HomeNatiijada Kulan albaabadu u xidhan yihiin oo Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirka Maaliyaddu...

Natiijada Kulan albaabadu u xidhan yihiin oo Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirka Maaliyaddu ku Qaabileen Ganacsato Cashuur ka cabanaysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 10 January, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa saaka Qasriga madaxtooyada ku qaabilay labaataneeyo xubnood oo ka wakiil ahaa ganacsatada beryahanba ka cabanaysay cashuuro ay sheegeen in wasaaradda maaliyadu ku kordhisay badeecadaha ay ka ganacsadaan ee kala ah:-
Sharaabka, sida kokokolaha iyo wixii la mida, saamuunta adag  ee dharka lagu maydho iyo saabuunta budada ah ee ay dadka badidiisu u yaqaaniin taydha.
Kulankan oo aan saxaafada la ogaysiinin ayaa markii uu dhamaaday ka dib waxa  aanu la kulanay qaar ka mid ah xubnihii ka qayb galay shirka.
blankWaxaanay noo sheegeen inuu kulanka ka danbeeyey ka dib markii ay ganacsatadu madaxweynaha ka codsatay in uu fursad u siiyo fadhi uu cabashadooda ku dhegaysto.
Xubnahaasi waxay sheegeen in ay kulanka ka soo qayb galeen madaxweynaha, wasiirka maaliyada, wasiirka madaxtooyada iyo gudida ay ganacsatadu soo wakiilatay.
Xubnahan oo aanu kulankaa ka dib la xidhiidhnay iyaga oo meelo kala duwan jooga waxa ay si isku mida u sheegeen in ganacsatadu Madaxweynaha uga mahad celisay, sida dhakhsaha leh ee uu codsigooda uga aqbalay, isla markaana waxay sheegeen in ay ganacsatadu halkaas ka soo jeedisay garnaqsi ay ku tilmaameen, dhakhliga, cashuuraha iyo macaashal – macaashka ee xukuumada uga soo xarooda ganacsatada iyo shirkadaha ka ganacsada saddexda badeecadood ee cashuurta lagu kordhiyey.
Waxa kale oo ay si cad u soo bandhigeen in haddii ay wasaaradda maaliyadu ku adkaysato go’aankan ujeedadu ay tahay mid lagu joojinayo saddexdaa badeecadood oo xadiga ugu badan laga keeno wadamada Yaman, Sucuudi Arabiya iyo Imaaraaadka, waxaanay taa daliil uga dhigeen dood ay sheegeen in wasiirka maaliyadu ku difaacayey cashuurta uu kordhiyey.
Taas oo bay yidhaahdeen nuxurkeedu ahaa in ujeedada uu wasiirku cashuurta ugu kordhiyey saddexdan badeecadood, ay tahay iyada oo ay xukuumadu dhiiri gelinayso wershadaha wadaniga ah ee badeecadahaas soo saara.
Ganacsatadu waxa ay kulankaa ka sheegeen in uu jiro tuhun ay ka qabaan xubno xukuumada ka mida oo duulaan ku ah ganacsigooda una hiilinaaya ganacsade uu tartaran ka dhexeeyo.
Ganacsatadu waxa ay sheegeen in ay wakhtigan xukuumadu ka hesho saddexdaa badeecadood cashuur u dhiganta 10% dakhliga cashuuraha oo dhan ka soo xarooda.
Sidaa awgeedna hadii ay wasaaradda maaliyadu ku adkaysato go’aankeedan u hiilinaaya meherad keliya  ama labada meheradood inay ku waayi doonto dakhligaas oo la hubo in aaanay kaa iyo mid u dhawtoona dabooli karayn.
Wasiirka maaliyada ayaa hadalkiisii ku cadeeyey ujeedada rasmiga ah ee korordhsiimada ay ganacsatadu ka cabanayso waxaanu sheegay in aanu isagu awood u lahayn in uu cashuur kordhiyo, waxa la kordhiyaana aanay cashuur ahayn balse ay tahay wax loo yaqaano
qiimaha(Value)  qiimaha badeecada oo isbed-bedala taas oo ay wasaaradda maaliyadu xaq u leedahay laakin marka ay cashuurtahay waxa go’aamiya ayuu yidhi xukuumada iyo Baarlamaanka.
Xubnaha xog-warankan bixiyey ayaa siyaabo kala duwan, balse isku ujeedo ah u sheegay in ay dooda wasiirka maaliyadu ahayd midi-midi ku taag, iyaga oo taa ku sababaynaya xisaabtii ay soo bandhigeen ganacsatada ee dhinaca dakhliga, qiimaha badeecada iyo faa’iidada uu dalku ku qabo iyo xisaabtii uu soo bandhigay ee uu ku dedafaynaayey wasiirka maaliyadu oo aan xisaab ahaan kala fogayn, balse nuxur ahaan iyo natiijada dhaqaale ee ay dalka u leeyihiin aad u kala fogaa.
In ka mida xubnaha ganacsatada ee shirka ka qayb galay ayaa yidhi:- “Aniga qof ahaan waxay ila tahay in ay ganacsatada reer jabuuti qaarkood weerarku yihiin nolosha iyo xasiloonida ganacsiga ee Somaliland ka jirta, waayo ganacsadaha maanta loo hiilinaayo ee uu go’aankani ka yimid xoolaynayaa isna waa reer Jabuuti waxaana la hubaa in hadii ay tani dhacdo oo ay ganacsatada badeecadahaasi ka ganacsataa meesha ka baxdo in ay xukuumaduna wax weyn ku waayi doonto  taasina ay saamayn doonto dhakhliga yar ee ay xukuumadu ku maamusho adkaynta nabadgelyada iyo dhismaha dawlada.
Kulankan oo aan dhinaca xukuumada wax wara laga soo saarin waxa ay xubnaha ganacsatada ah ee xogtan bixiyey waxay sheegeen in uu wasiirka maaliyadu sheegay in uu diyaar u yahay in ay ganacsatadu xubno iska soo saaran  oo ay la xisaabtamaan taas oo ay qaaar ganacsatada ka mid ahi soo dhaweeyeen balse ay ku xidheen in uu marka hore meesha ka saaro amarka uu kastamada dhigay.
Waxa kale oo ay sheegeen in gebegabadii shirka  uu madaxweynuhu hadal kooban oo raali geliyey ka soo jeediyey kaasoo bay yidhaahdeen ahaa mid uu ganacsatada ugu caqli celiyey in ay ogaadaan qiimaha ay cashuurtu ugu fadhido dalka, jiritaanka Dawladnimada iyo xasiloonida qof walba u suurto gelinaysa in uu si xor ah oo nabada u ganacsado isla markaana ay sharciga iyo kala danbayntu ku jiraan, dhinaca kalena madaxweynuhu waxa uu hadalkiisa kaga garaabay in aanay macquul ahayn inay xukuumadu qaado talaabo cadaadinaysa ganacsatada, iyo in cashuurta badeecadaha la dulbuuxiyo oo la saaro qiimo aanay qaadi karayn.
Ugu danbayna madaxweynuhu waxa uu sheegay  in ay xukuumad ahaan dib isugu noqonayaan oo ay dib u eegayaan cabashadan ganacsatada ka timid, si dhakhso ahna looga jawaabi doono.
Kulankan ayaa daba socda khilaaf maalmihii ugu danbeeyey u dhexeeya wasaaradda maaliyada iyo ganacsatada ka ganacsata badeecadaha laga soo waarido wadamada Yaman, Sucuudi Arabiyo iyo Imaaraadka, gaar ahaan saddexda badeecadood eek ala:- sharaabka, saabuunta adag iyo Ta budada ah, kaaas oo ka dhashay ka dib markii ay soo baxday in ay wasaaradda maaliyadu badeecadahaas ku kordhisay cashuur dheerada sida ay ku doodayaan ganacsatadu taas oo aakhirkii sababtay in ay ganacsatadu joojiso inay bixiso qiimahaa cusub ee wasaaradda maaliyadu ku soo rogtay, sidaa awgeedna mudo dhawr maalmood ahba ay dekeda berbera wadhan yihiin badeecadahaas oo la cashuuran waayey.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories