HomeNatiijada Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Ergada Nabadeynta Gobolka Sanaag oo Go'aamo...

Natiijada Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Ergada Nabadeynta Gobolka Sanaag oo Go’aamo Muhiim ah isla qaatay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay ergada Nabadaynta Gobolka Sanaag iyo Dhexdhexaadinta Jabhadda Caarre iyo xukuumadda, waxaanay is Af-garad buuxa ka gaadheen soo af-jaridda arrinta Buuraleyda Woqooyi ee Gobolka Sanaag.

Sida lagu sheegay war-qoraal ka soo baxay Xafiiska Xidhiidhka Saxaafadda ee Madaxtooyada, kulanka oo ku qabsoomay qasriga Madaxtooyada, waxa ay labada dhinac dhinac isla qaateen in si degdeg ah loo soo af-meero arrinta ka taagan deegaanka buuraleyda Woqooyi ee gobolka Sanaag oo ay ku sugan yihiin Jabhadda uu hoggaamiyo Korneyl Caarre.

War-qoraalka ka soo baxay madaxtooyada, ayaa u qornaa sidan: “Kulan uu madaxweynuhu la qaatay ergadan ayaa la iskula qaatay in si degdeg ah loosoo af-meero arrinta ka taagan deegaanka buuraleyda waqooyi ee gobolka Sanaag, islamarkaana wada-jir loo taageero nabadda iyo deggenaanshaha gobolka, isaga oo madaxweynuhu danta guud u aqbalay inuu cafiyo  ciidamada ku sugan halkaas  ee faraha la galay falalka liddiga ku ah nabadgelyada isla markaana la qarameeyo.

islamarkaana wada-jir loo taageero nabadda iyo deggenaanshaha gobolka, isaga oo madaxweynuhu danta guud u aqbalay inuu cafiyo  ciidamada ku sugan halkaas  ee faraha la galay falalka liddiga ku ah nabadgelyada isla markaana la qarameeyo.

Salaadiin, cuqaal iyo waxgarad ay ka mid yihiin Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Cali Badda-cas, Suldaan Cabdiraxmaan Aw Good, Chief caaqil Maxamuud Nuux, Xildhibaan Saleebaan Cawad Bukhaari, Sheekh Cawil Faatax iyo waayeel kale oo ka mid ah ergada nabadaynta,  ayaa madaxweynaha la qaatay in dhammeeyo dhibaatadaas, waxana uu  madaxweynuhu shaaca ka qaaday in xukuumadu diyaar u tahay adkaynta nabada iyo horumarka gobolka, isaga oo caddeeyey inaan cidina ka sarrayn shuruucda dalka u dejisan, islamarkaana aan la baalmari karin Dastuurka qaranka.

Maayarka magaalada Ceerigaabo, Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur, guddoomiyaha gobolka Sanaag u qaabilsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane Maxamed Xasan Jaamac Daadey, Boqor Maxamed Boqor Axmed Cali iyo Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani oo kamid ah salaadiinta waaweyn ee reer Somaliland oo  kulanka hadallo ka jeediyey, ayaa si buuxda u aqbalay go’aanka madaxweynaha, soona dhaweeyey cafiska uu u fidiyey ciidankaas, iyaga oo sheegay  inay si rasmi ah u qaateen go’aanka xukuumadda ee ah inaan sharciga loo jebinin cid kasta oo aanu Dastuurku oggolayn cafiskeeda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu guddida u sheegay inuu nabadda darteed diyaar u yahay inuu awooddiisa ku meelmariyo wax kasta oo arrintaas lagu soo afmeerayo, waxana uu yidhi, “Hawsha inta xilka aan hayo ee madaxweynuhu oggoshahay ee aan awooddeeda leeyahay waan qaadanayaa oo waan fulinayaa.”

Madaxweynuhu waxa uu madasha kaga dhawaaqay inuu cafiyey dhammaanba ciidamada la socda Siciid  Caarre, isaga oo xusay in Cafis loo fidiyo Siciid Laftiisu u baahan yahay sharciyad la raaco, maadaama ciidamada iyo saraakiishoodu kala kiis yihiin, “Ciidamadu waxa ay u kala qaybsan yihiin saraakiil iyo askar, waana kala kiis, innamada halkaas jooga sarkaalka sare mooyaane intooda kale dhammaantood wax allah wixii qaranku dembi u haystay waan ka saamaxay, sharcigaana ii oggol, laakiin gaashaanlaha sare ee hoggaaminaya waxaynnu u baahannahay inaad iisoo martaan sharci aan ku saamixi karo, qofku markuu xidhan yahay oo dembigii uu qaatay oo uu xabsi ku jiro oo laga fikiro qofkii dembigii wuu ka baxay Saamax iyo qofkii dalka ma joogo,” ayuu yidhi madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa dhankiisa taageero ballaadhan u muujiyey in qaran ahaan la isla qaato in wada-jir loosoo af-meero arrintaas, waxana uu tilmaamay inuu si buuxda usoo dhaweynayo go’aanka uu madaxweynuhu ka qaatay arrinta gobolka Sanaag iyo ciidamadii  arintaas  ku lug yeeshay ee madaxweynuhu cafiyay isagoo suldaanku ku hambalyeeyay madaxweynaha talaabadaas, waxana uu yidhi, “Waannu kula qaadannay natiijada go’aankeeda, waxana aannu ku dedaalaynaa sidaa aad noogu go’aamisay inaannu ku dhammayno oo aannu kasoo qaadno arrin aan laga noqon karaynin, Arrinta aad imika go’aamisay way noo caddahay, waanu kula qaadanayna arrinkaas. arrinkaasina arrin dib looga noqdo ma ahee aan sidaas ku hambalyeyno madaxweynaha iyo xukuumaddiisa.”

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu ergeda nabadaynta gobolka Sanaag ku ammaanay dhabar-adaygga iyo samirka ay arrinta ku wajaheen iyo sida ay uga go’an tahay in nabad waarta laga gaadho arrinta gobolka Sanaag, isaga oo ku adkeeyey in gacmaha la isu qabsado sidii loo soo gebo-gebayn lahaa shaqaaqada soo noqnoqotay ee deegaannada Ceel-Afweyn.”

DAAWO BILICDA SAWIRRADA KULANKA MAANTA KU QABSOOMAY MADAXTOOYADA

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories