HomeNatiijada Kulan Caawa Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyeyaasha laba Ka mid ah...

Natiijada Kulan Caawa Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyeyaasha laba Ka mid ah Ururradii Doorashada ku hadhay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa Qasriga Madaxtooyadda casho sharaf ugu sameeyay Guddoomiyayaasha Qaar ka mid ah ururradii ku hadhay tartankii Doorashada Goleyaasha Deegaanka.

Madaxwayne Axmed Siilaanyo ayaa waxa uu qasriga Madaxtooyada kula kulmay Guddoomiyayaasha urur siyaasadeedyadii DALSAN Eng Ismaaciil Aaden Cismaan iyo RAYS Xasan Gaafaadhi.

IMG_0859Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo kulankaasi ka dib faahfaahin ka bixiyey qodobbada ay isla soo qaadeen Madaxwaynaha iyo labada Guddoomiye ayaa sheegay in muhiimadda ugu weyn la xidhiidho sidii danta Qaranka meel looga soo wada-jeedsan lahaa.

“Caawa waxa uu Madaxwaynuhu Casho sharaf u sameeyay afartii urur ee aan nasiibka doorashada ku soo bixin, waxa ixtiraamkaasi Madaxawaynaha awgeed yimid Xasan Gaadhaafi iyo Ismaaciil Aaden Cismaan, waxa sharaf ah in Ismaaciil iyo Xasan ay casuumada Madaxwaynaha si sharaf ah u yimaadeen, Madaxwaynuhuna wuu u mahadnaqay labadooda iyo cidda maqan iyo xisbiyadii xalay (habeen hore) yimidba wuxuu ku waaniyey in qaranka guushiisu ay tahay nabadda, in la iskaashado oo nabadda laga wada shaqeeyo oo qaranimada aynu ka wada shaqeyno ayuu Madaxwaynuhu u soo jeediyay, iyaguna aad iyo aadbay uga mahadnaqeen.

IMG_0865Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Rays Xasan Goofadhi oo ka hadlay kulanka ay madaxweynaha yeesheen, waxa uu yidhi, “Aniguna waxaanu tilmaamayna cashada uu Madaxweynuhu noogu yeedhay aanu ku nimi oo aanu ka soo qaybgalay. Waxyaabaha laga wadahadlayey waxay ahayd waynu ogayn oo doorasha dhacday oo cidna way soo baxday cidna kumay guulaysan kaalimihii lagu soo baxayey, afar urur ayaanu ku ahayn oo qaarna caawa halkan ayay joogan qaarna way maqanyihiin oo wixii soo baxay way soo baxeen wixii aan soo bixina waxay u baahantahay in iyaga laftigooda la tuso in ay ka mid yihiin umaddii iyo mushtamicii balaadhnaa, wax kastaaba hayska jiraan oo tabasho badani hayska jirto, laakiin haddii ay doorasho dhacday oo cid loogu dhawaaqay oo ay maxkamadii go’aan gaadhay oo horene waanu u sheegnay in go’aanka ay maxkamaddaasi gaadho aanu qaadanayno oo qanaceedu waa meesheeda sidii uun-baan ku qaadanay kuna soo ajiibnay casuumaddan Madaxweynaha oo uu cashadda noogu sameeyey.”

IMG_0873Xasan Gaafaadhi waxa uu sheegay inay Madaxweynaha u soo jeediyeen in laysku keeno shacanbka dalka, danta dalkuna ku jirto nabadgeliyada iyo midnimada dadka, “Annagu waxa aanu soo jeedinay in la isla doonno mushtamicii iyo shacabkii reer Somaliland la isla doono, mar walba ay dantu ku jirto nabadgelyadda iyo is urursiga iyo midnimada oo doorashadaasi wixii xanaf ah ee ay ka tagtay la kabo oo la isku ururiyo oo la isla doon-doono dadkii oo aan midna laga hadhin tabashadiisa iyo wuxuu qabo.”

Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Dalsan Eng Ismaaciil Aadan Ismaaciil, ayaa isaguna ka hadlay kulanka dhexmaray Madaxweynaha, “Waxaa weeye runtii siday doontaba haw dhacdee ama qofku ha yidhaahdo ciddaa waa la soo saaray ama way dhacday, waxaad ogaata inay waxani yihiin xukun Illaahay, waxaanu soo saarin ma soo baxaan ama caddaalad how dhacdo ama caddaal-darro how dhacdo’e, Illaahay uun-baa soo saaray sidaasun-bayna u taalay in saddexdaa urur lagu dhawaaqi doono. Hadii aanu ognahay in saddexdaa urur lagu dhawaaqayo doorashadii kamaanaan qaybgalneen,”ayuu yidhi Guddoomiyaha ururka Dalsan.

Madaxwaynaha waxa kulankaas ku wehelinayey qaar ka mid ah goliisa Wasiirrada, kuwaasi oo uu ka mid yahay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo La taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka.

Somalilandpost.net

C/wahaab Guuleed

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories