madax-dhaqameedku isla soo qaadeen Xaaladda Xisbiga Kulmiye iyo loolanka ka dhex taagan siyaasiyiinta Beeshaa ka soo wada-jeeda ee Xukuumadda ku jira.

blankWarku wuxuu intaa ku darayaa, in Madax-dhaqameedka oo kulanka ay la yeesheen Madaxweynaha ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirrada Arrimaha gudaha, Dastuurka, biyaha iyo Caafimaadka, ay Saddex Suldaan u saareen inay Madaxweynaha u gudbiyaan Mawqifka Salaadiinta Beesha Bariga Burco ee la xidhiidha Xaaladaha taagan ee ku saabsan Xisbiga, laakiin arrimaha laga wada-hadlay Go’aamintooda iyo sii faahfaahintooda lagu heshiiyey in kulan labaad ay yeeshaan Madaxweynaha iyo Madax-dhaqameedku.

Kulanka Madaxweynaha iyo Beesha Bariga Burco, ayaa ku soo beegmaya xilli doorashada Madaxtooyada ay ka hadhay muddo kooban isla-markaana Siyaasiyiin badan oo Beeshaa ka soo jeeda oo saamayn ku lahaa Xisbigaasi laga saaray, sida Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, halka Siyaasiyiin kalena ka baxeen oo ay ku biireen Xisbiyada Mucaaradka ah, laakiin waxaan illaa hadda la garanayn waxa kulankani ka beddeli doono arrimahaa kor ku xusan.

Xigasho: Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories