HomeNatiijada Kulan caawa Xukuumadda iyo xildhibaannadeeda Wakiilladu kaga Arrinsadeen Qorshe ay ku...

Natiijada Kulan caawa Xukuumadda iyo xildhibaannadeeda Wakiilladu kaga Arrinsadeen Qorshe ay ku Wejahaan Xeer-hoosaadka Guddoomiye Cirro Kootada ugu Xidhay Awoodda Shir-guddoonka Golaha Wakiillada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Aqalka Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa caawa ku qabsoomay kulan ay ka qayb-galeen xubno ka mid ah wasiirrada ugu tunka weyn xukuumadda Siilaanyo, labada ku-xigeen ee shir-guddoonka Wakiillada iyo tobaneeyo xildhibaan oo ka tirsan golahaas.

latest SL newsKulankan oo uu shir-guddoominayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, ayaa caawa salaaddii makhrib ka dib ka furmay aqalka ku-simaha madaxweynaha Somaliland, waxaana ujeeddada kulankaas , oo muddo badan qaatay, la gorfeeyey xaaladda ka soo cusboonaatay golaha Wakiillada ee xeerka awoodda badan siinaya guddoomiye Cirro lagu ansixiyey.

Ilo-wareedyo looga qaateen ah oo dhaq-dhaqaaqa kulankaas la socday, ayaa shabakadda Somalilandpost.net u xaqiijiyey in ujeeddada kulankaasi ahaa mid ay xukuumadda iyo xildhibaannada kulanka ka qayb-galay ay kaga arrinsadeen qorshihii lagu waajihi lahaa curyaaminta awoodda xad-dhaafka ah ee xeer-hoosaadka Goluhu u jideeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, kaas oo sidoo kale kala dhan-taalay awooddii ay shir-guddoonka ku lahaayeen guddoomiye ku-xigeenka 1aad Baashe Maxamed Faarax iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Cali Yuusuf.

Warku waxa uu intaas ku daray in kulankaas laskula qaatay qorshe abaabulan oo xukuumadda iyo xildhibaannadu kaga hortagaan xeerka guddoomiyaha wakiillada kootada ugu xidhay ku-takri falka awoodda sharci ee guddoomiye Cirro ku maroorsaday Shir-guddoonka Golaha, isla markaana lagu soo celin lahaa awooddii ay guddoomiye ku-xigeennadu ku lahaayeen Shir-guddoonka.

Ilo-wareedyadani may xaqiijin wakhtiga rasmiga ah ee xukuumadda iyo xildhibaannada u ballameen fulinta qorshahooda, balse waxa la sheegay in maalinta Berri ah loo ballansan yahay kulan Qado ah oo xukuumaddu casuumad ugu samaynayso dhammaan xildhibaannada Xisbiga Kulmiye kaga jira Golaha wakiillada, kaas oo si sal-ballaadh ah looga arrinsan doono isla markaana laysku dareensiin doono caqabado la dareensan yahay inay xukuumaddu kala kulmi doonto Golaha Wakiillada ee wakhtigan mucaaradka isu-dhalan-rogay.

Warku waxa uu intaas ku daray in madaxweyne ku-xigeenka iyo wasiirrada kulankaas qaybta ka ahaa ay xildhibaannada Kulmiye ku canaanteen inay guddoomiyaha Golaha Wakiillada ku taageeraan wax-ka-beddelka lagu kala dhantaalay awoodihii xeer-hoosaadka Wakiilladu u jidaynayay labada guddoomiye ku-xigeen ee Golahaas oo iyagu ka soo jeeda Xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Kulanka Madaxweyne ku-xigeenku shir-guddoominayay, waxa dhinaca xukuumadda ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw-Daahir iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal.

Waxa kale oo kulankaas ka qayb-galay 16 xildhibaan oo ka tirsan golaha Wakiillada, marka laga reebo labada guddoomiye ku-xigeen oo iyagu kulanka qabsoomiddiisa dabada ka riixayey.

Magacyada 16-kan xildhibaan oo ka kala tirsan mudaneyaashii Kulmiye ee golaha Wakiillada iyo Qaar dhawaan ku biiray Xisbigaas, ayaa kala ah;  Xil. Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), Xil. Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye), Xil. Maxamed Cumar Jiir, Xil. Maxamed Jaamac, Xil. Cali Marreexaan, Xil. Maxamed Cismaan Bulqaas, Xil. Maxamed Baaruud, Xil. A/yaasiin Sh. Cali Ayaanle, Xil Cali Barre, Xil. Xasan Cawaale, Xil. Mahdi Gees, Xil. Maxamuud Jaamac Warfaa, Xil. Ibrahim Axmed Raygal, Xil. Cabdikariim Aw-Cali Shabeel, Xil. Cabdiqaadir Jaamac Xaamud iyo Xil. Dable.

Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa todobaadkan cod aqlabiyad ah ku meel-mariyey wax ka beddel iyo kaabis lagu sameeyey xeer-hoosaadka Golahaas oo ka kooban 70 qodob, waxaanu xeer-hoosaadkan cusubi meesha ka saaray awooddii ay shir-guddoonka golaha ku lahaayeen labada guddoomiye ku-xigeen ee Wakiillada, kaas oo awooddii Golaha Gacanta u geliyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo sidoo kale ah guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.

Awoodda Dheeraadka ah ee Xeer-hoosaadkani siiyey guddoomiye Cirro isla markaana qodobada ku jira lagu rifay awoodihii ku-xigeennada, ayaa u muuqda mid guddoomiyaha Golaha Wakiillada gabbood uga noqonaya duufaannada Siyaasadeed ee kaga yimaadda dhinaca xukuumadda oo tiraba dhowr jeer isku dayday inay kursiga ka tuurto guddoomiye Cirro, haseyeeshee ay taasi ku suurtoobi weyday taageerada uu ka haysto mudaneyaasha golaha Wakiillada oo badankoodu isu beddelay mucaarad, iyada oo maalintii dhawayd ee xeerkan loo codaynayey la arkayey xildhibaanno ka tirsan Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo taageeray ansixinta Xeer-hoosaadkaas.

 Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories