HomeNatiijada Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Reysal-wasaaraha Itoobiya

Natiijada Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Reysal-wasaaraha Itoobiya

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Hargeysa Ku Soo Laabtay Ka Dib Safar Hal Maalin Ah Uu Ku Tagay Itoobiya Iyo Xukuumadda Oo Ka Hadashay Kulamo Uu La Qaatay Ra’isal Wasaaraha Dalkaasi

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo wefti uu hoggaaminayey ayaa galabta ku soo laabtay caasimada dalka Hargeysa, ka dib safar shaqo oo ay shalay gelinkii danbe ku tageen dalka Itoobiya.

00Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa ayaa Caasimada Itoobiya ee Addis Ababa kulan kula yeeshay Ra’isal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn iyo wasiirka arrimaha dibadda Itooobiya Dr. Workneh Gebeyehu.

Kulamadaasi oo daaranaa iskaashiga labada wadan iyo sagootin, maadaama mudddo xileedka Madaxweyne Axmed Silaanyo oo gebogebo ku dhaw yahay, sidaasina waxa Saxaafadda u sheegay Wasiirka Arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ka mid ahaa weftiga  Madaxweynaha isagoo warbaahinta kula hadlay Madaarka Cigaal International Airport, waxaanu ka war bixiyey safarkaasi iyo kulamadii uu madaxweynuhu la yeeshay madaxda dalkaasi waxaanu yidhi “ Waxaannu halkan shalay kaga tagnay wefti ka kooban, Madaxweynaha, marwada koowaad, anniga oo ah wasiirka arrimaha dibada iyo xoghayaha madaxweynaha, waxaannu ka degnay Addis Ababa si aad u qurux badan oo milgo leh ayaa naloo soo dhaweeyey roog cas ayaa naloo dhigay, maantana waxaannu yeelanay laba kulan, ka hore wasiirka arrimaha dibada  Dr. Workneh Gebeyehu ayaannu la yeelanay, waxaanu ahaa kulan sagootin ah, markii dambena waxaannu la kulanay ra’isal wasaare Hailemariam Desalegn.

Kulankaas Madaxweynaha iyo ra’isal waasaruhu waxyaabo badan ayey ku soo hadal qaadeen oo ay kaga wada-hadleen, kuwaas oo ay ka mid tahay xidhiidhka labada wadan ka  dhexeeya, arrimaha iskaashiga, arrimaha doorashooyinka mustaqbalka iyo mahadcelin ku aadan wada shaqayntii wanaagsanayd ee ay wada lahaayeen Madaxweynaha iyo ra’isal wasaaruhu. Kulankani wuxuu ahaa mid aad iyo aad munaasib u ahaa, waayo isniinta ayaa la galayaa doorashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, markaa in ra’isal wasaaruhu uu shir sagootin ah kula kulmo Madaxweynaha waa wakhti ku haboon”. Ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories