HomeNatiijada Kulan ay gondaha isku dareen Madaxweyne Siilaanyo iyo Hoggaanka Xisbiga Kulmiye...

Natiijada Kulan ay gondaha isku dareen Madaxweyne Siilaanyo iyo Hoggaanka Xisbiga Kulmiye oo maanta ku Qabsoomay Qasriga Madaxtooyada

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

xasan siciidHargeysa (SLpost)- Kulan xal loogu raadinayo habsami u qabsoomidda iyo tuhunno khilaaf hor lihi ka abuurmay oo ku aaddan shirweynaha Kulmiye, ka dib markii ay kala jabeen guddi loo doortay qaban-qaabada shirweynaha Xisiga Kulmiye, ayaa maanta ku qabsoomay Qasriga Madaxtooyada.

Kulankan oo dhexmaray madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilanyo oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada iyo Hoggaanka Xisbiga Kulmiye, ayaa gebo-gabadiisii laga soo saaray 5 qodob oo laysug af-gartay inay xal u noqdaan khilaafkaas, waxaanu madaxweynuhu halkaas ka caddeeyey in hoggaanka Kulmiye u madax-bannaan yahay hawlihiisa la xidhiidha maamulka Xisbiga iyo xalinta khilaafkaas oo ku yimi kala-qaybsanaan ka dhex dhalatay guddida Qaban-qaabada shirweynaha Xisbiga oo todobaadkii hore qayb ka mid ahi kulan ay isugu yimaaddeen ku doorteen hoggaan cusub, waxaana tallaabadaasi si adag u cambaareeyey hoggaanka xisbiga oo tallaabadaas ku sifeeyey mid ay ku lug leeyihiin xubno ka tirsan golaha Wasiirrada xukuumadda oo lagu tuhunsan yahay inay af-duubeen 15 ka mid ah 27-ka xubnood ee guddida Qaban-qaabada Shirweynaha.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Md Xasan Siciid Yuusuf oo lagu faahfaahiyey ujeeddada iyo qodobbo ka soo baxay natiijada Kulanka maanta ka dhacay Qasriga madaxtooyada, ayaa u qornaa sidan:- “Kulan maanta oo taariikhdu tahay 02/11/2013 ku dhexmaray Qasriga Madaxtooyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE ayaa lagaga wadahadlay khilaafka ka dhashay xubnaha Guddiga Qabanqaabada oo koox ka mid ahi si gaar ahi sifo aan sharciga xisbiga waafaqsanayn u doortay hoggaan iyo hawlaha u diyaargarowga shirweynaha 3-aad ee xisbiga KULMIYE oo ku muddaysan 25-ka bisha December ee soo socota.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi, afarta guddoomiye-ku-xigeen ee xisbiga, Xoghayaha Guud ee xisbiga iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga, goob-joogna ka ahaayeen Wasiirka Duulista Hawda iyo Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada, waxa si buuxda la isula qaatay in la soo afjaro wixii khilaaf ah ee jira, isla markaana laga midho-dhaliyo qabsoomida shirweynaha xisbiga KULMIYE.

Doodo iyo falaqayn kala duwan oo kulanka laga jeediyey kadib waxa la isku afgartay qodobadan hoos ku qoran;

1. Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in aanay jirin haba yaraatee cid gaar ah oo murrashax xisbiga KULMIYE dhexdiisa ah oo uu wato ama uu taageersan yahay, isla markaana waxa uu qalad ku tilmaamay in wax olole siyaasadeed ah la dhexgeliyo hawsha qabanqaabada shirweynaha xisbiga. Waxa kale oo uu sheegay in aanay hadda jirin cid murrashax ah laakiin ciddii is sharraxaysa ay u furan tahay marka shirweynaha la gaadho inay dhexdiisa iska sharraxdo.

2. Madaxweynuhu wuxuu kulanka ka sheegay in haddii la keeno caddaymo ka markhaati kacaya in xubno ka tirsan Golaha Wasiirradu ay ku lug leeyihiin eedaymaha olole ee dhaliyey in guddiga qabanqaabadu kala qaybsanto inuu tallaabo ka qaadi doono.

3. Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu caddeeyey, la islana qaatay in Guddoomiyaha iyo hoggaanka xisbiga KULMIYE ay u madaxbannaan yihiin hawshooda maamulka xisbiga, iyadoo Guddoomiyaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi uu halkaasi ka ballanqaaday in arrinta ku saabsan kala jabka guddiga qabanqaabada iyo go’aankii xubno ka mid ahi ay gooni ugu doorteen hoggaan uu isagoo guddanaya masuuliyaddiisa gelayo xallinteeda, isla markaana uu go’aan ka soo saari doono.

4.      Waxa kaloo la isku afgartay in khilaafka iyo xasaasiyadda ka dhashay kala jabka Guddiga Qabanqaabada ay turxaan-bixinteeda dib isugu noqdaan oo ay ka wadahawlgalaan hoggaanka iyo Guddiga Fulinta ee xisbigu si aan wax carqalad ahi ugu iman habsami-u-socodka hawlaha qabanqaabada shirweynaha.

5.      Ugu dambayn waxa la isla qaatay in dhammaan xisbiga iyo xukuumadduba ay si wadajir ah gacmaha isku qabsadaan, ugana midho-dhaliyaan sidii shirweynaha 3-aad ee xisbiga KULMIYE ugu qabsoomi lahaa si qurux badan oo aan khilaaf lahayn, si wadajir ahna looga dhawro wax kasta oo carqalad ku keeni karaya.”

SOMALIALNDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories